“Waxaanu Ahayn Ciidankii Buuhoodle Kasoo Raacay Ina Caamey Ee Uu Kusoo Kaxeeyay Xabad Baa Socota, Markii Dambena isubedeshay in Guryaha Garoowe La Difaaco.”

0
18

Ciidan Kasoo Goostay Maamul-Goboleedka Puntland Ee Soomaaliya, Dhalinyaradaas Oo Lamarin Habaabiyay Ee Lagana Kaxaystay Gobolka Sool Iyo Deegaamadiisa.”

“Si Fiican Oo Kal Iyo Laab Ah Baan Idinku Soo Dhaweynaynaa, Saacadaa Laga Bilaabana Waad Qaramaysan Tihiin.” Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL Ee Aagga Bariga Sareeye Guuto Cali Barre Xuseen

 

Laascaanood (Hubaal)- Ciidamo tiro badan oo ku gaashaaman gaadiidka tiknikada iyo hubka fudud ayaa waxa ay shalay ka soo goosteen maamul Goboleedka Puntland, Iyagoo Ciidamada Qaranka Somaliland ku soo biiray, Waxaana Ciidamadan lagu soo dhaweeyay Duleedka Magaalada Laascaanood. Guddoomiyaha gobolka Sool Taliyaha aagga bari ee ciidanka qaranka ee gobolka Sool iyo saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland ayaa ciidanka kasoo goostay maamul-goboleedka Puntland kusoo dhaweeyay taliska ciidanka qaranka JSL duleedka magaallada Laas-caanood ee Goojacadde. Sarkaalka watay ciidanka kasoo goostay maamul-goboleedka Puntland oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi; “ Magacayga waxa layidhaa Maxamed Faarax Cali, waxaan aniga iyo ciidanka aan hogaaminayo aanu kasoo goosanay maamulka Puntland. Waxaanu ahayn ciidankii Buuhoodle kasoo raacay Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland Ina Caamey, ciidankaas oo madaxweyne-ku-xigeenku Puntland kusoo kaxeeyay Xabad baa socota, xabadaas oo markii dambe isubedeshay in guryaha Garoowe la difaaco, taas baana annaga na anficiweyday oo aanu uga soo baxnay, halkan baananu nimid annaga oo ciidan badan ku socona. Ciidankani wuxuu tiradiisu ahaa Laba boqol iyo sideetan iyo sideed nin buu ahaa (288)  intanina waa u hormuud.” Ayuu yidhi Maxamed Faarax Cali oo watay ciidankaasi kasoo goostay maamul Goboleedka Puntland, waxaanu intaasi ku daray, “Waxaan usoo jeedinayaa inay ummaddooda dhinac ka raacaan oo ay dantooda qabsadaan oo ay ka baxaan guryahan Garoowe ee ay difaacayaan ee la leeyahay difaaca oo xabada isku dhiga, meel aanay xabadi ka dhacayn dagaalna aanu ka jirin.” “Annagu waxaanu nahay Saraakiisha ciidanka qaranka Somaliland ee jiida hore, waxaa nagu soo kordhay Gaadhigaa tiknada ah iyo inamadaas oo ka yimid meesha la yidhaa God-qaboobe, waxaanay halkan u yimaadeen iskood iyo ikhtiyaarkood iyadoonay cidi qasbin, siyaasadihii la laha ee lagu fushanayay oo hadeerna wax fahmeen, markii horena lagu soo qaaday tolla’yeey xaalad ah, imikana ay fahmeen inaanay meesha waxba kajirin ee difaac Garoowe lagu ilaashanayo, meesha iyo dadkay wax la leeyihiina yahay Somaliland. Inamadaas ayaanu soo kaxaynay oo keenay jiidii taliska ciidanka Somaliland ee aagga Bari aad iyo aad baanan usoo dhaweeynayaa. Waxay ii sheegayeen, inamo badan oo leexday oo Hawdka iyo dhulkaa u leexday oo ka baqay ina la furto oo wax layeelo. Waxaan leeyahay ku kasta, qoloadaa reer Garoowe haduu noqdo oo uu soo cadhoodo waa lasoo dhaweynayaa, dalkiisa iyo dadkiisiibaa halkan jooga.” Sidaasi waxa yidhi mid kamid ah Saraakiisha ciidanka qaranka Somaliland ee jiida hore oo soo dhaweeyay ciidankan kasoo goostay Putland. Taliyaha ciidanka qaranka JSL ee aagga bariga Somaliland Sareeye Guuto Cali Barre Xuseen oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in maanta laga bilaabo ay ciidamadani ka yimid yihiin ciidamada qaranka JSL. “Maanta oo ay bishi tahay 22 Julaay 2018 waxaan taliska ciidanka ee Goojocadde kusoo dhaweynayaa ciidan kasoo goostay maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, dhalinyaradaas oo ah kuwii mar hore lamarin habaabiyay ee laga kaxaystay gobolka Sool iyo deegaamadiisa oo Somaliland Darin ah ka baxay, kusoo noqdayna guryahoodii ay xaqa u lahaayeen, fahmayna meeshaa ay joogeen inaanay iyagu lahayn, ee ay gurigoodii dalkoodii iyo dadkoodii kan yahay, waxaan leeyahay waanu idin soo dhaweynaynaa si fiican oo kal iyo lab ah baan idinku soo dhaweynaynaa, saacadaa laga bilaabana waad qaramaysan tihiin.” Ayuu yidhi Taliyaha ciidanka qaranka JSL ee aagga bariga Somaliland Sareeye Guuto Cali Barre Xuseen

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here