“Waxaanu Dadka Uga Digaynaa [Kelmad] Qolada WADDANI Afkoodana Ku Badan, Madaxdoodana Ku Badan [Laakiin] Annagu Cidda Loo Digayo Garan-Mayno, Calafna Waa Inta Alle Qoray”

0
62

Maxamed Kaahin Oo Naqdiyey Weedho Dar-daaran-werin Leh Oo Maxamed A. Uurcadde Shuruud Kaga Dhigay In Doorashadu Qabsoonto

“Waxanu Ummada U Sheegaynaa Haddii Doorashadaasi Qabsoomi Weydo Cidda Mas’uulliyadeeda Lihi Waxay Noqonaysaa……”

++++++++++++

“Waxanu Ku Cel-celinaynaa in Xukuumaddu ay Ka Soo Baxdo Mas’uulliyadda Ay Qaranka U Hayso [Waayo]   Dhibta U Baahan In Run Laga Sheegaa Waxa Weeye……” –  Xoghayaha Guud Ee WADDANI

Kaahin

Hargeysa (Hubaal) – Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE iyo dhiggiisa mucaaridka ah ee WADDANI ayaa meel fagaare ah isugu weydaarsaday weedho dardaar-werin iyo  digiinno isugu jira oo ku taxalluqa doorka ay ku leeyihiin qabsoomida doorshada madaxtooyada iyo cidda markasta lugta jiidaysa dib u dhigisteeda.

Xisbiga WADDANI

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uurcadde ayaa ka digay dib u dhac uu shuruud ku ladhay oo uu sheegay in ay doorashada madaxtooyada ku timaado, isaga oo iska beri yeellay ku lug lahaanshaha dib u dhacaasi haddii uu yimaado, taas bedelkeedana dusha u saaray xisbiga talada haya iyo xukuumaddiisa.  Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo shalay isaga iyo hoggaamiyeyaasha labada xisbi ee KULMIYE UCID si wada-jir ah uga qayb galeen munaasibad  uu Akaademigu soo agaasimay oo komishanka iyo axsaabta siyaasaddu ku kala saxeexanayeen xeerka anshaxa qaybinta kaadhadhka codbixinta waxaa uu sheegay in dhibaato u baahan inlaga run sheego ay tahay dabar dhaqaalle oo ku xidhan qabsoomida doroashada “Waxaa maanta taalla oo run ah in waxaas [xeerka] la saxeexayaa uu socon karo oo keliya haddii ay xukuumaddu ka soo baxdo xilka ka saaran kaadh qaybinta iyo  doorashooyinka oo ay ka mid tahay nabadgelyada oo berigii hore [diiwaangelintii] ay si fiican uga soo baxday oo aad baanu ugu mahadinaynaa iyosidii ay u hirgelisay ee ay komishankana ula shaqaysay, laakiin…”. ayuu yidhi Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, xoghayaha guud ee xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,  “dhibta taallaa waxaa weeye ee u baahan in run laga sheegaa  in illaa maanta aan dhaqaalihii doorashada lagu geli lahaa ee xeerkan la saxeexayo lagu dhamaystiri lahaa  aanay bixinin xukuumaddu ooh al milyan  oo lacagtii kaadhadhka ahi uu ku hadhsan yahay, afar milyan oo  tii doorashooyinkana aanay wali bixin oo ay ku hadhsan yihiin, iyadoo loo baahan yahay in si loogu diyaargaroobo doorashada ay xukuumaddu lacagtaas bixiso oo ay raadiso, siday horeba ugu ballanqaaday”. Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde, xoghayaha WADDANI Waxaa uu ku goodiyey in aanay xisbi ahaan masuuliyad ku lahayn wixii ka yimaada doorashada haddii aan wax laga qaban caqabadaha uu sheegay in ay horyaallaan doorashada ee dhinaca dhaqaallaha, waxanu yidhi “waxanu ummada u sheegaynaa  haddii doorashadaasi qabsoomi weydo ama  kaadhadhkaasi la bxiin waayo cidda masuuliyadaas lihi waxay noqonaysaa xukuumadda, waa haddii ay sabab dhaqaale doorashadu isu taagto, dhaqaalaha oo la bixiyo mooyaanena wax soconayaa ma jiro. Waxanu mar kale xukuumadda ugu baaqaynaa oo aanu ku celcelinaynaa masuuliyaddaas ay qaranka u hayso inay ka soo baxdo.” Ayuu xoghayaha guud ee WADDANI hadalkiisa ku soo xidhay.

Jawaabta KULMIYE

Dar-daar-werinta masuuliyiinta xisbiga WADDANI ay ka muujiiyeen qabsoomida doorashada, kadib waxaa hadalka uga dembeeyey  guddomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga talada haya ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo isaga oo shacbiga iyo komishankaba marag gashanaya qoddob qoddob uga jawaabay digniinaha uu xoghayaha WADDANI ka dhawaajiyey.   Ugu horeynse waxaa uu Mr. Kaahin ka hadlay xilka ay iska saarayaan dhaqangelinta iyo ku camal falka  xeerkan oo uu sheegay in xisbigoodu  muhiimadda siinayo  “Bernaamijjkan soo gebogaboobay ee ay maanta [shalay] xisbiyada qaranku halkan ku saxeexayaan xeer-anshaxiisii oo ah marxalladii ugu horreysay  ee diyaarinta doorashooyinka soo socda ee madaxtooyada”. Sidaas ayuuyidhi guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, waxaanu intaa ku daray “Xisbi ahaan sidii aanu komishanka kuwii horeba ugala shaqaynay ayaanu immikana si buuxda oo tifaftiran oo aan gargaroocasho lahayn, oo sida WADDANI aan ‘haddii’ lahayn, oo sida WADDANI ‘digniin baanu bixinaynaana’ lahayn ayaanu annagu barnaamijjkan uga shaqaynaynaa. Qoddobka labaad waxaa weeye xisbiyahannada xisbiga KULMIYE iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE waxaan fagaarahan la joogo aan ku farayaa in sida ugu hufan ay anshaxan maanta la kala saxeexday  ugu dhaqmaan hawshaasi”. Ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenka KULMIYE, waxaase uu hadalkiisa kuladhay  weedh uu jawaab dadban kaga bixinayo hadallo uu  xisbiga  WADDANI ku duray xisbil-xaakimka, kaasi oo tilmaamaya in KULMIYE  uu urursaday kaadhadhka diiwaangelinta, waxaana Maxamed Kaahin oo hadalkaasi ku halqabsanayaa uu yidhi “Annagu kaadhadhka  maanu urursan,   qoladase urursatay iyagaa garanaya meesha ay la tegayaan, laakiin waxaanu leenahay qof waliba hal kaadh buu doorashada ku galayaa ooh al cod uuku dhiibanayaa. Waan ka xumahay mar kastoo fagaare la doonayo in arrin laga  soo shaqeeyey laga wado  uu xisbiga aanu saaxiibada nahay [WADDANI] barnaamij wax dabraaya ay halkan ka soo jeediyaan, saakana [shalay] ay halkan ka soo jeediyeen. Waxaanu bari hore isla garanay oo xataa komishankana aanu nidhi axsaabta siyaasiga ahi xukunkay kala jiidanayaan oo awooda dalka ayay u tartamayaan, mucaarid iyo muxaafid bay kala leeyihiin, annaguna [KULMIYE] Mucaaridna waanu soo marnay, in mucaarid immika nalagu yahayna waanu garanaynaa laakiin maqaam walibahadalkiisa ayuu leeyahay, maalin walba iyo meel walba oo laga hadlayaana milgaheeda iyo maamuuskeeday leeyihiin [hase yeeshee ]  waxanu aad uga xunnahay waxaanu soo wadnay diiwaangelintii iyo barnaamijyadii aynu qoladan qaadhaan bixiyeyaasha ah kuwada jirnay, waxaana aynu kawada war haynaa in xukuumaddu ay qaadatay qaadhaanka intii loogu talagalay in ka badan saddexjibaar iyo afar jibaarba, waxay maantana ay xukuumaddu diyaar u tahay  oo xisbul-xaakimku diyaar u yahay in dhamaystirka hawlanahan ay ka qayb qaadato, waxanu dadka u sheegaynaa oo aanu uga digaynaa [kelmadda]  qolada WADDANI afkoodana ku badan,madaxdoodana ku badan ee ‘haddii’, waayo weedhan ‘haddii’ waxaa weeye carqaladaynta kaadhadhka diiwaangelinta iyo natiijada kasoo baxda, ‘haddii’  waxa weeye carqaladaynta nabadgelyada dalka iyo hab sami u socodka doorashada dalka ka qabsoomaysa. Markaa saaxiibadayo waxaanu u sheegaynaa komishankuna wuu innaga war hayay, dadweynuhuna wuu innaga war hayay xilligii doorashada muddadii dib u dhigista halkaynu kala taagnayn waa la garanayaa ee  anigu waxaan leeyahay Calafna waa inta alle qoray , waxan [xeerka]a ynu wada saxeexanayna waxa ay u baahanyihiin in aynu ku wada dhaqanno, komishankuna dhex buu innoo yahay [ ee aynu iimaansanno]. Ugu dambayna waxa qudha ee aan leeyahay afkayaga iyo barnaamijkayaga midna kuma jirto weedha HADDII iyo WAANU KA DIGAYNAA,  cidda loo digayana garan-maayo”. Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Maxamed Kaahin Axmed Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee KULMIYE.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here