Waxaanu halkan dadweynaha ugu soo bandhigaynaa si ay ula socdaan marxalada Dalku marayo Daraasad & Lafo-gur lagu sameeyay Miisaaniyada 2015 ee Golaha Wakiilada hortaala

0
36

HALKAN KA DAALLACO: Daraasad Iyo Lafo-gur Lagu Sameeyay Miisaaniyada 2015 Ee Golaha Wakiilada Hortaala

Waxaanu halkan dadweynaha ugu soo bandhigaynaa si ay ula socdaan marxalada Dalku marayo Daraasadan & Lafo-gurkan lagu sameeyay Miisaaniyada 2015 ee Golaha Wakiilada hortaala

miisaaniyad

Miisaaniyada loo qoondeeyey  sadexda waaxood ee qaranka

  • Waaxda Sharci-dejinta (Baarlamaanka):

       Golaha Wakiilada: 18,727,824,320

       Golaha Guurtida:   20,199,178,720

            Wadarta Guud:  38,927,003,040

  • Waaxda Garsoorka:

     Maxkamada Sare:               2,265,184,120

     Maxkamadaha Hoose:  11,291,614,600

                 Wadarta Guud:  13,556,798,720

  • Waaxda Fulinta:

      Wadarta Guud: 676,033,399,755

Miisaaniyada loo qoondeeyey Wasaaradaha & Haayadaha kale ee hayey shaqooyinka muhiimka ah, oo ay aheyd in la dhiirigaliyo si kor loogu qaado adeegooda bulshada ay u hayaan

  • Wasaarada Xanaanada Xoolaha: 6,888,312,261
  • Wasaarada Beeraha:   4,494,932,013
  • Wasaarada Kaluumaysiga & Khayraadka Bada:  2,817,024,262
  • Wasaarada Deegaanka & Horumarinta reer Miyiga: 5,234,219,220
  • Wasaarada Biyaha:   4,740,375,336
  • Maxkamadaha Hoose (60 maxkamadood oo kala ah heer Degmo, Gobol & Racfaan): 11,291,614,600
  • Haayada Dhowrista Tayada: 1,813,610,210

Akhriste 7-dan haayadood isugeyntoodu waa 37,281,087,512; dhamaantoodna waxa ka miisaaniyad badan Wasaarada Madaxtooyada oo kaligeed loo-qoondeeyey  38,516,040,570.

Wasaaradaha & Haayadaha kale ee miisaaniyada loo qoondeeyey  iyo shaqada ay qabtaan aanay is lahayn.

  • Wasaarada Madaxtooyada: 38,516,040,570
  • Ciidanka ilaalada Madaxtooyada: 15,352, 321,802
  • Haayada Abaabul-ka-saarka: 32,133,316,276
  • Wasaarada Warfaafinta & Wacyi-gelinta: 25,067,457,952
  • Tv-ga Qaranka: 15,668,744,272
  • Wasaarada Cadaalada: 4,111,733,920
  • Wasaarada Dhalinyarada & Ciyaaraha: 5,640,725,650
  • Wasaarada Boosaha & Isgaadhsiinta: 6,942,354,120

Miisaaniyada loo qoondeeyey Haayadaha aan wax shaqo ah wadanka u qaban.

  • Haayada Maamul wanaaga: 2,007,624,000
  • Guddida Diwaan gelinta ururada: 2,270,125,000
  • Guddida Dib-u-habeynta shuruucda: 890,380,800
  • ICT Commission: 491,331,680
  • Commission Qurbo-jooga: 453,032,320

Miisaaniyadii 2009 ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin

  • Wasaarada Madaxtooyada sanadkii 2009 miisaaniyadeedu waxay ahayd 16,280,169,600. Wakhtigaasi waxa hoose imanayay laamo dhowr ah oo kala ah:
  1. a) Gurmadka Qaranka: 7,837,725,957
  2. b) Kaalmada Sooyaal: 250,400,000
  3. c) Haayada Miino saarka (SMAC): 100,000,000
  4. d) ilaalada Madaxtooyada: 3,121,215,313
  5. e) Laanta Socdaalka: 2,430,169,600

Miisaaniyadan 2015 dhamaan laamahani waxa mid walba loo sameeyey madax-xisaabeed gaar ah, oo waa laga wada hoos saaray Wasaarada M/tooyada. Hadana kharashkii Wasaarada M/tooyadu wuu sii 3 jibaarmay oo waa 38,516,040,570 ?????????????.

Miisaaniyada Wasaarada Warfaafinta & Wacyi-gelinta

  • Wasaarada Warfafinta & Wacyi-gelinta miisaaniyadeedii sanadka 2014 wuxuu ahaa 10,117,931,250.
  • Halka Sanadka 2015 miisaaniyada looga dhigay 25,067,457,952.

Haddaba is weydiintu waxay tahay “waa maxay baahida keentay in 150% la kordhiyo miisaaniyadeeda sanadka 2015, iyadoo aanay jirin sabab muuqataa. Ma la odhan karaa wuxuu wasiirka warfaafintu ku mutaystay cabudhinta saxaafada ee uu 100% kor u qaaday iyo guul-wadaytiisa kale ayaa lagu siiyey”…

Gabagabadii Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland dadweynihii soo doortay waxay ka dhur-sugayaan tallaabada ay ka qaataan miisaaniyadan 2015 ee golaha hortaala, waana arin lagula xisaabtami doono dhamaantood.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here