“Waxaanu Isla Garanay In Madaxda Dawladdu Heerkay Doonaan Ha Ahaaddaanne Aannay Adeegsanin Warbaahinta Gaarka Ah, Si Taasi U Hirgashana…..”

0
79

Xukuumadda Madaxweyne MBC Oo Shaacisay Qorsheyaal & Dabar Ay Ugu Talo-gashay Inay Ku Hagto Hay’adaha Warbaahinta & Mas’uuliyiinta Dawladda

Akhri: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Mr. Guri-barwaaqo Oo hadalkan Ka Jeediyey Fadhigii Shalay Ee Golaha Wakiillada Oo Isaga Iyo Raxan Kale Oo Wasiirro Ah Lagu Ansixinayay

Hargaysa(Hubaal):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri barwaaqo), ayaa sheegay in Masuulkasta oo ka tirsan Xukuumadda aannu isticmaali karin Warbaahinta madaxa bannaan. Wasiirka oo hadal ka jeeddiyay aqalka Wakiillada Soomaalilaad ee shalay oo isaga iyo raxan kale oo wasiirro ah lagu ansixinayay  waxa uu sheegay inay diyaariyeen qorshayaal cusub oo ay ku maamuli doonnaan Warbaahinta dawladda iyo ta gaarka loo leeyahay labaddaba, isla markaanna waxa uu iclaamiyay inay la xisaabtan dhab ah la yeelan doonnaa Tifaftireyaasha Wargaysyadda iyo Muuq-baahiyeyaasha, kuwaasoo uu sheegay inay masuul ka yihiin khaladka ka dhaca xarun Warbaahinneed. “Sida aad la socotaann Wasaaradda Warfaafintu waxay ka mid tahay Wasaaraddaha foollaadka u ah Wasaaraddaha dalka. Waa halka Ummadda laga haggo, laga hannuuniyo, wax-na laga barro, sidaa awgeed dhawaanahan waxaad la socoteen in Wasaaradda Warfaafinta ama Warbaahinta dalkeenna si aan sidaas ahayn loo adeegsannaayay, oo Qabyaalad loo adeegsannaayay.” Ayuu yidhi Guri barwaaqo. Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri barwaaqo waxa uu caddeeyay inaan hadda laga bilaabo guud ahaan Warbaahinta loo adeegsan doonin Qabyaalad iyo kala qoqob ummaddeed, hase yeeshee tafaasiil dheer kamuu bixin hannaanka Sharci ee dariiqaas loo marraayo. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Soomaalilaand Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri barwaaqo), waa kan isagoo ka hadlaaya Qorshayaasha ay ku waajahayaan Warbaahinta waxa uu yidhi “Hadda waxa naga go’an inaan Warbaahinta dawladda iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay-ba aan loo adeegsan doonin Qabyaalad iyo Qoqob ummaddeed, si taasi u hirgasho waxaannu adeegsan doonnaa Wacyi-gelin iyo kor u qaadida wadaniyaddeed. Wasaaraddu waxay noqon doontaa Wasaarad isku xidha Goleyaasha, Wasaaraddaha iyo dawladda” Ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu  “Waxa noo qorshaysan oo aannu isla garanay inaanay Madaxda dawladdu heerkay doonaan-ba ha ahaaddaanne aannay adeegsan doonin Warbaahinta gaarka ah ee ay adeegsan doonnaan Wasaaradda Warfaafinta iyo Warbaahinta dawladda, si taasi u hirgasho waxaannu idinka codsanaynaa haddii aad tihiin goleyaasha inaanu idin samayno Xafiis aad nagala soo xidhiidhaan” Ayuu yidhi Wasiir Guri barwaaqo.

Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo waxa uu sheegay inaanay dhacayn in Suldaan uu Warbaahinta isa soo taago oo uu reer hebel farta u lullo, waxaannu sheegay in taas badelkeedda la samayn doonno oo la adeegsan doonno Waxbarashadda iyo Wadaniyadda in bulshadda la baro, waxaannu yidhi “Waxaannu ku dedaali doonnaa in la tayeeyo Barnaamijyadda ay Wasaaraddu soo saarto, haddii ay tahay Wargaysyadda iyo telefishannada intaba” Ayuu yidhi Guri Barwaaqo. “Waxaa dhici jirtay in Wariye wax sheegay la xidho,   oo la odhan jirey Wariyaa la xidhay, waxaa noo qoondaysan inaan la xisaabtamin Wariyaha ee aannu la xisaabtami doonno Agaasimaha iyo Tifaftireyaasha muuq-baahiyeyaasha, sababtu waxa weeye Tifaftiraha ayaa ka masuul ah waxa ku soo baxaaya Wargayska, sidaa awgeed waxaannu la Xisaabtami doonnaa Tifaftiraha oo isagu ka masuul ka ah Inanka Wariyaha ah ee Ceerigaabo, Boorama ama Burco warka ka soo diray, Inankaasi warkaas masuul kama noqonnaayo waxa ka masuul ah Tifaftiraha ogolaaday in Warkaasi uu jariirrada galo ama telefishanka ka baxo, sidaa daraaddeed waxay noqon doontaa is badal wayn oo aannu ku samayno Warbaahinta, iyaddoo aan la cabudhinnayn”. Ayuu yidhi wasiirku.

Gebogebo

Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri barwaaqo waxa uu caddeeyay inaan hadda laga bilaabo guud ahaan Warbaahinta loo adeegsan doonin Qabyaalad iyo kala qoqob ummaddeed,  waxase is weydiin mudan   haba joogto Warbaahinta madaxa-bannaaniye, horta Saxaafadda dawliga ah ee ummadda soomaalilaand wada leedahay Sharcigaasi ma qabanayaa.,? Haddii jawaabta oo koobbani tahay Haa, waxa Wasiirka Warfaafinta la gudboon bal innuu Bulshadda u sharaxo qaabka iyo qorshaha hannaankaas cusub ee Warbaahinta dawladda lagu maamullaayo uu bulshadda Soomaalilaand u sharaxo oo u caddeeyo. Warbaahinta Madaxa-bannaani way soo dhawaynaysaa talaabo kasta oo sarre u qaadday Horumarkoodda, isla markaanna aan ka hor imannayn jiritaankoodda, Wax soo saarkoodda Warbaahinneed iyo Mabaaddiidoodda guud intaba, waxaanna Weedhihii uu Wasiirka Warfaafintu u jeeddiyay aqalka golaha Wakiillada ka muuqatay inaan yoolkiisu ahayn Warbaahinta dawliga ee qorshihiisoo dhammi uu ku socday Saxaafadda Madaxa bannaan, taasoo loo qaadan karro in Xukuumaddu diyaarsannayso qorsheyaal cusub oo ay kaga hor imanayso jiritaanka iyo madax-bannaanida uu Distoorku siiyay Saxaafadda madaxa bannaan ama gaarka loo leeyahay.

Si kastaba ha noqotee hadalkan ka soo yeedhay Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri barwaaqo ayaa la eeggi doonnaa wakhtiga uu bilaabmi doonno Qorshayaashiisu

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here