“Waxaanu Ka Xunahay In Shaqsiyaad Gaar Ahi Ceeb Usoo jiidaan Gobolka Gabiley Iyo Horumarkiisa”  Guddida Horumarinta Gobolka Gabiley

0
35

 Dhismaha Garoonkan Mo Farah Ma Jiro Wax-dhaqaale Oo Cid Looga Doonayaa, Waana Loo Dhammaystiray, Fadeexada Ha Laga Daayo, dadka leh Waxbaa La Musuqmaasuqayoow Waxaad Meel kagaga Dhacdeen Maamulkii Gobolka, …….Masuulka Gacanta Ku Haya Dhismaha Garoonka Mo-Farah.”

Gabiley():-Aniga Oo ku hadlaya Afka Gudida Horumarinta Gobolka Gabiley.Waxaan Doonayaa Inaan Shacabka Reer Somaliland iyo Kuwa Gobolka Gabileyba inaan halkan uga iftiimiyo, in ay tahay dacaayad iyo maqaalo been abuura in la yidhaahdo gobolkii gabiley waxa uu dhisan kariwaayey Garoonkiisii ee yaa caawinaya,  garoonkan Loogu Magacdaray Mofarah Waxaa Maamulka Gobolka gabiley oo Uu horkacayo Maayirka Magaaladu Uu Dhagaxdhigay sanadkii hore 2015 bishii afraad, iyadoo laga duulayo in dhalinyarta gobolka gabiley iyo inta xiisaysaysa ciyaaruhuba ka helaan meel ay ku ciyaari karaan, dedaal iyo tacab ayaa maamulka gobolku galiyey sidii garoonkaasi uu u noqon lahaa mid la dhammaystiro oo dhismihiisa, dhaqaale ahaan waxii ku baxayey, waxaana qiimayn kadib markii ay ku sameeyeen Engineeradii gacanta ku hayey qiimeynta dhaqaalaha ku baxaya oo ay si toosa ugala shaqeynayeen maamulka gobolka, Maamulka gobolku waxa uu ka hawlgalay sidii dhaqaalahaasi loo helilahaa, iyada oo aaney hagrasho ku jirin wixii dhaqaale ahaa ee ku baxayey waxay si toosa ugu wareejiyeen anaga oo ah masuuliyiinta gacanta ku haya,

Waxaa Fadeexad iyo Waayo Aragnimo La’aan Ah in   Shaqsiyaad Gaar Ahi ay Gabood ka Dhigtaan iyaga oo aan eegayn qiimaha iyo horumarka gobolka in ay adeegsadaan qoraalo ay ku aflagaadaynayaan oo ay leeyihiin Waxaaa dhaqaalahii laga cunay garoonkii oo la dhisi kariwaayey,

13649426_1030794277010615_109665117_nWaa Arrin U baahan In ay Cadeeyaan Cidda Cuntay iyo Halka lagu Cunay, dhaqaalaha garoonka ee ay leeyihiin waa laga cunay ee hala soo caawiyo.

Haddii aanu nahay dadka gacanta ku haya, iyada oo aan waxba lanaga waydiin in cid kastaaba waxay doonto iskaga hadasho. waxay u muuqanaysaa in qadarintii iyo kala danbaytii luntay oo la dhaafsaday dano gaara, oo shaqsiyaad  eed uga dhigaan aragtiyo male awaal ah oo been ku salaysan madaxda iyo maamulka gobolka, waxaanu  Shacabka reer somaliland ku wargalinaynaa in aaney jirin habayaraatee wax ka jira maqaalkaasi hore ee ka hadlayey garoonkaa, haddii dhaqaale garoonku u baahan yahay cid kaliyaata ee ka hadlikartaa waa maamulka gobolka iyo cida gacanta ku haysa, laakiin cid aan waxba kala socon gobolka iyo waxa ka socodaa in waxa ay doonto ay iskaga hadasho waxaanu u aragnaa meel ka dhac, gobolkiina meelbaa lagaga dhacay maamulkiina meelbaa lagaga dhacay, waxaasina wax loo dulqaadan karo maaha,

Uma Aragno Wax weyn aragtida gaaban ee Shaqsiga Ah, Balse waxa Na Damqaya in Shaqadii aanu Gacanta Ku Haynay  Cid lagu eedeeyo oo la yidhaa waxaa laga cunay lacagtii, waxay fadeexad ku tahay gobolka, Gabiley Cidii taqaan way taqaan cidii aan aqoon u lahayna waxaanu leenahay gobolkani waa gobol ishii caafimaad qabtaa arkayso waxa ka hirgalay iyo sida dhaqaalahiisa maamulka gobolku ugu maamuleen, ee yaan lagu mashquulin aragtida daciifka ah ee dadka aan sida caafimaadka qabta u fikiraynin soojeedinayaan, Waxaa naga saaran masuuliyad culayskeeda leh, dhismaha iyo qabyo tirka garoonkan aanu hawshiisa hadda gacanta ku hayno, waxaanu halkan uga mahadnaqaynaa cidkasta oo gacan iyo fikir-wanaagsan ka gaysatay dhismaha garoonkan haddii ay yihiin maamulka gobolka iyo haddii ay yihiin inta jecel horumarka gobolka gabileyba, Wa Bilaahi Towfiiq…..

W/Q:-  C/raxmaan Ismaaciil Muuse.

Guddida Horumarinta Gobolka Gabiley

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here