Wasiirka Cusub Ee Madaxtooyada Oo Tallaabadii Koowaad Ee Xilka Loo Igmaday Ku Kormeeray Jidka Isku Xidha Hargeysa iyo Berbera
Dacar-budhuq (Hubaal) – Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo uu weheliyo, Wasiiru-dawllaha Madaxtooyada, iyo Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Xasan Cismaan, ayaa Maanta Kormeeray Waddada Isku xidha Hargeysa iyo Berbera gaar ahaan inta ku dhow deegaanka Laasgeel oo dhibaato ka soo gaadhay daadadkii ka dhashay Roobabkii da’ayey labadii maalmood ee u dambeeyay. Daadadkii ka dhashay Roobkii Shalay ilaa Xalay ayaa jaray meelo ka mid ah jidka Laamida ah ee dhex mara degmada Laasgeel, waxaanu khasaare keenay in gaadiidku Xanibmo gaadhsiiyey Dooxa Dacar-budhuq, laakiin waxa si deg-deg ah halkaasi u tagtay Hay’adda Waddooyinka Somaliland oo wadata Qalabkeedii waxay ku guuleysteen inay wax ka qabtaan waddada qaybteeda Laasgeel ee go’day waxaana hadda maraya gaadiidkii hore ugu xanibnaa, inkasta oo ilaa hadda gacanta lagu hayo.
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa shalay kormeeeray hawsha ka socoto goobahaasi, oo markii uu gaadhay Laasgeel la hadlay Saxaafadda ayaa yidhi, “Waxa saaka [shalay subax] aniga iyo masuuliyiinta dhinacyadayda taagani aanu kormeer ku nimid Tabaallaha iyo dhaawacyada soo gaadhay jidka laamida ah ee Degmada Laasgeel iyo Aaga Dhutiso, dhaawac weyn ayaa wada soo gaadhay oo daadadkii ay keeneen, ILAAHAY ayaa SWT ku mahadsan barwaqadaas uu ina siiyey muddo yar ka hor waxa aynu ka cabanaynay Abaar, Ibnu Aadam ayeynu nahay Itaal daran, Nimco waliba nusqaan leh, Roobabkii waxay waxyeeleen jidadkii, arrintaas oo hakad galisay isu socodkii bulshada, arintaas oo aanu wax ka qabanay shaqadeeduna ay wali socoto”. Wasiirka oo sii hadlaya ayaa sheegay, “Waxaan u mahad naqayaa Gudoomiyaha Degmada Laasgeel oo u dhaqmay si masuuliyad iyo xilkasnimo leh, qaylo dhaana keenay, sidoo kalena waxaan u mahad naqayaa Maareeyaha Hay’adda Wadooyinka Mudane Xasan, iyo Injineeradiisa oo iyaguna ilaa shalay ku hawlanaa arrimahan oo saaka aanu halkan goobta shaqada ugu nimid, wax kale oo aan u mahad naqayaa Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse oo isaguna saaka waabarigii soo kalahay oo iga soo horeeyey. wakhtigan Roobabka ah qorshe degdeg ah ayey u baahan tahay Wadooyinka ah. Waxaan ILAAHAY uga baranayaa inuu shaqada ay hayaan ka kaalmeeyo hawl wadeena iyo madaxda Hay’adda Wadooyinka ee shaqada baaxda leh halkan ka wada, anaguna waanu ku dhiiri galinaynaa.” Ayuu yidhi, Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.
Waxa kale oo isaguna munaasibadaasi ka hadlay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Md, Maxamed Muuse Abees waxaanu yidhi “Nimco weliba Nusqaanteeda leh oo khasaarahan ILLAAHAY baa innagu keenay, laakiin saaka ayaanu ka soo gurmanay oo dedaal weyn baynu ka galnay oo waatan Wasiirka Madaxtooyada, Maareeyihii Hay’adda Waddooyinka iyo Wasiiru-dawlihii Madaxtooyadu, taasina waxay inna tuseysaa dedaalka aynu samaynayno iyo juhdiga aynu galinayno hadba wixii hawl timaadda.” Ayuu yidhi Wasiir Abees.
Guddoomiyaha degmada Laasgeel Mudane Mustafe Jabiye oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi, “Waxaanu ILLAAHAY ugu Mahadinaynaa dhawaaqii aau Idaacadaha ka jeedinay oo aad ka soo jawaabteen, weliba iyadoo ay Jimce tahay inaad oo timid iyadoo lagugu bartay waxqabad markii aad joogtay Wasaaradda Duulista sidaad Madaarrada wax uga qabatay, imikana marka Roobku qaado aad deg-deg wax uga qabataan, iyada oo Maareeyihii Hay’adda Waddooyinkuna joogo”
Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland, Xasan Cismaan ayaa isaguna sheegay, “Hawshani waa mid si kedis ah noogu soo baxday, laakiin marka ugu horeysa ee biyahaasi joogsadaan ayaanu wax ka qabanaynaa haddii aanu biyaha Waddada ka leexin karnana waau ka leexinaynaa”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in hawsha ay halkaa ka wadaan aanay intan oo kaliya ku koobnaan doonin, hasa-yeeshee waxa kale ee Waddada ka dhiman dhamaystirayaan.