Waxaanu si adag u canbaaraynaynaa iibka xukuumaddu la maagan tahay Xarunta akhriska Gaandi waxay dugsi aqooneed u tahaya dhallinyarada Somaliland.

0
32

Gaandi Public Libarary, Waa Maktabad qof Muwaadin ahi iska xil saaray aasaaskeeda waqti aan Dalkeena Jirin Hal Maktabadi, Maalintaa laga bilaabo ilaa Maanta Waa halka Maktabad ee qaranka ugu astaysan inay u shaqayso Public Libarary, Goobtani waxay ahayd goobta keliya ee ay ka aflaxeen dhamaan Ardayda kala duwanaa ee hadda maclimiinta ka ah Jaamacadaha dalka, welina waa Maktabada keliya ee kuwa hadda Kacayaa ay Wax k u akhriyaan. laga bilaabo dugsi hoose, dhexe, ilaa sare. Libarary-ga

sidiiqXarunta akhriska Gaandi waa hanti ummadu leedahay gaar ahaan dhallinyarada soomaaliland ma mudna in la iibiyo, cidda wada qorshaahasina waa mooganyaal aan dan ka lahayn dhallinyarada soomaliland balse ka doorbidaaya aqoonta iyo cilmiga laga korodhsado Libarar-ga, sina ku dhici mayso in xarunta akhriska ee sidata magaca Halgamaaga loo sadqeeyo qaraabo kiil iyo dan gaara, digreetada lagu bxiyay Xarunta Gaandi hadi la ixtiraami waayo waxa u qoolan hantida ummada ee ay ku tagrifaleen iyo guryaha danta guud ah ee ay hibaysteen Xukumadda Siilaanyo. Waxaanu si adag u canbaaraynayan iibka xukuumaddu la maagantahay Libarary-ga madiga ah, Xarunta akhriska Gaandi waxay dugsi aqooneed u tahaya dhallinyarada Somaliland gaar ahaan dhallinyarada ku nool caasimad hargaysa oo aqoontooda ku kaaba, iyadoo baahida Maktabada loo qabaa ay balaadhantahay in la yidhaa akatabadii madiga ahayd waa la iibinyaa waa wax laga xumaado oo aan marna u cuntami doonin dhallinyarada Somaliland.

 Maktabada Gaandi waxay soo martay waayo badan waxa aasasay muwaadin iskii isu xilqaamay isagoon wax macaasha ka rabin balse ay damqaday baahida loo qabo maktabad akhirs oo dhallinyarada dalku yeelato, waxa ka aflaxay oo kasoo baxay kumanaan jaamici tan iyo muddadu furaa, waa madal aqooneed aan faa’iddo loo furan balse loo furay in dhallinyaradu garaadkooda ku kobciyaan, waxaanu ugu baaqayna xukuumaddu inay ka laabto go’aanka axmaqnimada ah ee ay ku iibinayso Maktabada Gaandi. Xisbi ahaan anago la dareen iyo damqsho ah dhallinyarada dalka waxaanu xukumadda ugu baaqayna inay joojiso iibka xaaranta ah.

Waxay masuuliyadi ka saarantahay xukumadda inay caasimada iyo dalka guud ahaan ka hirgeliso maktabado ay dhallinyaradu aqontooda ku kaaban, haddi ay doorka qaadan wayday oo ay gabtay masuuliyadda dhallinyarada waa nasiib daro inay ka baxsan waydo maktabadi keliga ahayd ee muwaadinku hirgeshay taasina waxay ku tusaysa dareen la’aanta xukuumadda iyo heerka uu maraayo hanti boobka aan loom eel dayayni. Waxaanu usoo jeedinyana Ganacsadaha maktabada iibsanaya inuu dub uga laabto g’aankaga aan habboonayn oo uu goob kale lacagtiisa geliyo madaama goobtani ka dhaxayso dhamaan dhallinyarada soomaliland. Xukumaddana waxa waajib ku ah inay dub uga laabato go’aankan aan la mahadin doonin eee saamaynaaya dhamaan dhallinyarada Somaliland. Dhallinyarada soomaliland waxaanu ugu baaqayna inayn dhinac ugasoo wada jeestaan oo ay ka qaataan go’aan midaysan iibka makatabada ka dhexaysa ee xukuumaddu sida shataci darada ah u iibinayso, oo aanay marna ogolaan in xukuumadu inay iibiso kuna wareejiso ganacsade oo laga dhigo goob ganacasi iyado laga doorbidaayo aqoonta iyo baahida dhallinyaradu u qabto Makatabadan siinta adduun cid gaari dheefsanayso. Maxamed Sadiiq Afhayeenka Dhallinyarada Heer Qaran Ee Xisbiga Waddani.

Afhayeenka garabaka dhallinyarada heer qaran ee Xisbiga Waddani

Maxamed sadiiq.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here