“Waxaanu Si Mug’leh U Canbaaraynayaa Tacadiga Iyo Cunaqabataynta Lagu Soo Rogay Xeebta Deegaanka Lughaya Iyo Guud Ahaan Gobolka Salal”. GUDAHA KA AHKHRI Warsaxaafadeed Uu Soo Saaray xisbiga WADDANi

0
35

Hargeysa(Hubaal):-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa si kulul u cambaareeyey Xayiraada ay Xukuumada Somaliland ku soo rogtay ka ganacsiga Xeebaha Galbeedka gaar ahaan Xeebta Deegaanka Lughaya ee ka tirsan Gobalka Salal.

War-saxaafadeed kooban oo uu ku Saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Md:Maxamed Cabdilaahi Uur-Cadde ayaa waxaa uu ku sheegay in ay ka Xisbi ahaan ay si aada u cambaareynayaan waxa uu ugu yeedhay tacadiga loo gaysanaayo dadka deegeenka Dagmada Lughaya oo laga joojiyey in ay ka ganacsadaan Xeebta Deegaankaasi,waxaana uu Xukuumada ugu baaqay in ay cidhiidhiga ay dusha ka saartay dadka deegaankaasi ay ka dulqaado.

War-Saxaafadeedkaasi oo soo nuqul kamid ahi uu na soo gaadhay ayaa waxaa uu u dhignaa sida tan:

 

“Xisbiga waddani waxaa uu si mugle u canbaaraynayaa tacadiga iyo cunaqabataynta lagu soo rogay xeebta deegaanka lughaya, iyo guud ahaan Gobolka Salal

Arrintaas oo baal marsan ganacsiga xorta iyo wada noolaanshaha bulshada

Xukumada waxa ay caadaysatay in sii kordhiso shaqo la’aanta iyo Amini khalkhal gelinta gobolada degen, isla markaana ay abuurto isku dul noolaansho iyo dabaqado bulshada dhexdeed ah

Waxaa uu xisbigu ugu baaqaya xuskumada inay ka dulqaado cidhiidhiga ay ku hayaan shacabka Lughaya ee markaa horeba la ku faakacayey helida quutal daruuriga loona soo celiyo xoriyadoodii ganacsi xeebaha galbeedka.

xisbiga Waddani

ALLA MAHAD LEH

Md.:Maxamed Cabdillahi Uurcade………………………………………………………………..

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here