“Waxaanu Ummadda U Sheegaynaa in Aanu Suldaanku Awood Sharci U Lahayn in Uu Na Kala Diro, Ee Xaal Ha Bixiyo Oo Arrinka ha ka Noqdo”

0
50

Hargeysa (Hubaal)- Guddi dhaqameed uu dhawaan Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir sheegay in uu kala diray oo kasoo jeeda beesha Ciidagale ayaa shalay  ka hadlay dhawaaqaas iyaga oo ku dooday in aanu suldaanku awood u lahayn kala diridaas. Guddoomiyaha guddidaas Jiif  Caaqil Xuseen Xasan Cali  iyo xubnaha kale ee wehelinayay ayaa shir jaraaid oo ay shalay ku qabteen Hargeysa kaga hadlay arrintan. ciidagaleGuddoomiyaha guddida oo arrimahaas ka hadlayaa waxa uu yidhi “Waxaanu Kahadlaynaa qoraal uu suldaanka guud ee somaliland Suldaan Maxamed Uu ku baahiyay warbaahinta xalay waxaanu u sheegaynaa dawlada iyo shacabkaba in aanay waxba ka jirin arintaasi qoraalkaasi uu ku sheegayo in uu ku kala diray guddida horumarinta cidagale oo cid uu ku matalaana aanay jirin sacadaana saldalada uu sheeganaayo anaga ayaa leh, cida kaliya ee reerka baabisay ama walaaqaysaa waa isaga gudidana waxaa lagudoortay shirwaynihii halaya lagu qabtay ee ay salaadiintu ay joogtay isaguna gudoonka uun ayuu lahaa sacadaa lajoogana namamatalo suldaana nooma aha suldaanimada uu sheeganayana waanu wada leenahay oo waanu ka tashan doona”.  Jiif Caaqil  Aabi Xasan cabdi oo isna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Dadka wixii aan caadiga u ahayn ee ku aha nabarka gardaro waa wax dhib ku ah dadka iyo dalkaba suldaanku shirkii lagu dooranayay ee lagu badalayay gudidii hore isaga ayaa shirgudoon u ahaa salaadiini iyo cuqaashii kalana way joogeen gudidii intaasi oo salaadiin ama cuqaali dooratay in uu nin kaliyii yidhaa aniga ayaa kala diray waxa ay ila tahay in ay tahay meel ka dhac wayn waxaanan leeyahay hadalkaasi suldaanka fudayd ayuu uga soo baxay ee raaligalin kabixi ayaan leeyahay”. Afayeenka Gudidaas Caaqil Khadar maxamed Axmed ayaa isna halkaas ka hadlay oo waxa uu yidhi “Suldaan Maxamed waxa uu sheegay inuu kaladiray gudida guud ee beesha cidagale waxaanu umada u sheegaynaa hadii aanu nahay gudida horumarinta cidagale in aanu suldaanku waxba kaladiri karin awood sharcina aanu ulahayn in uu kaladiro waayo gudidan waxaa lagu doortay gudidan goob ay iskugu yimaadeen shankun oo qof oo ay horkacayaan salaadiinta,cuqaasha iyo waxgaradka beesha cidagale oo lagu doortay gudida maantana in uu suldaan maxamed iska yidhaa aniga ayaa awalay oo kala diray gudidii beesha waxaanu leenahay suldaan imika ayaad dhawdahay ee qoraalkaasi ka noqo oo xaal ka bixi”

Jiif Caaqil Liiban Fadh-Fadhle oo isna hadallo ka jeediyey halkaas aya ayidhi “Runtii anigu madoonayo in aan u jawaabo suldaanka waayo waxaa loojawaaba qofka hadalkiisu dagan yahay ee ay masuuliyadi sarantahay hadaan iftiimiya sugnaan shihiisa suldaanka waxaa jirtay arin ka dhacday masalaha oo uu ka hadlay markiidanbana uu yidhi sidaa maan moodayn suldaankii guud ee beesha marka la leeyahayna in uu waxaasi oo kale ku dhaqmo maaha waxaana uu ku dhaqmaa marba hadalka ku danbeeya cida danta beesha ka hadlaysana waa in uu ogaada laakiin hadii isaga inta looyimaado lagu yidhaa kaasi danta ayuu ka hadlay oo iska yidhaa waan kala diray muxuukala diri karaa ogolaansho ayuu naga haystay oo uu suldaan noogu ahaa waanu kala noqonay aniga oo marka hore ahaa jiif caaqil imika laga bilaabo waxaan ahay suldaan Liibaan maxamed Awcabdi khaliif aniga iyo isaguna waanu u simanahay, gudida waxa uu ku sheegay waxqabad la’aan waxqabadka uu doonayaa waamaxay marhadii aanu iclaaminay wakhtiga uu qabsoomayo shirkii beeshu iyo halka uu ka qabsoomayo cida waxqabadka horjoogsanaysa ee fidmada ladhex wareegaysa beesha waa isaga iyo afarta ay isku xidhanyihiin gududana waa gudi sharciya oo ay ansixiyeen salaadiinta isaga lamidka ah isna shakhsi ayuu ka yahay”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here