“Waxan Ahay Axmedkii Shalay 80-ka Cod Kaga Tegay Madaxweynenimo, Waxaanu Aqbalnay 3 Muddo-Kordhinnood Oo Sanka Isku Hayey, Caado Iyo Curfi Toona Uma Lihi Inaan Damac Kursi….”

0
34

Maxay Khudbadii Shalay Ee Madaxweyne Siilaanyo Kaga Duwanayd Kuwii Hore

Hargeysa (Hubaal)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maamed Maxamuud(Siilaanyo), ayaa Musaabadda 18-ka May oo ku beegan 24-guurada kasoo wareegtay Maalintii Somaliland xorriyadeeda kala soo laabtay Somalia shacabkiisa u jeediyey Khudbad ballaadhan oo uu kaga hadlay Arrimo dhinacyo Badan Taabanaya. Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Khudbadiisa diirrada ku saaray arrimo ay ka mid ahaayeen Wax-qabadka xukuumaddiisa, Dibu dhaca Doorashooyinka Xidhiidhka Xukuumaddiisu la leedahay Beesha Caalamka iyo Waliba dhismaha awood millateri oo uu sheegay in caalamku maamulka taagta daran ee Muqdisho u dhisayo.

siilaanyoMadaxweyne Siilaanyo ayaa sidoo kale Nuxurka Khudbaddiisa tiir-dhexaad uga dhigtay Go’aamo uu ku badbaadinnayey Somaliland oo uu sheegay inuu qaatay xilliyo degenaanshaha iyo wada jirka ummadu liiceen, taas oo u muuqatay inuu ugu duurxulayo Mucaaridka Maanta isagoo ku dhiirrigelinayey inay samar Weel ka Buuxsadaan, maadaama dariiqa la maraya dheer yahay. Ugu Horrayn waxa uu Madaxweyne Siilaanyo Khudbadiisa ku ibo furay Tallaabooyin waxqabad oo xukuumaddiisu taariikhda ku gashay, waxana uu ku bilaabay Sawir guud oo uu ka Bixiyey Sida xaalku ahaa xilligii uu hoggaanka Dalka Haaneeday,“Shan sano ka hor markii aan Talada qabtay waxan la wareegay Khasnado Madhan, dayn gaadhaysa 45-million oo dollar, lix kun iyo shan Boqol oo shaqaale Dawladeed ah oo aan Afar Bilood Mushahar qaadanin, ciidamo aan kala lahayn sumad iyo sawrac toonna. Waxan la wareegay Waddooyin Burbursan iyo Kaabayaal Dhaqaale oo aan la daryeelin. Waxan la wareegay dalka oo intiisa Badan lagu isticmaalo Lacagtii Giimbaarta Somalia, waxana la wareegay Idaacadda qaranka oo aan dhaafin 20-km. Guud ahaanna waxan la wareegay qaran ku jirey Duruuf Qallafsan.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynaha oo sii wata ka-hadalka waxqabadka Xukuumaddiisa, ayaa si gaar ah diiradda u saaray Ammaanka iyo xaaladda Guud ee Ciidamada waddanka, waxana uu sheegay in Somalilnad haysato ciidan ay ku gam’I karaan shacabkoodu, waxana uu yidhi. “annagoo ka duulayna muhiimadda ammaanka waxanu xoogga saarnay dhismaha ciidamada kala duwan iyo Hay’adaha amniga Tiro ahaan iyo tayo ahaanba, waxana aanu ku guulaysanay 20-sano kadib inay ciidamadeenu deerajo kala yeeshaan, Ilaahay Mahaddiina waxa aynu leenahay Maanta Ciidamo la isku hallayn karo oo Caabiyyi kara Cadaw kasta oo ciiddeena soo hungureeya”. Arrimaha Dhaqaalaha waddanka, ayuu madaxweynu si weyn ugu dheeraaday, waxana uu hoosta ka xarriiqay in Xukuumaddiisu hirgelisay Dhismayaasha Waddooyin Halbawle u ah horumarka Waddanka, isagoo tilmaamay korodh ballaadhan oo miisaaniyadda qaranka ku yimi, waxana isagoo arrimahaas ka hadlay uu yidhi. “Dhaqaalaha waxaad og-tihiin in xukuumaddani kor u qaadday Miisaaniyaddii dalka Afar labaad intii ay ahayd markii xilka aan qabtay iyadoo aanay jirin wax cashuur ah oo la kordhiyey, waxana isbeddel weyni ku yimi noloshii ciidamada iyo shaqaalaha kor loo qaaday, waxana la fuliyey mashaariic fara badan oo ay ka mid yihiin dhismayaasha waddooyinka muhiimka ah, sida waddada ugu dheer dalka ee Ceerigaabo oo meel wanaagsan maraysa taas oo la ogyahay inay dadka qaar riyo la ahayd, Waddada Dila-borama oo Qiime Weyn dalka ugu fadhida. Gobollada Dalkana waxa laga beddelay Lacagtii hore, haatana waxa lagu isticmaalaa Shilinka Somaliland, Madaaradda Dalkana wax weyn ayaa laga qabtay. Tayada waxbarashada ayaa kor loo qaaday, iyadoo ta aasaasiga ah laga dhigay Bilaasha iyadoo loo danaynayo danyarta iyo xaqa Muwaadinka. Biyaha oo Baahida koowaad oo dalkani leeyahayna waxanu siinay Muhiimad weyn, waxana aanu muhiimadda siinay Qodista Ceelal Badan oo lagu Baahi Baxay”. Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ku nuux nuuxsaday ka Hadalka Arrimaha Doorashooyinka oo ubuxda Khudbaddiisu ku fadhiday, waxana uu caddeeyey inaanu marnaba ku faraxsanayd dibu dhaca ku yimi doorashooyinka, isagoo meesha ka saaray inuu wax faroglein ah ku lahaa Tallaabadii Golaha Guurtidu muddada ugu kordhiyeen Xukuumaddiisa, waxana uu yidhi. “Waxan Xoog Badan saaray inay Doorashooyinku ku dhacaan Xilligii loo asteeyey, mana jiro wax aanu hagranay haba yaraatee aniga iyo Maamulkaygu toonna, kuma faraxsani inay doorashooyinku wakhtigoodi dib uga dhaceen, mana jecli hadda iyo hore toona inay Turunturrooyinka ku yimaadda Nidaamka Dimuqraaddiyadda, waxase dhacda in marka lagu jiro Hawl adag ay soo bixi karaan Duruufo wax ka beddeli kara Qorshayaashii aad Qoondaysatay. Hawlaha Doorashooyinkuna waa Masuuliyad wadareed oo ay wadaagaan dhinacayo badani, canaanta dib udhacuna waa mid la wada leeyahay, waxana aynu nahay qaran leh Shuruuc iyo xeerar haga, Haddaba marka ay Xaaladdan oo kale timaaddo distoorka qaranka ayaa qeexaya jidka loo marayo, Guddida Doorashooyinka Qarankuna waxa ay iisoo gudbiyeen 20-April,2015 qoraal ay ku caddaynayaan inaan Doorashadu xilligeeddii ku qabsoomi karin, anigoo taas ka duulayana waxana u gudbiyey Golaha Guurtida oo u xilsaaran awood sharcigan u leh Qiimaynta Xaaladdan, mana jirin wax farogelin ah oo aan ku lahaa Go’aamada kasoo baxay Aqalka Guurtida, waana Hay’ad u madax Bannaan Gudashada Hawsheeda. Anigoo ah Madaxweynihii qaranka, Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Masuuliyiinta Golaha wakiilladu ma aanu ahayn kuwo maanta arrintaas ka Talinaya ee Waa Naloo talinayey.” Madaxweyne Siilaanyo waxa uu markii ugu horraysay ka Hadlay Go’aankii Golaha Guurtidu muddada ugu kordhiyeen Xukuumaddiisa, waxana uu sheegay inuu ahaa Go’aan Distoori ah, isla-markaana mudan dhaqangelintiisa, waxana uu si gaar ah carrabka ugu dhuftay Kulanka Xukuumadiisu Mucaaridka ugu baaqday oo uu sheegay in ujeeddadiisu tahay daminta khilaafka taagan. “Muwaadin ahaan waxa inagu waajib ah inaynu u hoggaansaano isla-markaana tixgelino shuruucda iyo xeerarka aynu dhiganay, Anigoo ah Hoggaamiyihii qarankana waxa si gaar ah ii saaran ilaalinta iyo dhaqangelinta Disrtoorka dalka u yaalla, Sidaas darteed Go’aanka Golaha Guurtidu waa mid Distoori ah, waxana aanu ku baaqnay Kulan Turxaan Bixin ah oo aanu iskugu nimaadno Saddexda Xisbi-qaran, dhammaan Dhinacyada arrintani Khusaysana waxan usoo jeedinayaa inaynu arrinteena ku dhamaysanno wada-hadal, wada tashi iyo walaaltinimo, waana soo dhaweynayaa una Mahadcelinayaa aqbalka ay marti-qaadkaas kaga jawaabeen.”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo. Mudane Siilaanyo waxa uu mucaaridka uu gogosha u fidiyey ugu baaqay inay isku dayaan inay danta Guud ka horraysiiyaan Danta gaarka, waxana uu yidhi, “waxan kula dardaaramayaa Masuuliyiinta qaranka ee Kulankaas iskugu imanaya waxan kula dardaarmayaa inay marwalba danta guud ee Qaranka ka hor mariyaan wax kasta, isla-markaana ay maanka ku hayaan Ilaalinta qaranimada, Adkaynta Shuruucda iyo Midnimada umadda ay metelaan.”

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu soo qaatay kuna faanay Go’aano uu qaatay xilliyo adkaa oo lasoo maray, isagoo tusaale usoo qaatay Go’aan uu kursi madaxweyne   kaga tegay codad tiro kooban ahaa, waxana uu isku sheegay nin aan lagu xamanin kursi jacayl iyo xukun raadis, isagoo carrabka ku ballaadhiyey in isagoo mucaarad ah uu hore usoo aqbalay Muddo-kordhimo badan oo hal xukuumad marar badan loo sameeyey, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlaya haddalladiisii kamid ahaa,“Waxan dhinacayga idiina caddaynayaa inaan ka doorbidayo masiirka iyo maslaxadda Guud ee umaddan wax kasta oo gaar ah, waxanan ahay Axmedkii shalay 80-ka Cod ee muranku ka jirey kaga tegay kursi madaxweynenimo anigoo tixgelinaya Maslaxadda Dalka, Xukun maroorsi iyo kursi jacayl la iguma yaqaan oo waxan ahay hoggaamiyihii Somaliland ka Badbaadiyey laba shir-beeleed1996-dii oo lagu kala dooran lahaa Laba Madaxweyne xilligaas oo ahaa mid aad u adag oo somaliland intan ka jilicsanayd. Waxana aan tudhaale awgeed uga tanaasulay aniga iyo xisbigaygu saddeed sanadood oo aanu mucaarad ahayn, waxana aanu aqbalnay saddex muddo-kordhinood oo sanka isku hayey, Caado iyo curfi toona uma lihi inaan damac kursi doon dalkayga u dumiyo xaasha, maanta anigoo da’daas joogana la iiga baqi maayo inaan dibin daabyeeyo dalkayga. Samirka iyo dulqaadkuna ma aha doqoniino e waa sahayda Siyaasiga Suuban.”

Madaxweynuhu waxa uu Siyaasiyiinta Madaxtinimada dalka doonay u diray farriin Kooban, waxana uu yidhi,

“Ragga uu hungurigu ka Hayo inay Dalka Madax ka noqdaan waxan leeyahay waar damaciina ku dara tudhaale iyo lexejeclo oo waa la doogiye yaan la dacaroon,”

Dhinaca kale waxa uu madaxweynuhu ka hadlay Beesha caalamka, waxana uu sheegay in xukuumaddiisu maanka ku haysay Doorka Muuqda ee caalamku kaga jiro geedi-socodkeeda iyo taabbo-gelinta Dimuqraaddiyadeeda, balse dhinaca kale waxa uu sheegay in warka sababay in warar caalamku ka muuiyo dibu dhaca Doorashadu aanu ahayn war sax ah, waxana uu yidhi,

“Beesha caalamka waxan uga Mahadnaqayaa taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay somaliland siiyaan, gaar ahaan gacanta ay ka gyestaan arrimaha Doorashooyinka iyo taabogelinta Dimuqraaddiyadda, Somaliland-na waxa ay aaminsan tahay in xidhiidh wanaagsan iyo iskaashi xooggan ay la yeelato bulshada Caalamka, kaas oo ku dhisan isqaddarin iyo dan wadaag. Qaar kamid ah wakiillada Dawladaha inaga taageera Arrimaha Doorashada waxa ka muuqda inuu gaadhay warar xaqiiqda ka fog kaas oo keenay inay warwar ka muujiyaan dibu dhaca yimi, saaxibadayo waxanu xasuusinaynaa inaanu nahay umad dhaqan iyo waayo aragnimo weyn u leh xakaymaynta iyo xal u helidda khilaafyada siyaasiga ah, waxana aan shaki ku jirin in somalilnad hore ugu guulaysatay kana soo gudubtay dhibaatooyin iyo marxalado ka culus dibudhaca doorashooyinka maanta Taagan, waxana aanu aaminsanahay inaanu turxaanta gudahayaga taalla ku fillanahay, iyadoo aanu sidii caadada noo ahayd wada-hadal iyo is afgarasho wanaagsan aanku dhamaysan doono.”

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu garawsan waayey Sida Beesha caalamku ugu soo degdegtay Jawaabta ay ka bixisay Dib udhaca Doorashada, isla-markaana dhegaha uga furaysatay Codsiyo ay Somaliland hore ugu gudbisay oo salka ku hayey in Dhexdexaadin laga galo Murannka kala dhexeeya somalia, xilli uu sheegay inuu u arko in Somaliland ku filan tahay xallinta khilaafka dhexdeeda yaalla,

“waxa isku kaaya qaban la’ sida Dawladaha qaarkood ugu degdegayaan farogelinta Arrimaha Gudahayaga ah oo aanu ku fillanahay iyo sida ay uga warwareegayaan ama isu diidsiinayaan dhexdhexaadinta ismarinwaaga ah ee ka aloosan Somaliland iyo Somalia, taas oo xal u hellideedu muhiimad weyn uleedahay xaqa aayo-ka-tashiga umaddadayada iyo Guud ahaanba xasiloonida Mandaqadda Geeska Afrika.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here