Muwaadin Iska Difaacay Eedo Loogu Jeediyey Muran Dhuleed Oo Ka Dhaxeeya Isaga Iyo Ganacsade Cumar Caydiid
Hargeysa:(Hubaal)- Aadan Mooge Xirsi oo loo yaqaanno Aadan Ingiriis ooqayb ka ahaa laba dhinac oo muran dhimasho sababay oo dhuleed ku dhex maray deegaanka masallaha ee magaalada hargeysa ayaa ka hadlay eeddo loogu jeediyey in uu damac ka galay hanta ay dad kale leeyihiin. Aadan Ingiriis oo shalay saxaafadda kula Hadlay magaalada Hargeysa, ayaa soo bandhigay Sharciga lahaanshaha iyo Dukumentiga uu dhulkaas u haysto, waxana uu sheegay inay horeba u jireen Rag hore oo ku qabsaday, kuwaas oo garnaq dheer kadib si sharci ah maxkamaddaha dalku ugu xukumeen. Waxa uu Muwaadin Aadan Mooge Xirsi sheegay inuu dhulkaas dilku ka dhacay isagu iskii u leeyahay, isla-markaana uu Garadarro katirsanayo Ganacsade Cumar Caydiid oo ay isla dhulkaas ku murmeen ka hor intii aanu dilku dhicin.
Aadan Mooge waxa uu sidoo kale Hay’adaha Ammaanka ku eedeeyey inay Baadhista Dembigii Marxuumka dhulkaas lagu dilay duween “Cumar Caydiid marxuumka dhintay isagaa gurigiisa ka soo qaaday, meeshuna ciidan umay baahnayn, waxana aan doonayaa inaan shacabka Reer Somaliland u sheego in dhulkaas ay dhibaatadu ka dhacday, markii dilku dhacayna waa la I xidhay, meesha dilku ka dhacayna maan joogin, Jananka Booliska, xeer ilaalinta iyo CID-duba waxay yidhaahdeen Keen sharcigii aad meesha u haysatay, markii aan keenayna waxa la damcay in Cumar Caydiid laga reebo waana la diiday, waxanan ogaaday in Hay’adaha ammaanka oo dhammi ay Cumar Caydiid Hoos yimaadaan oo isaga amarkiisa ku shaqeeyaan.” Ayuu yidhi Aadan Mooge. Aadan Mooge oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inuu dhulkaas isagu leeyahay, isla-markaana uu yahay qof dulmi iyo gardarro tirsanaya, waxana uu yidhi,“waxan ka ashkatoonayaa shacabkana u sheegayaa inaanan anigu ahayn ninka Cumar Caydiid Weeraray oo maagay, balse aan ahay ninka meel dhisan oo deegaan oo aan jiiraan ku nahay uu cumar Caydiid igu weeraray, meeshaas oo aan sharci u haysto oo aanu Cumar Meelna kasoo gelin.”
Sharciyada uu Aadan soo bandhigay, ayaa waxa ku taxan xukunno kala dambeeyey oo ay Maxkamada dalka iyo Dawladda Hoose ugu xalaaleeyeen inuu dhulkaas iska leeyahay, isagoo sidoo kalena soo bandhigay Waraaqihii uu Cashuurta ku shubay.
Dhulkan uu ka Hadlayo Muwaadin Aadan Mooge Xirsi, ayaa Muran dhawaan ka dhashay waxa ku geeriyooday Muwaadin kale, waxana soo baxayey Eedo la xidhiidha sida dilkaasi u dhacay oo u dhexeeyey isaga iyo Ganacsade Cumar Caydiid.