London(Hubaal)-Suldaan C/raxiin Saxadiid Kaahin oo kamida Hogaanka Dhaqanka ee Somaliland ayaa si weyn ugu dhiirigaliyey guud ahaan Shacabka Somaliland inay si siman uga qayb-qaataan Isla markaana ay dardar galiyaan sidii ay u qaadan lahaayeen kaadhka aqoonsiga ama jinsiyada ee Diiwaan-galintiisu ka socoto dalka isagoo isla markaasinna ku baaqay in sidaas si la mida ay uga qayb-qaataan Diiwaan-galinta Codbixiyaha oo dhawaan iyana dalka ka dhici doonta dhawaan .
Suldaan C/raxiin Saxadiid Kaahin oo Warbaahinta kula hadlay isagoo ku sugan Magaalada London ee cariga UK ayaa isaga oo arimahaas ka hadlaaya waxa uu yidhi “Ugu horeyn waxan halkan Salaan mug iyo Milge leh u marinayaa guud ahaan Ummadda reer Somaliland meelkasta oo ay kaga sugan yihiin daafaha dunida ,marka xigta waxan halkan uga soo jeedinayaa Bulshada reer Somaliland eek u sugan dalka gudihiisa inay ku dhiiradaan oo ay ka midoobaan kana hawl-galaan sidii ay u wada qaadan lahaayeen kaadhka dhalashada ama aqoonsiga jinsiyada ee Diiwaan-galintiisu dalka ka socotay bilihii ina dhaafayba iyadoo aan ku dhiirigalinaayo inay u midoobaan isla markaasina ay ka dhabeeyaan go’aanka gooni isku taaga iyo qaran-nimada ee aynu reer Somaliland ahaan go’aansanay Sanadkii 1991 kiii taasoo hadii aynu reer Somaliland ahan 100% qaadano kaadhka dhalashada ay taasi sheegayso in aynu cadaynay in aynu ka midaysan nahay go’aanka aynu ka qaadanay aayaheena 1991 kii”
Dhinaca kale Suldaan C/raxiin Saxadiid Kaahin waxa uu Bulshada reer Somaliland usoo jeediyey inay isna ka midoobaan qaadashada kaadhka codaynta oo uu isna tilmaamay inuu yahay xaqiijinta Himiladeena Qaranimo taasi oo uu ku guubaabiyey qaadashadiisa Bulshada Reer Somaliland inta gaadhay da’da codbixiyaha
Gabagabadiina Suldaan C/raxiin Saxadiid Kaahin waxa uu Gudida Doorashooyinka Ee Somaliland usoo jeediyey ianay Si Siman ugu qaybiyaan Goobaha laga Diiwaan-galinaayo Cod-biyeyaasha Doorashada ee dhawaanta loo balan san yahay bilaabilada Diiwaan-galintooda.