Suldaan C/raxiim Saxardiid Kaahin
Hargeysa(Hubaal)-Suldaan C/raxiim Saxardiid Kaahin Oo Kamida Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa Waxa uu Xukuumada Ku Cambaareeyey Muwaadin C/raxmaan Maxamed Talyaani oo uu dhalay Alle ha u naxariistee Mujaahid Maxamed Talyaani oo ka mid mujaahidiintii halgankii dib u xoreynta qaran , Mujaahid Maxamed Talyaani sidoo kale ahaa Taliyihii Ciidankii Tiknikada SNM ee Dalka soo galay 1988
Suldaan C/raxiim Saxardiid Kaahin oo si weyn ugu cambaareeyey Xukuuumada in moddo laba sano iyo siyaado ah ay si sharci daro ah uga haysato gaadhigiisii Muwaadin C/raxmaan Mujaahid Maxamed Talyaani isagoo arimahaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi “Waxan Xukuumada ugu Baaqayaa inay Sida ugu Dhakhsanaha badan ugu soo celiyaan Gaadhigiisa Muwaadin C/raxmaan Mujaahid Maxamed Talyaani Oo Mudo Laba Sano iyo siyaado ah Xukuumadu Gaadhigiisii Ka Haysato,taas oo aan u arki karno in aan la ixtiraamayn lana karaamaynayn Awlaadii ay dhaleen Mujaahidiintii iyo dadkeenii qiimaha lahaa waayo C/raxmaan waa inanka gaadhiga laga haystee waxa dhalay Alle ha u naxariistee Mujaahid Maxamed Talyaani oo ka mid mujaahidiintii halgankii dib u xoreynta qaran ,Maxamed Talyaani sidoo kale ahaa Taliyihii Ciidankii Tiknikada SNM ee Dalka soo galay 1988 “
Suldaan C/raxiim Saxardiid Kaahin waxa uu sidoo kale fariiin culus u direy Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ,Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Boolis Somaliland isagoo isla markaana si ugu baaqay inay ixtiraamaan Shuruucda dalka u yaala isla markaasina ay sida ugu dhakhsaha badan ugu soo celiyaan Muwaadin C/raxmaan Mujaahid Maxamed Talyaani ,
Gabagabadiina Suldaan C/raxiim Saxardiid Kaahin Waxa uu Masuuliyiintaasi kor ku xusay ugu baaqay inay tix-galiyaan isla markaasina ay qiimeeyaan Awlaadii ay dhaleen Mujaahidiintii Dalkan u Shihiiday isla markaasina ay ilaaliyaan Xuquuqdooda iyo karaamadoodaba isla markaasina ay Muwaadinkaasi Gaadhigiisa sida ugu dhakhsaha badan ugu soo celiyaan
Faahfaahinta Gaadhiga:
Nooca Gaadhiga: Toyota crow
Lambarka ama taarikda gaadhiga 43556
Moodelkiisa:( Model) 2001
FG;Waxaan halkan kusoo bandhigayaa oo warbixintan ku lifaaqan dhammaan caddeymihii sharciga ahaa ee lahaanshaha gaadhiga sida: Buugii gaadhiga oo kala wareejisan iyo weliba warqadii ama qoraalkii nootaayada shariga ahaa ee aan ku iibsaday.