“Waxay Ceeb Iyo Fadeexad Arrintaasi Ku Noqonaysaa Cidda Iska Walaaqanaysa Wax Sharcigu Ufasixin”Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa

0
31

Hargeysa(Hubaal)-Gudoomiyaha guddida joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, ayaa ku eeddeeyay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay la wareegtay awoodihii xeer dejinta dalka ee golaha Wakiilada, isla markaana waxa uu shaaca ka qaaday in Wasiirka duulista Maxamuud Xaashi Cabdi ku kacay talaabo ku gaf ah shacabka masaakiinta ah ee reer Somaliland iyo talaabo ay kaga been sheegayaan hawada dalka Somaliland. Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo xalay khadka Telifoonka Waraysi gaar ah ku siiyey Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay in xeerkii Madaxweyne Siilaanyo ku abuurayey ciidamo dab-dabis ah aan la soo marin Golihii sharciga u lahaa, uuna yahay sharci-darro, isla markaana waxa uu sheegay inaanay aqoonsanayn kana mid ahayn shuruucda dalka.“Beryan-ba Madaxtooyadu iska xeer dajin ayay ahayd, iyadaana xeerarka iska samaysata oo gacanta ayay ku wada qaadatay awoodihii qaranka oo dhan. Xeerkaas aad sheegayso ee lagu dhisayo ciidamada dab-demiska xeer golaha xeer dejinta ee dalka soo maray maaha,”ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa. S. Madaama xukuumadii samaynayso xeerarka baahi loo qabay, markaa ma la odhan Karin idinka ayaa ka gaabiyey oo waa dhaliil idinku aad leedihiin, kana gaabiyey xeerarkii dalka.?

gudoomiyaha-guddida-joogtada-Ibrahim-buubaa1-80x106

 

J. Maya ee qaranku wuu kala madax-bannaan yahay, dadkuna dastuurka iyo sharciga u yaala dalka way garanayaan. Cidda awood iyo shaqo aanay lahayn maroor-sanaysa ayay ceeb ku tahay. Golihii xeer dajinta ee dalku lahaa wuu jiraa, shaqadisiina siwacan ayuu u gutaa. Xeerarka caadiga ah ee madaxtooyada ka yimaada ama iyagu curiyaana waanu soo saarnaa, laakiin waxay ceeb iyo fadeexad arrintaasi ku noqonaysaa cidda iska walaaqanaysa wax sharcigu u fasixin. S. Madaama aad sheegtay in dadkii sharcigan xaqa u lahaa aan la soo marin siday u muuqanaysaa ama samaynta ay ku leedahay shuruucda u taala dalka waa maxay? J. Waxay noqonaysaa wax aan waxba ka jirin, xeerarka iyo shuruucda dalku leeyahay aan meelna ka soo galin, waxaanu noqonayaa hal bacaad lagu lisay oo meel lagu tuuro. S. Ciidanka dab-demiska ee Madaxweynuhu xeerka ku aas-aasay idinku Gole ahaan maxaad u aqoonsanaysaan.? J. Anagu waxaanu diyaar u nahay xeerkii dab-demiska ee dalka iyo ciidankaas wixii shaqadiisu noqon lahayd iyo nidaamkii ay ku shaqayn lahaayeen tilmamaaya in anagu Gole ahaan isku dayno in anagu samayno, haddii xukuumaddu ka gaabisay, iyadoo iska samaysatay oo maroorsatay xeer aan sharciyada ku fadhiyin, kuna qotomin shuruucda dalka u yaala. Wax kasta oo ka hor-imanaaya shuruucda dalka u yaala guud ahaan waddanka oo dhan dhibaato ayuu u leeyahay, dhibaatadaasna waxa masuul ka noqonaya ciddii u keentay. S. Xildhibaan idinku ilaa hadda Gole ahaan ma ka wada hadasheen xeerkaas madaxweynuhu soo saaray.? J. Maya, wali Goluhu fasax ayuu ku jiraa, laakiin marka laga soo noqdo fasaxa ayaa laga wada hadlayaa. Waxa Xildhibaanku uu sheegay in Wasiirka duulistu Indho-sacraad iyo wax aan jirin oo lagu qaldayo shacabka masaakiinta ah ka sheegay hawada Somaliland Wuxuu yidhi, “Wasiirka duulistu waxa uu anaga na soo gaadhsiiyey ama ummadda u soo bandhigay ma jirto. Inta anagu ognahay waxa weeye in Wasiirku uu ku dhawaaqay in hawadii Somaliland ay la wareegtay Soomaaliya. Qaramada midoobayna la balansan tahay bisha October ee sannadkan in sitoos ah ugu wareejiso dawladda taagta daran ee Soomaaliya. Hase yeeshe waxan ay soo bandhigeen ee ay leeyihiin hawada ayaanu kula xidhiidhaynaa, anigu markaan qiyaaso waxaan u arkaa in diyaaradda Hargeysa soo fadhiisanaysa Radyaw lagula hadlo, inay ka hadlayaan. Laakiin wax ay awood ku maamulikaraan diyaaraddaha hawada sare ee dalku leeyahay is-ticmalaaya, adduunkii iyo shirkadihii xaqa loogu lahaa ay kaga qaadanayaan sharciyad ayaa ka horaysa ee qalab maaha. Adduunka qalab ma shaqeeyo ee sharci ayaa shaqeeya, markaa haddii aanay ahayn sharcigii waxaan u arkaa oo un wax iska ah Indha-sacraad dadka been loogu sheegayo,”ayuu yidhi Xildhibaan Buubaa. Sidoo kale, Xildhibaanku wuxuu sheegay in qalabka hawada lagu maamulayo ama lagula xidhiidhayo ay ka horayso sharciayada adduunyadu kaga ogoshahay ee lagu maamulo hawada caalamka wuxuu yidhi, “Waxa marka hore loo baahan yahay in sharci la sameeyo ama la abuuro, adduunyaduna ay kugu ogoshahay diyaaradaha dulmaraaya hawad Somaliland, kuna ogaan karto intay ku jireen hawada, inta uu leeg yahay tankeedu, aaladu waa nidaam ay ku shaqayso dunidu, markaa nidaamkaasi xeer ayuu u baahan yahay. Xeerka caalamiga ah ee jira waa in dawladdaadu qayb ka tahay oo adigu hab dublamaasiyadeed aad kaga keensatid qaramada midowbay iyo ciddii gacanta ku haysay ku maamusho dee haddii wixiiba laga wareejiyey oo la leeyahay Aktoobar ayaa Somalia lagu wareejinayaa, waxay leeyihiin qalab baanu kula soconaynaa diyaaradaha na dulmaraya dee waa waxa ay ugu tala-galeen-uun in lagu jaah-wareeriyo dadkan masaakinta ah ee reer Somaliland, laakiin maaha wax dalka iyo dadka wax u taraya.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here