“Waxaynu Markhaati Ka Nahay Wakiillada Oo Toddobaadkiiba 4 Xeer Soo Saaraya [Laakiin] Cid Hadal Haysa Xeerkii Doorashadu Ma Jiro”

0
14

Boobe Yuusuf Ducaalle Oo Su’aal-geliyey Sida Xildhibaannada Baarlamaanku Uga Hadli Karaan Dastuur-jebin

Hargeysa (Hubaal)  – Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa ka hadlay hadallo Maalmihii u dambeeyay ay Warbaahinta isku marinayeen Xildhibaannada Golayaasha Wakiillada iyo Guurtidu oo ku muransan Xeerka Kufsiga oo Wakiilladu u gudbiyeen Madaxweynaha, balse Guurtidu doonaysay in dib loogu soo celiyo si ay u qiimeeyaan.

Boobe Yuusuf Ducaale oo   Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Xildhibaannada Guurtida iyo Wakiillada uu midba mid ku eedeeyo inuu jebiyey Qodobbo Dastuurka ka mid ah, balse Shacabku la yaaban yahay sida ay uga hadli karaan Dastuur jebin, maaddaama oo laftoodu kuraasta ku muddo dhaafeen.

Boobe oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Laba Eray ayaan ka odhanayaa hadallada ay Warbaahinta isku marinayaan Xildhibaannada Golayaasha Wakiillada iyo Guurtidu.  Maanta oo Golaha Guurtidu fadhiyo 21 sannadood, Golaha Wakiilladuna fadhiyo 13 sannadood ayaa waxay ka hadlayaan sidii loogu samayn lahaa Xeer-hoosaadkii ay ku wada shaqayn lahaayeen, marmar baad is odhanaysaa Maahmaahdii ahayd ‘Cadduur dhow dhowdu uma dhacsana’ Malaha odaygaa waa lagula dhacaye halkan bay ku fiicnayd.” Boobe Yuusuf Ducaale oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Waxyaabaha Dadka oo dhami ku hamiyeyayaan waxa ka mid ah in Somaliland la aqoonsado, waa waxa ugu weyn ee habeen iyo Maalin Dadku illaahay ka baryayaan, marka Xeer-dejinteenii wax Xaq-dhowr ah u haynin Dastuurkii Ummaddani lahayd siday u xaq-dhowrayaan Xeerarka Caalamiga ah. Waxay ka hadlayaan Qodob hebel baa la jebiyey, laakiin marka Qodobka odhanaya Muddo-xileedka Guurtidu waa Shan Sanadood marka uu 21 gaadho miyaanu Qodobkaasi jabin ?, waxaad arkaysaa iyagoo leh wixii la xidhiidha Diinta iyo Dhaqanka waxa xaq u leh Golaha Guurtida, Dastuurka sidaa dhigayaa sow maaha ka dhigaya Guurtidu shan sannadood ayuun bay meesha joogi karaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Maanta waxaynu Markhaati ka nahay Golaha Wakiillada oo Toddobaadkiiba Afar Xeer soo saaraya, Madaxweynuhuna saxeexayo, cid Alaale iyo Cid hadal haysa Xeerkii Doorashadu ma jiro..”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here