Waxbarashada Bilaash ka ah ee Dugsiyada Hoose/Dhexe Maxaa laga Dheefay?

0
143

arday-iskuulka-joogta

Waydiimahan ayaa innooga baahan in aan ka bixinno jawaabo sugan :  korodhka tirada ardayda iyo kor-u-qaadista tayada  waxbarasho ma ahaayeen labada arrimood ee salka u ahaa siyaasaddan cusub? Ma noqday mid si’ dhammaystiran usii waara qorshihii ahaa in dugsiyada hoose/dhexe bilaash ahaadaan sannadihii u dambeeyay? Miisaaniyadda dawladdu u qorshayso waxbarashadu ma tahay mid ku habboon? Waddamada Afrika ee siyaasaddan waxbarashada bilaashka ah   qaatay  kor  ma u qaadeen miisaniyaddooda qaranka ee waxbarashada? Waa maxay talooyinka ugu habboon ee lagaga go’aan gaadhi karo mustaqbalka waxbarashada bilaashka ah ee dugsiyada hoose/dhexe?

Hordhac: Inta aynnaan gudo-gelin caqabadaha ku gedaaman waxbarashada bilaashka ah ee dugsiyada hoose/dhexe ee qaranka, aan faallo iyo faham guud ka bixinno taariikhda waddamada Afrika ee qaatay hannaanka Waxbarashada Bilaash ka ah ee dugsiyada hoose/dhexe iyo siday ula tacaaleen caqabadaha dhaqaale iyo farsamo ee ka horyimid. Siyaasadda waxbarashada bilaashka ah ee  inta badan ololaha xusbiyada siyaasadeed  lagaga goáan qaato  ee aan daraasad iyo xogo rasmi ah  salka ku hayn  waxa lagu tilmaamaa inay  la kowsato caqabado badan oon aan marka hore loo diyaar-garoobin, isla markaanna dabra  filashooyinkii iyo hawaawi-kacii siyaasadeed, taasi waxay keentaa in waddankastaa hayntiisa ama awoodiisa dhaqaale iyo aqoonyahankiisa kaga samata-baxo dhibaatooyinka adag ee ka horyimaadda sida aynnu hoos ka arki doonno.

Waddanka Malaawi waxa lagaga dhawaaqay bishii October 1994 kii, in waxbarashada dugsiyada hoose/ dhexe tahay bilaash, xilligaas oo ay dawladdii cusbayd ee xilka la wareegtay June, 1994 kii, ku dhawaaqday siyaasaddan waxbarasho ee bilaashka ah, waxa sannadkii u  horeeyay is-qorista waxbarashadu korodhay in ka badan 50% , haseyeeshee waxa ka horyimid siyaasaddan cusub dhibaatooyin badan  oo aan lasii qorshayn.  Waxa loo baahday fasallo cusub oo gaadhaya 38,000 oo fasal, 25,000 oo macalin, kaabeyaashii waxbarasho iyo dhammaan adeeggii waxbarasho oo dhammaystiran, waxay noqotay in 100 arday fadhiistaan fasal yar, tanni waxay noqotay kaaf iyo kala dheeri iyo filanwaa aanay dawladdu qorshaysan, waxaanay meesha ka saartay tayadii waxbarasho, inkasta oo dawladdu kor u qaaday miisaaniyaddii waxbarashada 11% ilaa 24%  halka waxbarashada dugsiyada hoose dhexe looga qoondeeyay 65% ka mid ah miisaaniyadda waxbarashada, haddana tanni ma noqon mid meesha ka wada saarta dhaqaalihii waalidku bixin jiray xalna u noqon karta dhibaatooyinka baahsan ee ka horyimid. Dhibaatooyinka aan sida gaar ka ah hoosta uga xariiqi karnno ee waddanka Malaawi  ka dhaxlay  9 sanno kadib qorshan Waxbarashada bilaashka ah waxa ka mid ah:

  1. Tayadii macalimiinta oo hoos u dhacday
  2. Waxa meesha ka baxay xidhiidhkii bareha, waalidka iyo ardayda ka dhexeeyay.
  3. Waxa la siyaasadeeyay waxbarashadii
  4. Waxa hoos u dhacday tayadii dugsiyada

dawladda, tanni waxay kor u qaaday korodhka dugsiyadii gaarka loo lahaa.

  1. Qiimihii aqoontu lahayd ayaa lumay, shaqo-abuurkii ayaa yaraaday, dadkii waxbartaynna waxay noqdeen magac-u-yaal aan irbad dun gelin karin.

(Fredrick O. Ogola, 2010).

Waxan sidoo kale xusi karnaa, waddanka Keniya oo markii ugu horaysay 1974 kii, isku dayay inuu hirgeliyo qorshahan waxbarashda bilaashka ah, xilligaas waxa dawalddii waqtigaasi ku dhawaaqday in waxbarashada fasalka 1aad ilaa fasalka 4aad ee dugsiyada hoose bilshaash tahay, markii la gaadhay sannaddii 1978 kiina waxa dawaladdu ku dhawaaqday in waxbarashada dugsiga hoose/dhexe oo dhammi tahay bilaash, inkasta oo waqtigaas uu korodhay tirada is-qoristu haddanna ma noqon qorshahani mid sii waara, waxa fulintiisii ka horyimid caqabaddo badan oo dhinacyo badan taabanayay oo dhaqaaluhu kow ka ahaa, taasi waxay sababtay in dawalddu ka noqoto  qorshahaas badhtamihii 1980kii, xilligaas oo dib loogu baahday in waalidku taageeraan waxbarashada oo ay bixiyaan lacagtii billeha ahayd. Waddanka Keniya  waxa mar kale ololihiisii siyaasadeed ku ballan qaaday in dugsiyada hoose/dhexe uu ka dhigi-doonno bilaash xusbigii  waqtigaas doorashada dalkaas ku guulaystay ee National Rainbow Coalition Party (NARC) ee uu hoggaaminayay Mwai Kibaki,  bishii Janaayo  2003 dii iyadda oo dawladdu oofinaysa ballan-qaadkii  ay dadweynaha u balan-qaaday xilligii ololaha doorashada waxay  ku dhawaaqday in ‘’waxbarashda dugsiyada hoose/dhexe tahay bilaash’’ .  Waxay dawladdu ku heshay  xiligaas ammaan kadib markii tirada korodhka isqoristu kor u kacday, tusaale ahaan 2002 dii waxay ahayd  tirada ardaydu 5.9 milyan halka ay 2003 dii gaadhay 7.2 milyan (RoK 2003b),  waxa dawladda ka horyimid caqabado dhaqaale, taasina waxay keentay in dawladdu kordhiso miisaaniyadda waxbarashada,  halkii ay ka  ahayd 29%  waxa la   gaadhsiiyay 36% ka mid ah miisaaniyadda guud ee qaranka, miisaniyaddan loo qorsheeyay waxbarashada waxa 55% ka mid ah loogu talagalay in lagu kharash-gareeyo waxbarashada hoose/dhexe, waxa sidoo kale dawladdu uga heshay waxbarashada dhaqaale  Bangiga Adduunka oo ku deeqay $50 milyan halka ay DFID ka siisay $21 milyan. Inkasta oo waddanka Keniya kordhiyay miisaniyaddiisa waxbarashada isla markaanna uu u helay waxbarashada deeqo caalami ah, haddana wuxu qorshahan kala kulmay  laga soo bilaabo sannaddii 2003 dii  caqabado badan, tusaale ahaan  fasalladii wax lagu baranayay ayaa yaraaday, macalinkii oo ku soo hagaagi jiray 40 arday (1:40) ayaa ku soo beegmay (1:60-90) arday, tayadii wax-dhigiseed iyo hannaankii barenimo ayaa hoos u dhacday. (Fredrick O. Ogola, 2010, & Abby Reddel , 2003).

Waddanka Tanzaniya wuxu waxbarashada bilaashka ah ee dugsiyada hoose dhexe qaatay  bishii 10aad  2001 dii, tirada korodhka is-qoristu aad bay kor ugu kacday, miisaaniyadda dawladdu waxbarashada ugu talo-gashay waxay gaadhay 25%   halka miisaaniyaddan waxbarashada 60% ka mid ah loo qorsheeyay waxbarashada hoose/dhexe.

Waddanka Zaambiya ayaa isna qorshahan hir-geliyay February 2002 dii, tirada korodhka is-qorista ardayda  ayaa 2001 dii waxay ahayd 1.6 milyan halka ay 2003 dii ay gaadhay 1.7 milyan, miisaaniyadda waxbarashada ee qaranka oo ahayd 1996 kii 13.2 %   ayaa lagaadhsiiyay 20.1% , halka 50% ka mid ah miisaaniyaddan waxbarashada loo qoondeeyay waxbarashada aasasiga ah ama hoose/dhexe. Waddanka Uganda ayaa isna qaatay siyaasaddan waxbarashada bilaashka ah  1997 kii, korodhka is-qoristu wuxu ahaa 1996 kii 2.7 milyan halka uu gaadhay 2002 dii 7.2 milyan, miisaaniyadda qaranka ee loo asteeyay waxbarashadu 1992 kii waxay ka ahayd  miisaaniyadda guud ee qaranka 12%   halka 1998 kii la gaadhsiiyay 25%, miisaaniyaddaas waxbarashada loo qoondeeyay waxa 70% kamid ah loogu talagalay in lagu maal-geliyo waxbarashada hoose/dhexe ee bilaashka ah. (  Abby Reddel , 2003).

Guudahaan waddamada aan kor kusoo xusnay ee qaatay siyaasaddan Waxbarashada Bilaashka ahi, waxay ku guulaysteen in tirada is-qoristu korodho , waxaanay dhammaantood kor u qaadeen miisaaniyadda qaranka ee  waxbarashada, gaarahaanna waxbarashada dugsiyada hoose /dhexe si uu u hirgalo qorshahanni, waxa iyadnna xusid mudan in waddamadani helaan deeqo caalami ah oo iyadnna loo qorsheeyo horumarinta qorshan cusub. Sikastaba ha ahaatee, waxay waddamadani kala simanyihiin waddanka Malaawi iyo Keniya inay jiraan caqabaddo saamayn taban ku yeeshay tayadii waxbarashada.

Somaliland: Aan u guddo-degnno dulucda iyo ujeeddada eh, waddanka waxa lagaga dhawaaqay qorshe-siyaasadeedkan waxbarashda bilaashka ah bilawgii sannadkii 2011 kii,   kadib markii doorashada hoggaaminta qaranka uu ku guulaystay xusbiga hadda talada haya ee KULMIYE , sida ku cad qorshaha waxbaraxada ee 2012 kii ilaa 2016 ka ujeeddada ugu weyn ee laga lahaa waxbarashada bilaashka ah ee dugsiyada hoose/dhexe waxay ahayd in   heerka is-qorista ee ardaydu kordho, iyada oo la saadaalinayay in fasalka 1aad oo keliya ay is-qori doonnaan caruur tiradoodu gaadhayso 32,000, sidoo kale waxa la filayay inay korodho tirada fasallada kale. (ESSP 2012-2016).

Sida ka muuqata Qorshahan Waxbarashada Qaranka ee 2012-2016 ka , ma jirin wax cilmi-baadhis ah ama darasado rasmi ah oo lagu jaan-gooyay go’aanka siyaasadeed ee dawladdu qaadatay, hase yeeshee waxa haabka lagu hayay in la shaqaaleeyo 1500 oo macalin oo dheeraad ah sannadkii 2011 ka  oo ay ku baxaysay 12.5 bilyan SL SH ah, waxa kale oo 2012 kii iyo 2013 kii qorshaysnaa in sannadkiiba la shaqo-geliyo 500 oo macalin oo dheeraad ah oo ay ku kacaysay 6.3 bilyan iyo 9.4 bilyan SL SH ah, siday ay ukala horeeyaan. Dhinaca kale waxa la filayay in la dhiso 800 oo dugsi oo dheeraad ah lana kordhiyo agabka dugsiyada.  Xogaha sare, innaga oo ka duulaynna ma kula tahay in dawladdu hirgelisay arrimaha kor ku xusan?

Marka laga yimmaaddo korodhka ardayda, wax ma la-iska waydiiyay tayada waxbarashada oo ku xidhan macalimiinta tayadooda iyo tiradooda,  tabobarkooda iyo kordhinta mushaharkooda? aan si kooban u idhaah de’eh masii waaray korodhkii mushaharka macalimiinta ee ahaa 100/100 ka ( boqolkiiba boqol) ee noqday mar la’ arag ? Koradhkan oo sida qorshuhu ahaa bare kastaa filay muddo 5 sanno gudohood  ah in lagu gaadhsiin doonno $300 ma hirgashay, mise wuxu noqday lab-la-kac lagu hungoobay?

Dhaqaalaha dawladdu u qoondaysay wasaaradda waxbarashadu waa mid aad u hooseeya sida ka muuqata miisaaniyadaha sannaddii 2010 kii oo uu ahaa $2.4 milyan halka 2011 kii uu ahaa $6.2 milyan, 2012 kii Wasaaradda Waxbarashada iyo  Tacliinta sare wuxu ahaa $8.8 milyan, sidoo kale 2013 kii miisaaniyadda qaranku iyada oo  Shilinka Somaliland ah waxay ahayd 750,000,000,000 ( todoba boqol iyo konton bilyan oo SL Shilin) ah  halka miisaaniyadda loo qoondeeyay waxbarashadu ka ahayd 50,413,533,338 ( konon bilyan iyo dheeraad SL Shillin ah) oo 7% (toddoba boqolkiiba)  ka ah miisaaniyadda guud ee qaranka, waxa sidoo kale aan xusi karnnaa miisaaniyaddii qaranka ee 2014 ku waxay ahayd    912,000,000,000 SL Shilin (sagaal boqol iyo laba iyo toban bilyan SL shilin), halka miisaaniyadda waxbarashadu ka ahayd  70,566,294,424 ( toddobaatan bilyan iyo dheeraad SL Shilin ah), oo u dhiganta 8%( sideed boqolkiiba)  ka mid ah miisaaniyadda guud ee qaranka.

Haddii aan u nimaadnno sannaddan 2016 ka oo  odoroska misaaniyadda qaranku gaadhay $295,280,174 ( laba boqol iyo shan iyo sagashan milyan, laba boqol iyo sideetan kun iyo boqol iyo afar iyo toddobaatan dollar) , waxbarashada miisaaniyadda loo qorsheeyay waa mid aad u yar, sida ka muuqata  shaxdan hoose 10 ka meeleed ee sannadka ahmiyadda weyn lasiiyayna waxbarashada iyo tayaynteeda laguma darin.

Meelahaha sannadkan Ahmiyadda La siiyay kuma jirto Tayaynta Waxbarashadu  sida hoos ku xusan:

  1. Nabadgelyada iyo Garsoorka
  2. Waddooyinka iyo Biyaha
  3. Caafimaadka iyo Daryeelka
  4. Dhallinyarada iyo Shaqo abuurka
  5. Dhulka iyo beeraha
  6. Dhiire-gelinta waxsoosaarka dalka
  7. Tayaynta iyo Fidinta Maamulka
  8. Aqoonsi raadiska iyo Doorashooyinka
  9. Maalgashiga
  10. Dakhliga iyo Hantida Dawladda


 Innaga oo ka duulayna miisaaniyadda aad ka u hoosaysa ee loo qoondeeyo waxbarashada qaranka iyo ahmiyad la’aanta aan lagu darin 10 ka meelood ee ugu mudan qaranka, waxay inna tusaysaa haddii aan talaabo deg-deg ah la qaadin in ay adagtahay innuu sii waaro qorshihii siyaasadeed ee ahaa in dugsiyada hoose/dhexe bilash ahaadaan iyo  in tayada waxbarashada qaranku noqoto mid maaro loo heli karo.

Dhinaca kale waxa aad u kordhay dugsiyadii gaarka loo lahaa ( Private Schools), tusaale ahaan 2011 kii waxa dugsiyada hoose/dhexe ee dawladdu  ahaayeen 726, halka kuwa gaarka loo leeyahay ahaayeen 91 dugsi, waxa dugsiyada dawladda korodhkoodu gadhay sannadkii ku xigay ee 2012 kii ilaa 736 oo u dhiganta 1% ( hal boqolkiiba), halka dugsiyada gaarka loo leeyahay korodhkoodu gaadhay 112 oo u dhiganta 23% ( boqolkiiba saddex iyo labaatan)  EMIS, School Survey 2012/2013.

Sida xogta sare ka muuqata waxa cad in dugsiyadii gaarka loo lahaa korayaan, taas oo laga malaysan karo inay ugu wacan tahay tayada waxbarashadooda oo kor u sii kacaysa halka ta dawladduna hoos ay usii dhacayso, waxan hoosta ka xariiqi karnnaa in tayada waxbarashada dugsiyada dawladda ee hoos usii dhacaysa ay laf-dhabar u tahay daryeel laáanta macalinka iyo mushaharka hoose ee lasiinayo, buugta iyo agabka waxbarasho ee ardayda oo meesha kasii baxaya.

Innaga oo ka duulaynna suáashii ahayd sida uu u dhaqan-galay qorshihii waxbarashada bilaashka ah ee qaranka lagaga dhawaaqay 5 sanno kahor, waxa xusid mudan in siyaasaddii waxbarashada bilaashka ahi aanay noqon mid si dhammaystiran ama sidii la rabay dalka uga hirgasha oo  maanta dugsiyo badan oo Hargeisa dhexdeeda ah ayaa lacagta bisha laga qaadaa ardayda, sida waalidiin, arday iyo bareyaal ka tirsan qaar ka mid ah dugsiyada hoose/dhexe sheegayaan xataa waxa dugsiyada qaar kordhiyeen intay waayadii hore ahayd, tusaale ahaan ka hor intii aan la goáamin waxbarashada bilaashka ah waxa waalidka ilmaha dhalay dugsiyada hoose/dhexe laga qaadi jiray lacag bille ah oo dhammayd  7,000 (toddoba kun) oo SL Shilin ah, halka hadda laga qaado labban-laab dugsiyada qaar oo ah 15,000 ( shan iyo toban kun) oo SL Shilin ah.

Daryeel láaanta barruhu waxay keentay in macalimiintii tayada lahaa ka huleelaan dugsiyadii dawladda oo ay u digo-rogtaan dhinaca dugsiyada gaarka loo leeyahay ee dhaqaalaha wanaagsan siiya macalinka.

Dhinaca kale dugsiyada sare ee dawladdu waxay dugsiyada hoose/dhexe la wadaagaan waxbarashada tayo beeshay, inkasta oo lacag ardayda laga qaado, haddanna waxa meesha ka maqan kabkii iyo miisaaniyaddii dawaladda dhexe, sida aynu kor kusoo xusnay iyadnna waxay keentay in macalimiintii tayada lahaa ka dhaqaaqaan dugsiyaddan oo ay u digo-rogtaan dugsiyadda gaarka loo leeyahay ee dhaqaalaha ka roon siinaya macalinka.

Gunnaanadka iyo nuxurka nuqulku waa sidan:

Aniga oo tix-raacaya xogaha rasmiga ah ee ka turjumaya wacyiga dhabta ah ee ku xeeran  goáankii la qaatay ee ahaa  siyaasadda waxbarashada bilaashka ah, waxan  ayid-sanahay in laba arrimood oo adag mid dawaladdu doorato. Ta kowaad: In la qaato goáannada adag ee ay qaateen waddamada Africa ee innala filka ah ee tilmaamaya in miisaaniyadda qaranka loo kordhiyo waxbarashda gaarahaanna waxbarashda hoose/dhexe, ugu yaraanna la gaadhsiiyo  miisaaniyadda waxbarashada 35%  ka mid ah amiisaaniyadda guud ee qaranka, halka ay hadda ka hoosayso xogaha aynnu haynno 10%, si loo hirgeliyo in macalinka lasiiyo dhaqaale saddex-laab ka badan inta uu maata qaato, tababaro iyo kobcinta aqoontiisa oo joogto  laga dhigo, sidoo kale in la dhiso dugsiyo cusub iyo dhammaystirka kaabeyaashii waxbarasho oo dhan. Ta labaad: In dawladdu gebi ahaanba dib-uga fiirsato goáankan waxbarashada bilaashka ah, haddii  aan miisaaniyad dhaqaale oo ku filan loo qoondayn karin, taas oo keenaysa in   waalidku taageeradiisii billeha ahayd soo celiyo, Isla markaanna dawladdu jaan-goyso  dhaqaalaha ugu habboon ee bulshadu awoodi karto bixintiisa  ee dugsiyada tayadooda iyo addeegga waxbarashaduna ku noqon karo mid tayo-waxbarasho oo sugan leh oo waalidka iyo qarankuba ku naaloodo.

Talooyinka guud ee aan bixinaynnaa:

  1. Waa in dawladdu cilmi-baadheyaal madax-bannaan oo aqoon durugsan u leh  waxabarashada u  dirto siyaasaddan waxbarashada bilaashka, kuwaas, oo ka bixiya jawaab rasmiya oo lagu goáan qaadan karo.
  2. Waxa dawladda dhexe looga baahanyahay in la kordhiyo miisaaniyadda waxbarashada xaddiga ugu sareeya sida waddamada Afrika innooga muuqata.
  3. Waa in si deg-deg ah loo abuuro loona hawl-geliyo dugsigii tababarka macalimiinta ee dugsiyada hoose/ dhexe iyo sareba.
  4. Dadka ehelka u ah aqoontu waa inay furaan doodo salka ku haya cilmi-baadhisyo caalami ah oo ku wajahan xalka iyo tayaynta waxbarashada qaranka guud ahaan.
  5. Wasaaradda Waxbarashada waxa lagudboon in la soo celiyo kormeerkii iyo qiimayntii tayada iyo deegaanka waxbarasho lana sameeyaa shuruuc iyo qawaaniin lagu cabbiri karo heerka tayada.
  6. Siyaasadda waxbarashada iyo qorshaynta mustaqbalka dhaw iyo ka fogba waa in lagu goáan qaato go’aamo iyo talooyin ka yimid cilmi-baadhis iyo xoggo rasmiya oo ay sameeyaan dadka waddanka u dhashay, looma baahnna in lagu goáan qaato malaáwaallo aan deegaanka iyo dalkaba ka turjumaynin.

References

  1. (2010) Somaliland in Figures
  2. (2012) Somaliland Sector Strategic Plan 2012-2016
  3. (2013) EMIS, Statistical Year-Book 2012/2013
  4. Odoroska Miisaaniyadaha  Qaranka ee 2003 ilaa 2016 ka
  5. Moses, Odetch (2010) Free Primary Education and After Kenya: Enrolment impact, quality effects and the transition to secondary school
  6.  Abby, Riddel (2003) The introduction of free primary education in sub-Saharan Africa
  7. Fredrick, O. Ogola (2010) REE EDUCATION IN KENYA’S PUBLIC PRIMARY SCHOOLS

                                               Addressing the Challenges

  1. http://www.somalilandsun.com/images/PDF/khudbada_Miisaaniyadda_2016.pdf

—————————————————————————————————————–

 Fuad A. Obsiye

Education Specialist

Fuaad_12@hotmail.co.uk

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here