Hargeysa(Hubaal):- Salaadiin,Cuqaal iyo wax garad ka mid ah Madaxdhaqameedka Gobolka Maroodijeex ayaa sheegay in Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa ay si wanaagsan oo guud ahaan horumarinta Caasimadda Hargeysa ah in ay u shaqayso waxaanay intaa ku dareen in Maayerka iyo Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa ay si wacan uga wada shaqeeyaan horumarinta Caasimadda Hargeysa isla markaana degmooyinka Caasimadda oo dhan ay si siman wax ugu wada qabtaan. Madaxdhaqameedka degmada Axmed Dhagax ee Gobolka Maroodijeex waxaa kale oo ay meesha ka saareen in ay caasimaddu u baahan tahay laba Maayer taasoo ay hore u soo jeediyeen Madaxdhaqameed Maayerka Caasimadda eedayn u soo jeediyay.
“Waxanu Taageersannahay sida wanaagsan ee ay u shaqaynayaan Masuuliyiint Dawladda Hoose ee Hargeys iyo horumarka wanaagsan ee ay ku tallaabsadeen waxaanan taageersanahay hannaanka Maayerka kaliya iyo kuxigeenkiisa. Hadalkii xalay(Habeen hore) ee Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir hadal sax ah ayuu ahaa waanu ku taageersanahay,waxaanu maqlaynay madaxdhaqameed yidhi magaaladu laba Maayer ayay u baahan tahay waxaanu leenahay taasi wax suura gal ah maaha waa arrin dadka lagu kala qaybinayo oo xumaan abuuraya Hargeysina Maayer labaad uma baahna. Waxaanan leenahay hadalada noocaas ah ee dalka iyo dadkaba dibin daabyada ku ah halaga daayo.” Sidaa waxaa yidhi mid ka mid ah waxgaradka degmada Axmed Dhagax.
Waxaa kale oo isna halkaa ka hadlay Oday Maxamuud Aadan Gaas oo ka mid ah wax garadka iyo odayaasha Hargeya. “Waddan waliba wuxuu leeyahay Madaxweyne qudha, wuxuu leeyay wasiir qudha oo daakhiliya,caasimad kaliya ayuu leeyahay,caasimaddu maayer qudha ayay leedahay oo xukuma. Maayer ku-xigeenbay leedahay xoghaye ayay leedahay. Waa nidaam dawliya oo caalamka ka jira oo ummad waliba ku dhaqanto. Cidda tidhi caasimaddu laba Maayer ha yeelatona wax sax ah kumay hadal wax nidaam dawladeed ahna maaha waxaasi.”
Salaadiinta Cumar Suldaan Maxamed Faarax,Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi iyo Suldaan Barre Xaaji Xuseen Carraale ayaa dhmaantood hoosta ka xariiqay in ay qalad tahay in caadimadda la yidhaahdo laba Maayer ha loo sameeyo taasoo ay ku sheegeen in ay dadka kala qaybinayso. Ugu horrayn Suldaan Barre oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa hadaladiisii ka mid ahaa.
“Madaxweynaha Somaliland nin aanu ku doorsanaynaa ma jiro,Daakhiliga cid aanu ku doorsanaynaa ma jirto Dawladda Hoose inamada dhalinyarada ah ee noo jooga cid aanu ku doorsanaynaa ma jirto si wanaagsan ayay wax u wadaan cid aanu ku doorsanaynaana ma jirro dawladda maanta talada dalka haysa hadday mid sare tahay iyo hadday mid hoose tahayba.”ayuu yidhi Suldaan Barre.
Suldaan Xuseen ayaa isna intaa ku daray. “ Xubnaha fulinta ee Dawladda Hoose sida Maayerka,Maayer ku-xigeenka iyo Xoghayaha waa nima aanu u hayno ixtiraam fara badan waa niman shaqadooda ka adag sida aanu u aragno waa niman aanu ku qiimaynayno siday bulshada ula nool yihiin,ninka leh caasimadda haloo sameeyo laba Maayer waa nin doonaya nabad gelyo darro oo shacabka Somaliland khal khal galinaya.”
Ugu dambayn waxaa shirkaa jaraa,id ee salaadiinta iyo waxgaradka soo gunaanaday Suldaan Cumar Suldaan Maxamed waxaana hadaladiisii ka kid ahaa. “Magaaladan Hargeysa waa magaalo ninka lugeeyaa uu afarta jehoba lug kaga bixi karayo,caasimado waawayn oo dunida ku yaalla oo maalin dhan galinkeed la socdo ayaa Maayer qudha leh,magaaladan qofka lugeeyaa isaga wada gudbi karayo Maayero badan haloo sameeyo wax suuraga maaha wax qof wanaag wadaa uu ku taliyona maaha,waxaana la yidhi hadday kuugtu badato Maraqa ayaa xumaadda.” Hadalka salaadiinta iyo waxgaradka Degmada Axmed Dhagax ayaa jawaab u ahaa hadalo hore uga soo yeedhay qaar ka mid ah madaxdhaqameedka Hargeysa oo soo jeediyay in caasimadda loo sameeyo Maayero badan.