Waxgaradka Deegaannada Gobollada Bari Ee Dalka Oo Dareen Taban Ka Bixiyey  Amarkii Ay Xukuumaddu Shaqada Kaga Joojisay Hay’adda Wadaniga ah Ee HIMILO

0
69

 

 

Hargeysa (Hubaal)- Qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan gobollada bari ee Somaliland  gaar ahaanna gobollada Sool,Sanaag, Xaysimo iyo qaybo kamid ah gobolka Togdheer ayaa dareen taban ka muujiyey tallaabadii ay dhawaan wasaaradda horumarinta beeruhu  shaqadakaga joojisay hay’ada  wadaniga ah  HIMILo Oo  kamid ahayd sagaal hay’adood oo  Mashaariic horumarineed ka fulin jiray deegaamo ka tirsan gobollada bari .  Kadib markii ay badhtamihii bishan aynu ku jirno ay wasaaradda horumarinta beeruhu  amar shaqo kajoojin ah ku samaysay  HIMILO NGO oo ay wasaaraddu ku eedaysay in aanay waxba kala socon mashaariicda horumarinneed ee ay dalka ka wado isla markaana ay dacwad ka dhan ah u gudbisay xeer ilaalinta Somaliland, waxaa hakad ku yimi hawlihii samafal ee ay hay’adan wadaniga ahi ka wadeen dalka,  gaar ahaanna    mashaariicdii biyo soo saar iyo horumarin bulsho ee ka fulin jiray deegaannada Xudur, Taleex, Laascaannood, iyo guud ahaan degmooyinka gobollada Sanaag, Sool; iyo xaysimo, waxaana warar uu wargeyska HUBAAL helay tibaaxeen in dhawrkii maalmood ee u dembeeyey ay jireen guux iyo kacdoon ka dhan ah shaqo ka joojinta hay’aadihii wadaniga ahaa ee halkaas  ka shaqayn jiray ooay  odayaasha, waxgaradka,indheer garadka, aqoonyahanka iyo dhalinyarada deegaannadaasi ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin  hakadkaas, waxaanay xukuumadda Somaliland ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Biixi ugu baaqeen in uu wax ka qabto amarka deegaannadooda lagaga joojiyey waxqabadkii ay ururradani ugu tabo rucijireen.

Sida laga warqabo  agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland,   Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), ayaa   badhtamihii bishan sheegay  in  wasaaradoodu ay gebi ahaanba shaqadii ay ka wadeen deegaamo ka mid ah Somaliland laga joojiyay Sagaal NGOs, amarkaas oo  uuku tilmaamay  mid qayb ka ah meel marinta qorshihii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee xukuumadda cusub. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa go’ aanka shaqa joojinta ee Hay’addahaa u gudbiyay Hay’addaha ay khusayso, kadib markii sida lagu sheegay nuqul ka mid ah Qoraalka qiimayn lagu sameeyay mashaariicda ay fuliyaan Hay’addahaa oo lagu ogaaday in hawlaha mashaariicda ay ka wadaan deegaamadaa aanay ahayn kuwo ay ku qanceen Wasaarad ahaan, Isla markaana ay cadaatay markii baadhitaan Iyo qiimaynta lagu sameeyay  ay yihiin dhammaan hay’addaha shaqada laga joojiyay kuwo aan dawali ahayn oo laga leeyahay Soomaaliya. Waxayna Wasaaraddu artntaa ku war gelisay Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Iyo Xeer Ilaalinta Qaranka Iyo Hay’addaha siiya mashaariica ee wada shaqaynta la leh, iyadoo Wasaaradda Beeraha Somaliland ka duulaysa qorshaha xukuumadda cusub ee qiimaynta Hay’addaha dalka ee wada shaqaynta la leh Iyo mashaariicda ay dalka ka fuliyaan.

Magacyada NGOs laga joojiyay shaqada ayaa kala ah. ADA, APD. juba Foundtion. RAADO, SOLO, SORRIO, SRDA, ARD, HOD. Dhinca kale, NGOs, laga joojiyay, ayaa ka hawlgala deegaamo gaar ah oo ka tirsan gobolada Awdal, Sanaag, Sool, Tigdheer, Saaxil, Maroodi-jeex, waxayna ka fuliyaan meelo kooban oo ka mid deegaamadaa Mashaariic kooban, kuwaas oo loo arkay in ay khatar ku yihiin nabadgelyada Iyo jiritaanka Qaranimada Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here