Waxqabadka Aqoonneed Ee Jaamacadaha Somaliland Iyo Takhasusaadka Kulliyadahooda Loo Lasoo Bandhigay

0
67

Wasaaradda Waxbarashada Oo Jaamacadaha Dalka U Samaysay Carwo Ay Ku Soo Bandhigaan Waxqabadkooda Aqooneed Iyo Kulliyadaha Ay Bixiyaan

Hargeysa (Hubaal) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa furay Carwadii Saddexaad ee Bandhigga Jaamacadaha ku yaalla Somaliland, taasi oo lagu qabtay Huteelka Guuleed ee Caasimadda Hargeysa.

Carwadan oo Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland ugu talo-gashay in Jaamacadaha Dalku soo bandhigaan Kulliyadaha ama Takhasusaadka ay bixiyaan, tayadooda iyo weliba adeegyada Waxbarashada Sare u sahlaya Ardayga, ayaa waxa ka qayb-galay 32 Jaamacadood oo ku kala yaalla Gobollada Somaliland, kuwaasi oo qaarkood laga leeyahay Dalalka Afrika, laakiin Qaybo ka mid ah ka furtay Somaliland, markii Wasaaradda Waxbarashadu siisay ogolaansho.

Bandhigga Carwada Jaamacadaha Somaliland oo Kulliyadaha Jaamacaduhu ku soo bandhigeen ka sakow, laga soo jeediyey Daraasado lagu sameeyay Nolosha Qoysaska reer Somaliland qaarkood, ayaa waxa furitaankii waxa ka qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi-dheere), Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Agaasimaha Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha Dalka, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga, Masuuliyiin ka socday Hay’adaha Waxbarashada daneeya, Ardayda Sannadkan ka baxaya dugsiyada sare oo la doonaya inay Bandhiggan wax kaga ogaadaan Takhasusaadka Jaamacadaha Dalku bixiyaan si ay u kala doortaan iyo weliba Dadweyne kale oo tiro badnaa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland oo ugu horeyn halkaa ka hadlay, ayaa ka war-bixiyey Ujeeddada Bandhigga Carwada ee Jaamacadaha Somaliland, waxaanu Agaasimuhu sheegay in loogu tal-galay in Jaamacaduhu soo bandhigaan aqoonta ay bixiyaan iyo doorka ay Dadka iyo Dalka ugu jiraan.

Agaasimaha Guud, wuxuu sheegay in Jaamacaddi ugu horeysay ee Somaliland laga aasaasay ahayd Sagaashamaadkii ay ahayd Jaamacadda Camuud ee Magaalada Boorama, ilaa wakhtigaana Somaliland yeelatay 32 Jaamacadood, muddadaana ay ka aflaxeen arday ka badan 50 kun, kuwaasi oo bartay Kulliyadaha Maamulka Ganacsigu ka mid yahay. Agaasimaha ayaa intaa ku daray in Jaamacadaha looga baahan yahay inay kor u qaadaan Tayada Tacliinta sare ee ay Ardayda siiyaan, si Dadka Jaamacadaha ka soo baxaa u noqdaan kuwo Dadkooda iyo Dalkoodaba anfaca.

Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof Saleebaan Axmed Guuleed oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in Jaamacadaha Dalku ku faraxsan yihiin isla-markaana Wasaaradda Waxbarashada uga Mahad-celinayaan Qabashada Bandhigga Jaamacadaha.

Guddoomiyaha oo ka hadlayey Aqoonta Ardayda Jaamacadaha ka soo baxa sida loo hagaajin karo, ayaa Wasaaradda Waxbarashada ka codsaday in culays la saaro Waxbarashada Dugsiyada ay ka soo baxaan Ardayda Jaamacadaha gala, maaddaama buu yidhi Aqoonta uu Ardaygu kala yimaaddo Dugsiyada Hoose/dhexe iyo Sare ka muuqaneyso Ardaygu markuu Jaamacadda galo.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi-dheere) oo isaguna halkaa ka jeediyey Hadal dheer oo ku saabsanaa Ujeeddada Bandhigga Carwada Jaamacadaha Dalka, ayaa sheegay inay Wasaarad ahaan diyaar u yihiin in kor loo qaado tayada Waxbarashada Dalka, siiba Dugsiyada oo Aabo u ah Jaamacadaha.

“Carwadan ay Jaamacadaha aanu kala qayb-galeyno waxay Jaamacaduhu ku soo bandhigayaan waxyaabaha ay qabtaan inay Ardaydu Ogaadaan, innaguna aynu ogaano halka ay ku sugan yihiin Jaamacaduhu (Tacliin ahaan), waxay hayaan iyo waxa ka dhiman.” Ayuu yidhi, Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo intaa ku daray isagoo ka hadlaya Waxbarashada Somaliland, “Waa Run oo Waxbarashadu waa aasaaska Nolosha, Dal walba wuxuu horumarkiisu ku xidhan yahay siduu Waxbarashada u xoojiyo ee uu Awoodda dhaqaalahiisa u huro.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay, “Isbeddello badan baynu soo marnay, Maanta halka aynu mareynaana waa meel ILAAHAY loogu Mahad-naqo. Laakiin ilaa Macalin Tababbaran aynu helo oo dhaqaalaha loo huro Tayada Waxbarashadu way Wagash-Wagashleynaysaa, haddana waxaanu leenahay si aynu Ujeeddadeena u gaadhno Hoostana aynu ka soo dhisno Waxbarashada, Dushana aynu ka soo celino.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Wasaaradda Waxbarashadu bilaabayso dhismaha Kulliyadda Waxbarashada Macalimiinta oo qayb ka ah dedaallada kor loogu qaadayo Tayada Waxbarashada Somaliland, “Waxaanu Toddobaadkan bilaabaynaa dhismaha Kulliyadda Waxbarashada Macalimiinta, taasina waxa loo samaynayaa in Macalimiintu aqoontooda kordhin karaan, sidii awalba ahayd in Saddexdii Sannadoodba mar laga qaado Imtixaan (Macalimiinta) oo Qofkii gudbaa Shahaadada Digriiga qaadanayey, si Digriiga loo gaadhsiiyo Shahaadada Masterta.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay, “Markaanu nidhi Fasalka 1-aad illaa fasalka 8-aad waxa lagu dhigayaa Af-Soomaali, Dugsiyada Sare-na Ama Af-Ingiriisi ha ku dhigo ama Af-carabi ujeeddadayadu waxa weeyaan, da’yartu waxay wax ku fahmayaan Afkooda Hooyo, ta kalena waxaanu ugu talo-galnay inaanu ka wada-hadallo Ragga Dugsiyada gaarka ah leh.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Walaalayaal noqon mayno boqol Dawladood, Dawlad keliya ayaynu nahay oo Hal Manhaj baynu yeelanaynaa.”

Gabogabadii waxa Munaasibaddaasi furay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan-Saylici, “Farxad bay dhammaanteen inoo tahay inaynu ka qayb-galno Carwadii 3-aad ee Jaamaacadaha Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanu Carwadan ku Hambalyeynaynaa Wasaaradda Waxbarashada oo soo qaban-qaabisay si ay Jaamacaduhu ugu soo bandhigaan Kulliyadaha ay dhigaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Qabashada Carwadani waxay daaran tahay in Jaamacaduhu soo bandhigaan Waxqabadkooda aqooneed, Tayo ahaan iyo Kulliyadaha kala duwan ee ay Ardayda u hayaan, si Ardayda iyo Ciddii kaleba halkaa uga aragto Jaamacadda ay Aayaheeda ku aamineyso ee Nafteeda iyo Dalkaba wax u tareys.”

Bandhigga Carwadan oo Laba Maalmood socotay, ayaa Xalay la soo Gabogabeeyay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here