WEEDHA WARGEYSKA: “Bal Dayaay Ayaamuhu, Isku Derejo Maahee, Allahayow Nin Daacada, Allahayow Nin Daalina, Deeqdaada Haw Simin”

0
40

Dalabyo Ay Madaxweyne Muuse Iyo Macalinkiisii Uu Talada Kala Wareegay Hordhigeen Dawlada UAE Oo Noqday KAAF & KALA DHEERI

Axmed-sillaanyo Waxa Uu DP WORLD  Ka Codsaday In Guri Looga Dhiso Dubai,  Halka Uu Muuse Biixi Door-biday In Dalka Somaliland & Dadkiisa Wax Loo Qabto

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa muddadii uu safarka ku joogay wadanka imaaraadka carabta waxa uu hor dhigay dalabaad khuseeya danaha shacabka Somaliland. madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo mudadii koobnayd ee uu talada dalka hayey lagu amaanay talaabooyinka uu u qaaday dhinaca danta guud ee dalka ayaa dawlada imaaraadka kala hadlay qodobo la xidhiidha danaha somaliland oo kaliya isla markaana aan laga dhex akhrisan Karin dano isaga u gaar ah oo uu dhex marsaday heshiisyada ay wada gaadheen wadanka UAE. Madaxweyne Muuse Biixi iyo weftigiisa ayaa kulamadii ay la qaateen madaxda dawlada Imaaraadka ku hor dhigay dalabaad khuseeya danaha guud ee qaranka, kuwaas oo ay ka mid yihiin in dawlada imaaraadku ogolaato in baasaaboorka somaliland lagu tagi karo, inay dawlada Sucuudiga ee ay xulafada yihiin kala hadlaan sidii loo furi lahaa xoolaha somaliland iyo sidoo kale in dawlada UAE laftirkeedu ay iibsato xoolaha Somaliland. Dawlada Imaaraadka oo dareensan muhiimada uu madaxweyne Muuse Biixi iyo weftiga la socdaa ay siinayaan danaha guud ee qarankooda ayaa dalabaadkaas kaga jawaabtay inay ogolaato baasaaboorka somaliland, iibsashada xoolaha iyo wada hadal ay dawlada Sucuudiga kala gasho xoolaha somaliland, iyada oo talaabooyinkaasi ay dhamaantood taabanayaan shacabka isla markaana ay yihiin guul u soo hoyatay qaranka oo dhan. Safarka madaxweyne Muuse Biixi uu ku tagay wadanka Imaaraadka ayaa waxa ka soo baxay in si mug leh loo dhugto faraqa u dhaxeeya dalabaadka uu haatan hor dhigay dawlada imaaraadka iyo kuwii uu hor dhigi jiray madaxweynihii ka horeeyey ee Axmed Siilaanyo. Madaxweynihii hore ee somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa lagu dhaliilay in mudadii ay socdeen heshiisyada dekeda Berbera iyo saldhigu inuu dawlada imaaraadka kala hadlay dano isaga gaar u ah oo uu ka horaysiiyey kuwii qaranka, kuwaas oo ay ugu mudnayd dhisitaanka guriga uu haatan ka dagan yahay wadankaasi oo uu dawlada UAE ka codsaday inay u dhisaan, halka madaxweynihii talada kala wareegay ee Muuse Biixi uu daba gal ku sameeyey mashaariicdii khusaynayey danaha somaliland ee ku jiray heshiisyada isla markaana dawlada Imaaraadka cadaadis ku saaray inay wax ka bedal ku sameeyaan heshiiska saldhiga oo uu ka dhex arki waayey danaha qaranka uu masuulka ka yahay. Sida uu dhawaan Ay baahiyeen qaar kamid ah wargeysyada madaxa banaan ee dalka ka soo baxayaa   madaxweyne Siilaanyo ayaa la weriyey in uu dawlada imaaraadka ka dalbaday inay guri uga dhisaan wadankaas mudadii ay socdeen heshiisyada dekeda iyo saldhigu, halka madaxweyne Muuse Biixi aanu wax dalab ah oo shakhsi ah u gudbin dawlada imaaraadka, isaga oo mar kasta kala hadlayey wixii danta qaranka somaliland ku jirto. Sidoo kale madaxweynihii hore ee somaliland Axmed Siilaanyo iyo xukuumadiisa ayaa si weyn caan ugu ahaa lacagaha xaqul qalinka ah oo ay waydiisan jireen dawlada imaaraadka ee ay heshiisyada wada gaadheen, halka madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisu aanay marna miiska soo dhigin wax xaqul qalin ah oo ay dhaafsadaan heshiisyada dib loo cusboonaysiiyey isla markaana wax ka badalka lagu sameeyey. Kala Fogaanshaha labada mawqif ee madaxweyne Muuse Biixi Iyo Macalinkiisii Siyaasadda kusoo jara-baray [Axmed-siilaanyo] ayaa walaw waqtigu u kala hiiliyey waxaa haddana ay ra’yul-caamka bulshada iyo dadka u dhuun daloola dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee mandaqaddu waxaa ay ku tilmaameen in uu muujinayo sida ay labada hoggaamiyo ugu kala lexejeclo badan yihiin qarankan rubuc qarniga iyo dheeraadka ka go’doonsanaa caalamka. Sidaasi oo ay tahay ayaa qalinku  isaga oo ka shidaal qaadanaya maahmaahda tidhaahda ‘raganimo dantaa moogni bay ku jirtaa’ waxaa uu qormadan ee Weedha wargeyska ku cabirayaa   murti ku habboon in maanta la isu sheego taasoo ku jirtay  riwaayad  ay 1972-kii  koox   hormuud ka ahayd carinta maskaxda dadwaynuhu  hal abuureen,  waa riwaayaddii caan baxday ee “Aqoon iyo Aſgarad”   oo runtii noqotay mid wax wayn ka beddeshay habkii masrixiyadda loo dhigi jirey. Meerisyadaasi waxay  kamid ahaayeen hees tallantaali ah oo ku jirtay riwaayadda oo ay ku luuqaynayeen Alla ha u naxariistee fanaankii mujaahidka ahaa ee Maxamed Mooge Liibaan iyo Fanaannada codka toolmoon ee Shankaroon Axmed Yuusuf Sagal, waa heesta magaceedu yahay Digarogasho, dadka badankooduna u yaqaannaan ‘’Allahayoow nin daacad”. Midhaha heestani waxay nuxur ahaan ka turjumaysaa xaallad riyo ah oo saadaalinaysa kadeed bulshadu kala kulantay xukunxumo  ay hoggaankooda kala kulmeen, nasiib wanaagse farxadika dambayn doonto  aakhirkana   dulmiga iyo mugdiga   lagu diganayo.   Qaybta inanku heesta ka qaadanayo, wuxuu sheeganayaa dedaalka iyo hawlaha uu u soo galay guusha  dadab-galka. Halka ay  Inantuna  uriyaaqsantahay  dhibkastoo ay soo mudatayna ku ilaawayso   farxadda ay habeenkaasi ku hanatay  hoggaanka nafteeda.  Waxay leedahay wadajir, karti iyo dedaal baa gobannimo daryeela oo ay ku xasishaa.

Inanka:

Jidhku wuxuu dubaaxshaa,

Damqadaa halbowluhu,

Xididdadu darrooraan,

Ama dhiigga daadshaan,

Afku hadalka daayaa,

Dibnihiisa haystaa,

Doqon kaa nasiib lihi,

Marka ay ku dooxdee,

Birta kaala daashee,

kuu celiso daabkee;

Waxay doodi furan tahay,

Ruux kuu darraan jirey,

Marka aad ku digatee,

Xaqu kuu dulleeyee:

Allahayow nin daacad ah

Allahayow nin daalina

Deeqdaada haw simin

Inanta:

Iyadoo la degayoo,

Carradii la duubiyo,

Degelkii la taagoo,

Dadku caafimaadoo,

Rabbigay daweeyoo,

Danbar laga waraabshaa,

Dedki layga qaadoo,

Dabku ii iftiimee,

Indhihii dillaacee,

Laga furay daboolkaa,

Dooggiyo barwaaqada,

Farxad daawanaayee,

Bal dayaay ayaamuhu,

Isku derejo maahee:

Allahayow nin daacada,

Allahayow nin daalina,

Deeqdaada haw simin

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here