WEEDHA WARGEYSKA: “Biyo Sara-tegey Waa La Sugayaa!!!!!”

0
83

weedha-wargeyska

Awoodaha Qarsoodiga Ah Ee Is-dhaafka U Laxaamaddan+Bun-tirsiga Ergooyinka Weji-ku-macaashka Ah+Qeylo-doonka Jabuuti Gaadhay: WADDANI Oo Aayihiisu Sidaha Xuubka Caarada  Sudhan yahay

Khubarrada Caalamka ee looga dembeeyo culuumta Siyaasadda iyo falanqaynta gedgadoonkeedu waxaa ay  farta ku fiiqaan mar kasta in ay jiraan isbeddello aan la saadaalin karin oo xilliyada qaar  u kala hiilliya jileyaasha ku  hirdamaya saaxadda siyaasadda. Si kale haddii loo dhigo waxaa la yidhaahdaa  siyaasaddu waxa ay leedahay hiil   iyo garab siin aan ku talo-gal ahayn  oo  mararka qaar  faraj cirkasoo dhac ah u noqda qofka, isaga oo aan markaas haabka ku haysan wax  rejo iyo riyo midna ah oo u hiilliya.

Mararka qaarna wax aad mooddo guul iyo wannaag kuu soo kordhay, oo aad kuu farxad galiyey ayaa si dhakhso ah dab kuugu hindhisi kara adiga oo aan filleyn.

Siyaasiyiinta war-wareega  badan ee  sahanka nolosha ku jira ee maalinba mid ku biira xisbiyada Somaliland kama warqabaan siyaasaddu in ay leedahay gad-gaddoonka noocan ah.

Haddii ay sidaa u fahamsan yihiin waxa dhici lahayd in siyaasigu qorshe iyo mabaadii xilkasnimo leh ku shaqayn lahaa. Mabaadiidaa ayaa guul u noqon lahayd oo siin lahayd fursadda uu u baahan yahay oo magac wanaagsan wata. Hadda se halkii ay mabda ku wadi lahaayeen siyaasadda ayey beddelkeeda munaafaqad dheef raadis ah hadba meel u waariddayaan. Waxa ay ka dhaxlayaan waa magac xumo iyo rajo-beel aan waaqsi lahayn.

Haddii aynu u soo noqono dulucda qormadeenna Weedha Wargeyska HUBAAL ee maanta oo aynu ku eegi doono Xaallada Siyaasaddeed ee dalku ku jiro haatan, gaar ahaana gedgedoonka siyaasadeed ee ku gedaaman shirka golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI oo maanta lagu wado in lagu doorto musharraxiinta xisbigaas u metelaya doorashooyinka madaxtooyada, waxaa natiijada maanta soo baxdaa ay qabyo tir ama qallooc  mid ahaan  u noqon doontaa ciyaarta siyaasadeed ee xisbigu isu diyaarinayo in ay la wadaagaan labada xisbi ee kale gaar ahaanna xisbiga KULMIYE.  Shirka saaka ee golaha dhexe ee xisbiga WADDANI ku yeellan doono Hotelka Ambassador ee magaallada Hargeysa ayaa ergooyinku ku dooran doonaan Musharraxa Madaxweynaha ee xisbigaas uga qayb galaya doorashada madaxtooyada oo uu u sharraxan yahay  guddoomiyaha kursiga guddoominta wareejiyey ee xisbigaas Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo isagu ku keliyaysanaya codka lagu qaadayo, waxaase uu gacanta bidix ku wataa oo uu daadahaysanayaa Musharrax Maxamed Cali Cabdi oo uu u wato in uu madaxweyne ku xigeen u noqda. Kursiga ku xigeenka  oo uu hore ugu sharraxnaa guddoomiye ku xigeenka xisbigaas Md. Axmed Muumin Seed oo ka mid ahaa aasaaseyaashii WADDANI ayaa Md. Cirro ka badheedhay hankiisa isagoo si cad u sheegay in uu cidla kaga dhaqaaqayo ninkii halganka adag la soo maray isla markaana aasaaskii WADDANI kaalinta buuxda ku lahaa. Musharraxa Uu Cirro  u wato ku xigeenkiisa oo ah dublamaasi qurbejooga h oo ka soo ciyaar guday wadanka Maraykanka isaga oo ay faraqa ugu guntan tahay lacagta xooggeedii ayaa guddoomiye Cirro iyo badiba musdambeedka xisbigu u arkaan in uu yahay nin cod iyo cududba ka shilis Axmed Muumin Seed.

Liiska madasha shirka golaha dhexe ka dhacayo yaalla, ayaa waxa ku qoran 251-xubnood oo golaha dhexe ee xisbigaasi ka kooban yahay, balse xubnaha tirada ee cusub, ayaa ah qaar qayrr-sharci ah oo looga gol leeyahay in lagu shirqoolo murrashax Axmed Muumin Seed oo awood baaxad leh madasha la yimi, balse tallaabada xubnaha cusub golaha dhexe loogu sheegayo, ayaa ka hor imanaysa xeerarka iyo shuruucda xisbiga, waxana ay wiiqaysaa dimuqraaddiyadda iyo hannaanka kala saariseed ee murrashixiinta xisbiga. Si qorshaha lagu sadqaynayo Axmed Muumin Seed U Hirgalo waxaa uu hoggaanka Xisbigu muhiim u arkay dhawr arrimood midkooda, waa ta koowaade in la kordhisto xubnaha golaha dhexe oo rasmi ahaan hore u ahaa 251 xubnood, hase yeeshee iyaga iyo allahoode la sheegay in madasha saaka la keeni doono dad ka badan inta qoran, kuwaas oo ku dhaw 400, kuwaas oo loogu talo galay in la fadhiiso madasha doorashada si ay u    wiiqaan cududa Axmed Muumin Seed oo isagu sharci ahaan xubnaha rasmiga ah taageero badan ka haysta.

 Warar aan la xaqiijinoo kale oo labadii caano maal ee lasoo dhaafay aanu  helnay ayaa tibaaxay in Axmed Muumin Seed oo qudhiisu dareensan in kaadirka murrshaxnimadiisa sida weyn uga soo horjeeda ee xisbigiisu abaabulayaan uu qaylo doon gudo iyo dibadba ah u dirsaday taageerayaashiisa siyaasadeed oo ay ku jiraan dawlado jaarka ah oo musdambeed uu ku tiirsan yahay kana talo qaato. Kasokow shirar iyo kulan doceedyo aan kala joogsi lahayn oo Hargeysa  uu Mr Seed kula yeellanayay taageerayaashii  ayaa weerar cir iyo dhulba ah waxaa ay ku raacdeeyeen ergooyinka golaha dhexe ee aanu hubin inay codka siinayaan kuwaas oo wixii uu calaf ka siiyaba ay is dhaafsadeen ballan-qaadyo siyaasadeed halka uu qaarkoodna baayacay fartooda.

Dhinaca kale Wasiirkii hore ee waxbarashada Prof. Faarax Cilmi Maxamuud Geeddoole oo kamid ahaa garabkii KULMIYE ee dhawaan ku biiray xisbigaasi WADDANI isla markaana ay jufo kasoo wada jeedaan Musharrax Axmed Muumin Seed ayaa la sheegay in uu shalay u duullay dhinaca wadanka Djibouti isaga oo ka wakiil ah Mr. Seed, halkaas oo iluhu  sheegeen in uu qeylo doon ka dhan ah muquuninta hoggaanka WADDANI ugu awood sheeganayo Musharrax Seed gaadhsiinayo dawladda wadanka Jabuuti oo  kamid ah meelaha lagu xanto in uu dabada ku hayo Musharraxani isla markaana uu taageerada ka haysto. Lama oga  ujeedada rasmiga ah ee socdaalka Mr. Geedoolle hase yeeshee warku waxaa uu tibaaxay in uu shalay si kedis ah uga dhoofay dalka isaga oo u kicitimay magaallada Jabuuti.  Khubarada saadaalinaysa isbedellada siyaasadeed ee xisbigan shan jirsaday ayaan iyagu ku niyad samayn halka uu ku dembeyn doono aayihiisu. Iyaga oo ka walwalsan khidadaha ka baxsan sharciga oo marleyba ku dembeyn doona dambar aanu xisbigu ku farxi doonin

 Jewiga iyo saadaasha siyaasadeed ee xisbiga WADDANI soo waajahay ayaa macnahooda lagaga dhadhansan karaa dulucda murtidii ay xambaarsanayd riwaayaddii caan baxday ee la odhan jiray ‘Biyo-sara-tagay waa la sugayaa’, taas oo alla ha u naxariistee uu toddobaatameeyadii curiyey abwaankii reer Somaliland ee Cabdillaahi Diiriye Cali (Sooraan).   Sidaas darteed farriinteena maanta ee Weedha Wargeyskuna waxaa dulucda murtida riwaayadaas ku masaynaysaa xaallada uu xisbiga WADDANI ku jiro oo Si kastoo ay tahayba aynu dhawri doono halka uu arrinkiisu ku dambeeyo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here