Falanqeynta Qalinka:
Xildhibaankan oo ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaan la garanayn ujeedada uu ka leeyahay hadalada noocan ah ee uu ku durayo guddoomiyaha UCID, hase yeeshee dadka aqoonta u leh ayaa ku tilmaamay in uu ku dayoobay wacyiga siyaasaddeed ee xiligan lagu jiro, isla markaana si uu ula jaanqaado iyo dariiq uu u maro hoggaaminta madaxweyne Muuse food saaro uga dhiganayo. Waxaanu se xasuusnayn, in qofka uu sidan u caayayaa kamid yahay halyeeyada magaca ku leh qarankan, ee uu xataa madaxweynuhu ka marag kacay maamuuskooda. Bal akhriste adiga laftaadu, haddii aad dhageysatay ama aad akhriday amaba aad daawatay, khudbadii madaxweyne Muuse jeediyay Saddexdii bishan oo ku beegnayd xuskii ciidanka qaranka JSL, waxaa uu ka marag kacay miisaanka ay qarankan ku leeyihiin, isagoo ku tilmaamay inay hoggaamiyeyaasha asxaabtu yihiin halyeeyo qaranka abaal ku leh.
Ugu dambeyn, ku tiigaali mayno, haseyeeshee aynu milicsano sooyaalka Mr. Blaaki oo kamid ahaa siyaasiyintii dagaalka culus la galay, isla markaana la safnaa, garabkii ka falaagoobay xukuumadda ee inqilaabku ka fashilmay ee ay hoggaaminayeen Xirsi iyo Maxamed Biixi, kuwaas oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii aanu Muuse Biixi u hananlahayn musharraxnimada xisbiga Kulmiye, ayaa markii ay guusho soo iftay, ee madaxweyne Muuse hantay shacbiyada badan, waxa uu isusoo dhiibay, hoggaanka KULMIYE, isagoo ku cataabay inuu taageeri doono, isla markaana kamid noqon doono kaadiriinta xisbiga ee codka ka keeni doonta deegaankiisa.
Sikastooy tahayba, weedhahan qadafka ah ee kasoo yeedhay mudanahan sanqadhu u baxday, waxa ay ka dhigan tahay, murtidii ahayd; {nin ambaday halkuu maray wey ula’ekoonaatay.}
Waxa kale oo aynu odhan karnaa, wuxuu ku sifoobay maansadii uu AHU Cabdi Iidaan Deelleeyda kaga qayb galay ee ahayd;
“Dibigii Xareeddiyo
Dooxadu u buuxdee
Dinaahyeeyey ee ciyey
Isagiyo dibbiradii
Duuluulka Karantiyo
Dayrtiyo Jidhaamaha
Dareenkiisu kama foga
Lo’eey dabargo’aagii
Dabadheer abaartii
dariiqyada wadhnaantii
Dawyada tubnaantii
Dabadeed dhulka u dhow
Duunyada u tabar-daran
Dumar seben barwaaqa ah
Subag kaa dudduuciyo
Nacasbaan ku deynine
Kaa durug nin fiicani
Afartaa dheh deelley
Dadkaa lagu habaaraa
Ducona waa u dhawdahay
Alla Ku Doori waa maxay
Daad kor u socdaa jira
Durdur oomay baa jira
Dabar waashay baa jira
Dameeraaba Weyl dhalay
Sacab timo ma laga deyey
Duqdi nirigti kama gudhin
Isku dununuc reentee
Daawad Gorofka yaw culay
Suaashaasi dawga ah
Danyar cabashadeeda ah
Dulmanaha warkiisa ah
Kacaankana Dansheegiyo
Dawya u tilmaanka ah
Duqu yidhi abwaannada
Dareenkiina soo dhiga
Diqsi ururay baad tiin
Nin deggani ma odhan karo
Duuflaalse mooyaan
Dirxiguba dantiisuu
Qudhunka u dabbaashaa
Waxa taa la derejo ah
ninka soorta duufka ah
dadku nacay isagu cunay
dardarsaday Fandhaallada
Anigaa dushaydiyo
warma danana iyo seef
Dunjigayga lala dhacay
Doofaarka ficil li’i
Naar loogu daayimi
Horta maan dagaallamo
Duqa yidhi ma maqasheen
Dul-ka-muummin baa tahay
Uur-ka-Daallin baa tahay
Dibno Kacaana baa tahay
Isha bidixna kuu daban
Dalba-Juuqahaaguna
Wax la dedo ka xeel dheer
Allow yaa ku dooxoo
Haddana aan ku dilinoo
Waxaad damacsantee kale
Debedda ula soo baxa
Afartaa dheh Deelleey
Dabray oo ka jeedladay
waxan uga danlee yahay
Dadka reer Jaboutee
Dawladnimada tooda ah
Cidna aan iskaga darin
Waa deris walaalkaya
Dugsi weeye gacalnimo
Anigu waan ku diirsaday
Lama dira-diraalayn
Ha daardaarin waa gobe
Aniguna ma diidani
Dugaagbaa ku shiray meel
Daawana way lahaayeen
Hal dubaaxa buu helay
Waraabii dedaalkiyo
Duqa weyn isaga buri
Darribtii u wada dhigay
Waa kii Dawrigii Aar
Ku dellaley dharbaxada
Inuu dilose ma ahayn
Wuxu yidhi Dayooy hee
Adna Dogob qaroomee
Isku wada darsay tidhi
Wuxu yidhi Dayooy yaa
Daacadnimada kuu dhigay
Dacawadi waxay tidhi
isha Cali ninkii deyey
Digniin wawgu filan tahay
Dibna leef shariir hoo
Dufan jecel dheryaha kari
Diktoor beena sheegtiyo
Afarrey ku daahiyo
Mid Ammaana doontiyo
Dir-cunnooy ha kala tegin
Adiguna Dameeroow
Dawankaaga qaadoo
Higso faraska Doolaal
Dani seeto weeyee
Daba soco ma gaadhide
Haddii gabayadii Dura
Salfudaydka lagu daray
Degdegsiinyo weeyee
Mid ka daran ma sheegnaa
Darbanoow Astaadkii
Seyidkii Daraawiish
Kula diriray gaalada
Dar Allee habaarkii
Labaduu is daba dhigay
Dalka yidhi idiin tali
bal darmay ahaayeen
Anuu daaha kama rogin
dadkuse waa yaqaannaa
Dabbaal barad caruuriyo
Dhalinyaradu daashaye
kolka daan-cirrooliyo
Raga madaxu Deeb yahay
Dirirta isu soo hadho
Warku daaqsin geel tago
Ninba maaxdi haw dego.