WEEDHA WARGEYSKA: Dundumo Bal Aboor Kamaydh!

0
64

Alla Maganne, Guddoomiye Cirro Waxa uu gorgortan geliyey Qaranimadda JSL, Dooddiisuna Waa Dhuxul Dambas Huwan

Hubaal-Logo1

Taariikhda waxa loo geliyaa diiwaannada keydka si berri ka maalin loo raad-raaco, loogana faa’iideysto dhacdooyinka dembe ee la midka ah,isla markaana ay wax ka bartaan jiilalka dembe, si ay wax uga ogaadaan dhacdooyinka taariikheed ee hore. Waxa kale oo xusid mudan, in aanay weligeed ka dhicin dunida cid loola badheedhay inay wax ka beddelaan ama tirtiraan qeybo ka mid ah taariikhdooda, marka laga reebo Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Guddoomiyaha Xisbiga Waddani,ahna Murashaxa u tartamaya jagada Madaxweynaha,ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane C/raxmaan Cirro uu meel fagaare ah kaga dhawaaqay in Xuska 18ka May tahay mid laga gorgortami karo, hadda waa maalintii Burco iyadoo ay isku dhan yihiin beelaha Jamhuuriyadda Somaliland sida wada jirka ugu dhawaaqeen la soo noqoshada Madaxbannaanidii ka luntay reer Somaliland 26kii June, 1960kii. Iska dhaaf gorgortan ee xataa soo hadal qaadkeeda ayaa xaaraan, waayo waa go’aan shacbi oo weliba afti dadweyne lagu ladhay,taasoo ay codkooda HAA ku dhiibteen la soo noqoshada Madaxbannaanida JSL ee 18kii May in ka badan 97%[ boqolkiiba toddoba iyo sagaashan], sidaa darteed waxa cad in Guddoomiyaha Xisbiga Waddani C/raxmaan cirro uu dhabarka usoo jeediyey Madaxbannaanida Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana ayiday ashkhaas dano gaara leh oo doonaya in si xirfadeysan maalinba qeyb loo tiriro taariikhda. Ragga ku doodaya in 26ka June,1960kii oo ah taariikhdii Boqortooyada Ingiriisku ay Madaxbannaanida siisay gayigii maxmiyadda u ahaa ee la odhan jiray [Somaliland British Protectorate] lagu beddelo 18ka May, 1991kii oo ah iyana maalintii lagu dhawaaqay dib ula soo noqoshada Madaxbannaanida Somaliland oo xuduudihiisu yihiin isla dhulkii Xornimada ka qaatay Ingiriiska,ma waxa ay u socdaan ama ujeeddadoodu tahay C/raxmaan Cirro iyo inta kale ee ay shuraakaha ku yihiin fikradda ka noqoshada Xuska 18ka May, in gebi ahaanba la laablaabo taariikhda ku xidhiidhsan guud ahaan maalintaa xuska 18ka May?. Haddaba, C/raxmaan Cirro iyo inta kale ee la qabta fikiraddaasi, waxaan muran lahayn inay si dhab ah u doonayaan, inay mar kale colaad iyo naceyb ka dhex abuuraan shacbiga reer Somaliland ee maanta ku wada nool nabad iyo wax wada qeybsi, waayo waxa ay iskaga horkeenayaan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, arrin aan dhaafsiisnayn xus taariikheed, haddii aanay sidaa ahayn maxay labada taariikhood ee xusaskoodu kala duwan yihiin midna u doonayaan xuskeeda[26ka June], ta kale ee lrh taariikhdeeda gaarka ahna u tuurayaan oo ah 18ka May?. Waar C/raxmaan iyo colkiisu ka daaya dadka fadhfadhka xumaha iyo naca aad kolba meel qurbe ah kaga soo dhex tuureysaan, si gaar ahna C/raxmaan Cirro maadaama uu Shacbiga u hayo xil loo dhaariyey oo ah jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, waxan usoo jeedinaynaa inuu xilkaa iskaga dego mar hadduu gorgortan geliyey ka noqoshada xuska 18ka May oo ah maalintii la go’aansaday in dib looga noqdo midawgii beenoobay ee Somaaliya. Sidoo kale waxanu Xildhibaannada Golaha Wakiillada ugu baaqaynaa inay C/raxmaan Cirro ka xayuubiyaan xasaanadda iyo xilkaba, maadaama uu ku tallaabsaday khiyaano Qaran oo inuu baal-maray xilkii loo dhaariyey ee ahaa inuu ugu shaqeyn doono ummadda Dastuurka dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Xisbiga Waddani Golayaashiisa fulinta iyo Dhexeba waxa la gudboon inay u kala caddeeyaan shacbiga ay codka ka doonayaan inay fikraddaa uu aaminsan yahay C/raxmaan Cirro la qabaan iyo inkale, waayo waxay kala caddeyntaasi dawo u noqonaysaa caafimaad qabka Xisbigooda iyo aaminaada shacbiga ee mustaqbalka dhaw.

Gebo-gebo

Gun iyo gunaanad, waxaa aynu qormada Weedha Wargeyska Ee Maanta aanu jecelnahay inaanu ku soo gebogabayno, tuducyo kamid ah hees uu alla ha u naxariistee ku luuqayn jiray fannaankii la hollin waayay ee codka hallaasiga ah lahaa ee Cumar Dhuulle Cali (Cumar-Mahdi). Heeskan oo Hal-ku-dheggiisu yahay “Dundumo Bal Aboor Ka Maydh”, wallow aanaan sixi Karin hal abuurka curiyey midhahiisa, haddana marka aad dhuuxdo hab dhaca ereyada uu xambaarsan yahay iyo farriinta ay gudbinaysaba, waxa ay aakhirka isugu biyo shubanaysaa liidnimada qofka noloshu hoggaamiso ee aan isagu hoggaamin nolosha, waa qofka aan birma gaydo lahayn, fiiradiisu aanay dheerayn, raad raaca sooyaalkii la soo dhaafayna aan ku taamilo qaadan. Qofkan waxaa aynu inta badan u naqaannaa ama aynu ku sifaynaa in uu yahay doqon aan dhaadin xilka saaran iyo waajibaadka laga sugayo. Hadal iyo dhammaan ila dhuuuxa midhaha tuducyo kamid ah heeska aynu soo sheegynay ee ‘Dundumo bal Aboor ka Maydh”, waxaaanay tidhi:

“Inkastoy dayaxa u egtahay

Jeegaanta dusheenna iyo

Daruuraha lagu mesallo

Haddaan Dookhu kuula gelin

Ama aan nabsi kugu dul furin

Dabkay hurisaa ma demee

Haddaad deristiin ka durug

……Kooras………

Dundumo bal aboor kamaydh!!

Dhagaxa didibka ah la hadal

Dardaaran horaa u jiray

Doqoni waxba kuuma aha

+++++

Haddii daad kula carceero

Ama uu danab kugu sanqadho

Dan iyo heello kaama laha

Waxaa taa kaaga daran

Sir aan dibnahaaga dhaafin

Ayay kala daadisaa

Dabeylaha raacisaa!!

Haddaan Dookhu kuula gelin

Ama aan dani kugu dul furin

Dabkay hurisaa ma demee

Haddaad deristiin ka durug

……Kooras………

Dundumo bal aboor kamaydh!!

Dhagaxa didibka ah la hadal

Dardaaran horaa u jiray

Doqoni waxba kuuma aha

+++++

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here