WEEDHA WARGEYSKA: “Reerkii Layli Dhaansada, Haamuhuu Ka Laayaa”

0
52

Maareeyaha Haamaha Shidaalka Oo Ka Laallaada Tareenka Xukuumadda iyo Madaxtooyada Oo Ka Qarsanaysa Tallooyin Lagu Waajahayo Keydka

Madaxtooyada Somaliland, ayaa il gaar ah ku eegaysa Muranka ka taagan Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera, waxana lagu mashquulsan yahay sidii loo furdaamin lahaa Qorshihii Haamahaas lagu wareejin lahaa oo sirtiisu dibadda u baxday, kadib Baalramaanku Cod ku laaleen. Maareeye Sheekh Saleebaan Siciid oo muddo gacanta kusoo hayey Haamaha shidaalka Berbera, ayaa haatan u muuqda nin uu kasoo idlaaday xiisihii looga hayey madaxtooyada dhexdeedu, maadaama loo tuhmayo bixinta Siraha cidda lagu wareejinayo Haamahaas, waxana soo kordhaya talooyinka isaga meesha lagaga saarayo ee la keenayo miiska talada dalka laga hago. maareeyaha-haamahaMaareeyaha oo aan hore ulahayn taariikh siyaasadeed isla-markaana tareenka Kulmiye ka fuulay Isu duwe dhinaca Wasaaradda Diinta ah, ayaa xilkan ku helay daacadnimo iyo kalgacal dheeri ah oo uu umuujiyey Hoggaanka dalka, waxana markii xilkaas loo dhiibayey lagu doorsaday Boqolaal Aqoon yahan oo Reer Berbera ahaa, kuwaas oo aqoon iyo khibrad tiisa ka badannaba u lahaa Haamaha Keydka, balse imika Madaxtooyada kama aha Libaaxii la yaqiinay ee Doobyi jirey. Waxa xiisaha Maareeye Saleebaan ee Dhinaca madaxtooyadu soo gabaabsiyey markii dhawaan ay Guddida La Dagaallanka Musuqmaasuqa iyo Dagagalka Hantida qaranka ee Golaha Wakiillada Jeediyeen Warbixin dhegaha shacabka soo jiidatay oo la xidhiidhay dheef xad-dhaaf ah oo Haamaha Shidaalka laga helo, taas oo ay sheegeen inuu Maareeyuhu bixiyey xilli ay waraysi la yeesheen, waxana arrintaas ka dhashay in Golaha uu ka abaabulmo Mooshin Guulaystay oo lagu diiday in Haamahaas lagu wareejiyo Cid gaar ah, inkastoo ay xukuumaddu arrintaas deedafaysay. Markii Goluhu warkaas soo saareen waxa Madaxtooyada ka dhex aloosmay Guux iyo Su’aalo la iska weydiinayo Kusii negaanshaha Wadaadkan ee Xayndaabka Madaxtooyada, waxana soo badanay Talooyinka Beddelkiisa la xidhiidha. Sheekh Saleebaan, ayaa sida la sheegayo ku guuldarraystay inuu madaxtooyada siiyo jawaab ay kaga gam’aan cidda bixisay Siraha Haamaha shidaalka iyo wareejintooda, waxana uu ku andacooday in Guddida Dagagalka Hawlaha Musuqu ka been Abuurteen Warbixintii uu siiyey, balse taas cidi kama rumaysan, waxana loo arkay inuu Gacanta la galay Kiis halis ku ah mustaqbalkiisa kasii mid ahaanshaha Xukuumadda Kulmiye. Sheekh Saleebaan, ayaa maalintii ay Goluhu Warbixinta Haamaha ku saabsan dhegaysteen Xawaari ku yimi Magaalada Hargeysa, waxana Maalintii taas ka dambaysay ee la laalay Wareejinta Haamaha uu Hargeysa ku qabtay shir jaraa’id oo uu kaga galgalnayo Eedaha loo jeediyey, balse waxa ay sartu sii qudhuntay markii qaar kamid ah Ganacsatadii Hawlaha wareejinta Hungurigu kaga jirey ay bannaanka keeneen Arrimo cusub oo aanay madaxtooyadu la soconin oo la xidhiidha Wareejinta Haamaha shidaalka. Wadaadku waxa uu haddana shir jaraa’id oo degdeg ah uu kaga falceliyey Hadalka Ganacsatada, waxana uu iska difaacay eedaha loo jeediyey, isagoo u muuqda nin aanay meelina u faboobayn, waxana intaas kadib caddaatay inuu dibadda uga sii baxayo xukuumadda uu muddada dheer lasoo jaanqaadayey ee Kulmiye. Haatan xukuumaddu waa ay iska diiday inay qaadato tallaabadii Wakiilladu ku laaleen Wareejinta Haamaha shidaalka Berbera, waxana talooyinka immika socda ee Haamaha shidaalka ku saabsani yihiin qaar laga qarinayo Maareeyaha, maadaama Talooyinkii hore loola wadaagay si fudud Dibadda ugu soo baxeen. Falanqaynta qalinku ku tiigaalli maayo faalladan iyo maareeyahan cirka loo calaamadiyey, waxase uu kaga baxayaa qormadan WEEDHA, tuduc ka mid ahaa heesta LOOLI ee uu curiyey Abwaan Axmed Saleebaan Maxamed (Bidde),   ereyada heestaasna:  waxaa ka mid ah

Reerkii Layli dhaansada, haamuhuu ka Laayaa, Harraadna kama ladnaade,

Lugtiii  Jeeni Dhaaftaa, Lug’gooyey ku Socotaayooy, Laftu Wey Jabataaye

Lammaanihii is Doortee, isu laab fayoobeyn, Maba aanay lulanayn bal maxay ka leeftaa?

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here