“Askariga Oo Laga Yaabo In Aanay Saaka Caruurtiisu Quraan Ayaa Laga Rabaa In Uu Nabad Galyada Ka Turjumo”
“Shaqada Bilaysku Waa Wax Xaasaasi Ah, Cidda Loo Baahan Yahay In Ay Ummaddeena Midaysaana Waa Innaga….”
“siyaasadda debeddana Macno Aanad Maanta Garanayn Baad Kaga turjumaysaa….”
“Ninka Bilayska ahi Waa In Uu Noqdo Mid Asluub Badan Oo Muxtarim Ah Oo aad u xishood badan”
Hargeysa (Hubaal)- muuqaallo kamid ah barnaamij lagu koobay taariikh nololeedkii Taliyihii hore ee Ciidammada Booliska Somaliland Alla ha u naxariistee Gen. Cilmi Rooble Furre ayaa lagu muujiyey khudbado koobkooban oo uu xilliyo kala duwan u jeediyey ciidammada booliska. Marxuum Cilmi Rooble Furre Oo Cilmi Kabaal loo yaqaannay isla markaana xilka taliyenimada laba jeer soo maray [1994-kii iyo 2010-kii] ayaa khudbado uu labaatan sanno ka hor meelo kala duwan uga jeediyey ciidammada booliska waxa uu sharraxaado ka bixiyey qaab dhismeedka la doonayo in ciidanku yeesho iyo sifooyinka ay lagama maarmaanka tahay in askarigu lahaado isaga oo saaxiibka koowaad ka dhiganaya bulshada uu u adeegayo. Barnaamijkan ku saabsan taariikhda Marxuum Cilmi Kabaal oo bahda HUBAAL ay kasoo xigatay TV-ga dawladda oo isagu waqti sii horeysay baahiyey waxyaabaha xusida mudan ee uu xambaarsan yaahy waxaa kamid ah kaalintii uu ku lahaa dhismaha ciidammada kala duwan ee dalka oo milaygii uu taliyaha noqday ay duruufo qallafsani ku gedaamnaayeen haykalka dawladnimo. Haddaba Wargeyska HUBAAL oo ka shidaal qaadanayna milicsiga sooyaalka xusuuseed ee akhristayaashiisa iyo qaybaha kale ee bulshadaba waxa uu door biday in uu la wadaago waslado kamid ah hadallo dhaxal gal ah oo Marxuum Cilmi Kabaal ku wacyi geliyey ciidammada isaga oo maankooda ku dhayay sharafta iyo cisiga laga rabo in ay bulshadooda u horseedaan.
Hor iyo horaanba waa kan Alla ha u naxariistee Cilmi Kabaal oo waayo aragnimo durugsan u lahaa hawlaha ciidammada isla markaana ku caan ahaa karti, hawl-qabad, xeel dheeri aqoonneed oo markii alla ha u naxariistee madaxweyne Cigaal xilka u magacaabay la hadlayaa malleeshiyo beelleedyo ardaayo u kala fadhiya oo xukuumaddii waqtigaasi qaranamaynaysay. “waxaan idiin sheegayaa in khamiis kasta aanu qiimayn iyo dib u eegis [inspection] ku samaynayno nadaafadda ciidanka, maxaabiista, hoggaaminta caddaaladda, fulinta sharciga, sugida nabadgelyada, sugida naxdin la’aanta iyo ilaalinta dakhliga. Waxaa loo baahan yahay in aad iga faa’iidaystaan oo naga tusaale qaadataan annagu raggaas waaweyn ee gaboobay baan nahay, idinku dhalinyar ayaad tihiin inaad ka faa’iidaystaan baa qurux badan” sidaa ayuu yidhi Marxuum Gen. Cilmi Kabaal oo sanadkii 1997-kii hayn ciidammo boolis ah kula hadlayay xarunta saldhiga dhexe ee Hargeysa. Talooyinka kale ee uu askarta siinayay waqtigaas waxa ka mid ahaa mid uu ku hogatusaalaynayo shaqada bilayska looga baahan yahay “shaqada bilaysku waa wax aad iyo aad xaasaasi u ah, waa wax aad u xishood badan, haddana u xishood daran. Way ugu xishood badan tahay oo waxa weeye in ninka bilayska ahi uu noqdo mid muxtarim ah, ugu samir badan uguna asluub badan. Markaan leeyahay wuu ugu xishood daran yahayna waxa weeye haddii aad aragto gabadh umulaysa [waa inaanad xishoon] ee aad taqaanno sida looga umuliyo oo aad badbaadiso. Markaa waa in aynu toddobaadkasta ka xisaabtanno maxaa inoo qabsoomay, maxaa toddobaadkan hawl innoo yaalla, maxaase toddobaadkan waxani u qalloocdeen. Sidaasaa la innooga baahan yahay ee waa inaad sidaas u ogaataan. Xashiishadii baa caruurteennii dhalan-rogtay, Beryahan dembe khamrigii magaalada wuu ku soo batay, dhulka lagu rogana waad garanaysaan.” Kasokow dhismaha ciidamada booliska waxa Gen. Cilmi Kabaal iyo raggii uu hormuudka u ahaa ay u dhaqaaqeen abuurida laamaha booliska ee nabad-gelyada waddooyinka [Traffic] iyo kooxda muusikada ee Baanbooyda. Bal aynu soo qaadano waslad ka mid ah khudbad wacyigelin ah oo uu 22-kii, January, 1998-kii goor subaxnimo ah u jeediyey ciidammada nabadgelyada waddooyinka, waxa ka mid ahaa talooyinkiisii ‘shaqada askariga Taraafiga ahi horumarka uu soo kordhiyo iyo guusha uu horseedaa waa mid aynu wada leenahay, aad iyo aad baan idiinku mahad naqayaa oo shaqo fiican ayaad haysaan laakiin habeennadan dembe waad joojiseen heeggankii aad meelaha Jeck points ahaa ka geli jirteen. Anigaa og oo meelo badan habeennadan maray, runtii gaabis baa halkaas ka muuqda ee waxaa la idiinka baahan yahay in aad hawsha kor u qaadaan. Annagu ma nihin kuwo aan aqoonsanayn waajibaadka uu ninka [askariga] bacadka maalintii taagan ee wadada iyo baabuurta kala hagaya, waxba idinkalama hagranayno laakiin wax walba innaga iyo illaahay baa isu hayna. Ogaada wixii aan innaga dan innaga lahayn innaguna dan kama lihin, aniga ayaaba idin leh wax alla waxa aan inna danaynayn innaguna ma danaynayno’e innaga oo wada jirna ayaynu wax wada qabsanaynaa. Cidda loo baahan yahay I ay ummaddeena isku hayso oo ay midaysaa waa innaga [ciidan ahaan], xataa siyaasadda dibada macno aanad maanta garanayn baad adigu kaga turjumaysaa. Weftiyada debadaha ka yimaada ee indho indhaynta innoogu yimaadaa waxa ay eegaan saddex meelood oo kala ah Booliska, garsoorka iyo jeelka oo ay ku odhanayaan waar jeel ma jiraa”. Mar kale isaga oo MArxuum Cilmi Kabaal la hadlaya ciidan beelleed la qarameeyey oo tabobar iyo aqoon korodhsi loo soo xidhay waxa uu dareensiiyey masuuliyadda laga rabo in askarigu ku sifoobo ee laga sugayo heer ka uu doono ha ahaadee “ siyaasada inaad katurjunto adiga taagaas leh baa lagaaga fadhiyaa, inaad dhaqaalaha ka turjunto oo aad arrimaha bulshada oo dhan iyo midnimada ummadda in aad ka turjunto ayaa lagaa doonayaa, nabad galyada iyo xasiloonaantana gacan buuxda inaad ku qabato ayaa lagaa rabaa adiga oo laga yaabo in aanay quraacan” ayuu yidhi Marxuumku.