“Fiiiiiiiiiif, Fiiiiiiiiif, Fiiiiiiiif, Fiiiiiiif”-Reer Berbera
“Haddii la isku foodhyo waxay noqonaysaa in garoonku u ekaado Goobihii Fannaaniintu ka heesaysay”-Maareeye Sheekh Saleebaan
Berbera (Hubaal)- Masuuliyiin kasoo Jeeda Gobolka Saaxil, isla-markaana xilal sare ka haya Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, ayaa Shacab-weynaha Reer Berbera maalintii ciidda kala kulmay Foodhi iyo sawaxan xad-dhaaf ah oo aanay filaynin, kadib markii ay dhawaan si weyn u taageereen Wareejinta Haamaha Keydka Berbera. Masuuliyiintan oo kala ah, Wasiir-ku-xeenada Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha iyo Warshedaha iyo Waliba Maareeyaha Haamaha shidaalka Berbera, ayaa Goobtii lagu tukanayey Salaadda Ciidda ka carraabay iyagoo dhuumanaya, isla-markaana khajilsan, kadib markii foodhi iyo qaylo roobka lagaga dhigay. Shacabkii iskugu soo baxay Garoonka Kubadda Cagta Bursade ee Magaalada Berbera, ayaa markaliya Foodhi iyo qaylo isku daray markii uu mudane Cali gadh-dheer cod baahiyaha qabsaday, isla-markaana bilaabay Hadallo uu shacabka ugu sheegayo inuu salaam uga sido madaxweyne Siilaanyo iyo Hoggaanka kale ee Qarankaba, waxana ay si degdeg ah u boobeen Kabihii iyo Gogoshii ay salaadda ku tukadeen. Shacabku waxa ay dareenkooda ku muujiyeen inaanay raalli ka ahayn dhegaysiga Wasiir dhawaan taageeray Wareejinta Haamaha Keydka Berbera oo xukuumadda iyo Baarlamaanku si weyn isugu maandhaafsan yihiin, waxana uu wasiirku halkaas kala kulmay waji-gabax filan waa ku noqday, isagoo degdeg uga dhaqaaqay Goobtii salaadda lagu tukanayey. Mudane Cali gadh-dheer oo sida wararku sheegayaan maalintaas watay Ilaalo ka badan kuwii lagu yaqaannay, ayaa ka dhex baxay shacabkii ka cadhooday hadalkiisa, waxana hadalkii la wareegay Maareeyaha Haamaha shidaalka Berbera sheikh Saleebaaan Siciid, waxana uu isku dayey inuu dejiyo dadkii wasiirka ka cadhooday ee Foodhida bilaabay. Inkastoo uu Maareeyuhu isku dayey inuu dadka dejiyo, haddana waxa sii socotay foodhidii iyo sawaxankii, waxana ay dadweynuhu si toos ah markale ugu foodhyeen Maareeye sheikh saleebaan oo cadho badani markii dambe ka muuqatay, isla-markaana foodhidaas hadh beeshay kaga falceliyey hadalladan, “Haddii la isku foodhyo taasi waxay noqonaysaa in garoonku u ekaado Goobihii Ilaahay ka fogaa ee Fannaaniintu ka heesaysay. Garoonka qofka foodhi la imanayow ilaahay ka yaab.” Ayuu ku tiraabay Maareeye Sheekh Saleebaan oo cadho badani ka muuqatay. Farriinta reer Berbera ku direen Foodhiga iyo sawaxanka, ayaa muujinaysa inaanay raalli ka ahayn tallaabada lagu doonayo in lagu wareejiyo Haamaha keydka shidaalka Berbera oo xukuumaddu hore u muujisay inay wareejin doonto. Masuuliyiinta lagu foodhyey, ayaa hore saxaafadda ugu sheegay in la wareejiyey Haamaha shidaalka Berbera, isla-markaana aanay ahayn shaqo u taalla Baarlamaanka. Waxase arrintaasi dhalisay inay reer Berbera si gaar ah u calaamadsadaan Masuuliyiintaas oo aakhirkii gaadhay in Fagaare ilyartu is qabatay lagaga foodhyo, isla-markaana ay halkaas ka hulleelaan iyagoo khajilsan.