Weerar Arday Gadoodsani Ku Qaadeen Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa Oo Waxyeello Gaadhsiiyey Xubno Hoggaanka UoH Ka Mid Ah

0
28

Xubno Ka mid Ah Board-ka Jaamacadda Oo Qaarkood Wasiirro Yihiin, ayaa Dhaawacyo Kala Duwan Qaba

 jaamacada hargeysa

 Hargeysa:(Hubaal)-Xarunta Jaamacadda Hargeysa, ayaa waxa  maalintii shalay ka dhacay Rabshado keenay  Dhaawacyo kala duwan oo la gaadhsiiyey Xubno katirsan Hoggaanka(board-ka) Jaamacadda, kuwaas oo ay geysteen qaar katirsan Ardayda Jaamacaddu.Rabshaddan oo ka dhacday Gudaha Jaamacadda, ayaa dhaawacyo kala duwan loogu geystay tiro kamid Hogaanka jaamacadda,  waxana khasaare la gaadhsiiyey Xubno ay kamid yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Caddaaladda, Qorshaynta, Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, Marwo Sacda, Mahdi Cismaan Buuri iyo tiro kamid ah  Macallimiinta iyo Hoggaanka Sare ee Jaamacadda, iyadoo dhammaanba xubnahani katirsan yihiin dallada sare ee Jaamacadda Hoggaamisa.  Sida ay sheegayaan Ilo xog-ogaal ah oo u warramay Wargeyska Hubaal, waxa rabshaddani aloosantay kadib markii maalintii Dorraad ay Xarunta Jaamacadda Yimaaddeen laba aqoon yahan oo jaamacadda hore ugu tirsanaan jirey, kuwaas oo dhawaan Degreeto madaxweyne lagaga caydhiyey shaqadii ay jaamacadda ka hayeen, kadib markii lagu eedeeyey inay  bacrimiyeen muran iyo is qabqabsi jaamacadda Dhawaan ka dhex aloosmay.  Labadaas Xubnood ayaa kala ah Prof. Axmed Maxamed Cadaad oo hore u ahaan jirey  Guddoomiyaha Kulliyadda Sayniska iyo Keyse Cali Geeddi oo ahaan jirey Guddoonka Kulliyadda Ganacsiga iyo Maamulka, kuwaas Degreeto madaxweyne Hore loogaga saaray Shaqadii ay Jaamacadda ka hayeen, waxana ay fadhiisteen xafiisyadii ay hore u fadhiisan jireen xilligii ay halkaas shaqada ka hayeen, iyagoo shirar la galay qaar kamid ah Ardayda Jaamacadda. Kadib shirkaas la sheegay la sheegay inay Xubnahani la galeen Ardayda Jaamacadda xilli Maamulka Jaamacaddu Meesha ka maqnaa, ayaa sida xoguhu sheegayaan shir ay xubno badan oo Boodhka jaamacadda ahi shalay ku lahaayeen Gudaha Jaamacadda waxa weerar kusoo qaaday Tiro kamid ah Ardayda, kuwaas oo dhaawacyo kala duwan gaadhsiiyey Tiro badan oo xubnahaas Boodhka Jaamacadda kamid ahaa. Dhaawacyada xubnahaas gaadhay oo ka dhashay Kuraas, caagado, kala-tuurid iyo Feedhadh ay isticmaaleen Ardaydaas gadoodsanayd oo aan raalli ka ahayn Degreetada Madaxweyne Siilaanyo meesha kaga saaray labadaas aqoon yahan, ayaa ahaa qaar  xaddigoodu kala duwanaa, waxana xogaha aanu haynaa noo sheegeen in xubnaha qaarkood xilligaas Koomo galeen, sida Mahdi Cismaan Buuri oo  isagu ah nin weyn oo da ah.  Xaaladda, ayaa xilligaas ahayd mid aad u kacsan, waxana Rasaas cirka u ridday Askar koobnayd oo labada wasiir la socotay, waxana khalkhal galay Hannaankii waxbarasho ee Jaamacadda  Hargeysa ee Maalintii shalay, iyadoo Halkaas laga daadgureeyey Xubnihii shirka ku jirey oo kamid ahaa Guddoomiye Jaamacadda Hargeysa Prof. Gaas oo isaga Gaadhiga Ciidamada Ammaanka Meesha lagaga qaaday.  Ardayda weerarka qaadday, ayaa u muuqatay qaar fahamka ay shirkaas ka qaateen ahaa mid lagaga tashanayey Xubnihii Hore Madaxweynuhu u caydhiyey, iyagoo si kedis ah shirkaas u kala dareeriyey.  Xogaha aanu haynaa waxa ay sheegayaan in muran xooggani ka taagan yahay cidda bixisay amarka ay jaamacadda gudaha ugu galeen Xubnaha Hore madaxweynuhu u eryey, waxana Taliska Jaamacaddu sheegay in Hoggaanka Ciidanka  Hawlgelinta Ciidanka oo lagu magacaabo maxamed Ducaale oo amar ku bixiyey in xubnahaas lasii daayo, isagoo intaas u raaciyey in Maamulka jaamacadda iyo Madaxtooyadu isla garteen in lasii daayo.  Arrinta ayaa is beddeshay, waxana bixinta amarkaas iska diiday Hoggaanka Hawgelinta Ciidanka oo dafiray inuu amarkiisa raggaas kusoo geliyey Gudaha Jaamacadda Hargeysa.  Xaaladda Jaamacadda Hargeysa ayaa wali ah mid kacsan, waxana khal-khal weyni soo galay Hannaankii waxbarasho ee Jaamacadda, maadaama ay wali ardayda ku dhex jiraan Kooxo abaabulan oo doonaya inay hirgeliyaan fikirka cidda ay taageersan yihiin. Board-ka ama hoggaanka jaamacadda maamulkeeda gacanta ku haya oo intooda badan maalintii shalay dhaawacyo kala duwan la gaadhsiiyey, ayaa la filayaa inay shirar ka yeeshaan xaaladda cusub ee soo korodhay, iyadoo laga sugayo Go’aan habsami-u-socodka jaamacadda lagu sugayo oo soo celin kara kalsoonida Ardayda, isla-markaana meesha ka saari kara rabshadaha iyo dhibta soo noqnoqotay ee Jaamacadda ka taagan.  Dhinaca Kale Xidhiidh aanu  xalay la samaynay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire oo isagu ah Guddoomiyaha Board-ka Jaamacadda, ayaa waxa uu noogu xaqiijiyey Dhaawacyadaas loo geystay Xubnaha  Sare, waxana uu intaas ku daray in Baadhitaankeeda ay u igmadeen Ciidamada Booliska.  Shirka ay Guddidu shalay ku jireen Markii Weerarku qabsaday, ayuu wasiirku ku sheegay  mid la xidhiidhey  kulamo ayaamahanba soo socday oo Dib-u-habaynta Arrimaha Jaamacadda iyo dardargelinteeda lagu gorfaynayey, waxana uu meesha ka saaray in lagaga Hadlayey Kiiska Xubnaha uu hore Madaxweynuhu Jaamacadda uga eryey.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here