Weftigu waxa Ay Sii Kaxaysteen Kolanyo RRU Ah, Waxaana Abbaartoodu Tahay Deminta Shaqaaqada Ceerigaabo
Hargeysa (Hubaal)-Wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cadde, isla-markaana ay xubno ka yihiin Wasiirro, wasiir-ku-xigeenno iyo taliyayaal ciidan, isla-markaana ay galbinayaan Cutubo ciidamada la dagaallanka argagixisada, ayaa shalay goor gaaban ka ambabaxay Magaaalada Hargeysa iyagoo kusoo jeeda Magaalada Ceerigaabo oo ay ka taagan yihiin qulqulatooyin dagaal.
Waftigan oo wakhti cilcilow ah ka cararabay Caasimadda, Ayaan laga haynin warar faafhfaahsan, waxase xogaha aanu helaynaa tilmaamayaa inay ka hor intii aanay bixin Shirar la qaateen madaxweyne Siilaanyo, isla-markaana talooyin dheer kadib la faray inay gacanta geliyaan xaaladda kacsan ee Magaalada Ceerigaabo oo maalmahan ay ka taagan yihiin dhibaatooyin keenay in tiro dad ahi dhaawacmaan. Waftigani waxa ay hore kasii kacaysteen ciidamo xoog leh oo kuwa RRU-da loo yaqaanno ah, waxana lagu wadaa inay maanta gaadhaan Magaalada Ceerigaabo, halkaas oo ay kula ballansan yihiin odayaasha iyo waxgaradka deegaanka si xaalada Magaalada looga wada hadlo. Xogaha la xidhiidha Kulankii waftigan la qaateen madaxweyanah ka hor intii aanay tegin, ayaa sheegaya inuu madaxweynuhu faray soo afjaridda xaalada kacsan ee Magaalada Ceerigaabo ka taagan, isla-markaana ay si bilaa turxaan ah arrintaas usoo afjaraan iyagoo la shashanaya dadka deegaanka iyo cidda dhibkani haysto. Dhibaatada ka taagan magaalada Ceerigaabo, ayaa ka dhalatay sarkaal ciidamada katirsan oo lagu eedeeyey inuu shixnado hub oo uu si sharcidarro ah uga baayac-mushtareeyo halkaas kasoo dejiyey, waxana Hawlgallo ciidamadu sarkaalkaas ku qaadeen ku dhaawacmay tiro shacab ah, iyadoo intaas kadibna dadka shacabka ahi sameeyeen mudaharaad ay arrintaas kaga soo horjeedeen. Sidoo kale waxa arrintan si kulul ugu hadlay, xukuumaddana baaq u diray Suldaanka Guud ee Beelaha Sarkaala fallaagoobay kasoo jeedo Suldaan Cismaan Suldaan Madar, waxana dhawaaqaas dhego nuglaan kaga falceliyey madaxweyne Siilaanyo oo Wafti culus u diray Deegaankaas. Sarkaalkii dhibaatadani ka dhalatay, Ayaan wali gacanta lagu dhigin, waxase la filayaa inay Waftigan si sullux ah arrinta u dhameeyaan, isla-markaana aanay xoog u isticmaalin soo qabashadiisa.