Wefti Heer sare Oo Hay’adaha Caalamiga Ah Somaliland Usoo dirayaan & Nuxurka Uu Daaran Yahay Bayaan Ay Si Wadajir Ah Usoo Saareen Maanta

0
123

Hargeysa (Hubaal) Waxa sidaasi lagu sheegay war-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen hay’addaha caalamiga ah, waxaana u dhigna sidan;

“War Saxaafadeed:

9 November, 2017

Wafdi heer sare ah oo ka socda hay’adaha caalamiga ah ayaa booqan doona 12-ka ilaa iyo 14-ka bisha November Hargaisa, Somaliland. Ujeedada booqashadu waa in anu muujino wadidda ka qaybgalka iyo dhiirigelinta xooggan ee geedi socodka ku-meel-gaadhka ah ee dimuqraadiyada Somaliland iyo in taas macnaheedu yahaay in ay doorasha madax-banaan, oo loo dhan yahay. laguna kalsoonan karo oo daahfuran ay ka dhacdo Somaliland 13ka Bisha November. Wafdigan heerka sara ah maahan wafti indha-indheynta doorashada Somaliland mana matalaan gudi qas ah oo kormeero doorashada madaxweynaha ee Somaliland. Wada-hawalgalyaasha Caalamiga ah waxaay ku qanacsan yihiin horumarka diyaarinta doorashooyinka waxayna ku boorinayaan in ay Guddiga Doorashooyinka Qaranka sii wadaan shaqadooda wanagsan. Waxay sidoo kale ugu baaqayan xisbiyada siyaasadda inay ka qaybgalan doorashooyinka si habboon o nabadad ah. Marka la eego qaabka iyo nidaamyada sharci ee la dejiyaay, si ay u hoggaansamaan go’aamada hay’adaha madax banaan iyo inay siyaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka waqti iyo nafisaadka ay ubaahan tahay marka codbixintu dhamaato si ay natijada ugu dhawaaqan. Waxay sidoo kale ku boorinayaan dhammaan daneeyayaasha in ay ixtiraaaman doorka saxaafadda ama arbaahinta ee wargelinta dadweynaha iyo si kor loogu qaado daahfurnaanta iyo kalsoonaanta geeddi-socodka doorashada.

Waxaay sidoo kale aaminsan yihiin in doorashadani ay tahay mid fursad u leh Somaliland inay xoojiso aqoonisgeeda dimuqraadiga ah ee horumarka faa’iidada Somaliland.

Qoraalkan waxaa saxiixay wadamada kala ah: Belgium, Denmark, the European Union, Finland, France, Germany, The Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, United Kingdom and United States of America

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here