Wasiirka khaarajiga Somaliland iyo haweenayda weftiga Ingiriiska hoggaaminaysay oo ka xog-waramay muhiimada xarunta xadhiga laga jaray
Hargeysa (Hubaal)-Wefti ka socda dalka Ingiriiska, ayaa si qarsoodi ah xadhigga uga jaray dhismo casri ah, isla markaana si xooggan loo qalabeeyey oo loo dhisay xarunta dambi-baadhista CID-da ee magaalada Hargeysa, iyadoo dhismahaas iyo qalabayntiisaba dawladda Ingiriisku maalgelisay.
Wefti ay hoggaaminayso haweenayda madaxda ka ah waaxda la-dagaalanka argagixisada ee xafiiska arrimaha dibadda UK Ms Sue Hemming, ayaa kulan la yeeshay madaxweyne Siilaanyo shalay, kuwaasoo ka wadahadlay xidhiidhka labada dal u dhexeeya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo haweenayda weftiga Ingiriiska ah hoggaaminaysay oo saxaafadda si wada jir ah ula shalay markii ay dhamaysteen kulanka madaxweynaha, ayaa shaaciyey inay Hargeysa ka fureen dhismaha xarunta CID-da ee Hargeysa oo si xooggan loo qalabeeyey.
“Waxa aannu xafiiska madaxweynaha ku soo dhaweynay wefti ballaadhan oo ka socda dalka Ingiriiska oo ay hoggaaminayso gabadha madaxda ka ah waaxda la-dagaalanka argagxisadda ee xafiiska arrimaha Dibadda Ingiriiksa, waxayna u yimaadeen inay furaan maanta xafiis weyn oo qalabkiisu u dhan yahay oo loo sameeyey xafiiska dambi-baadhista Somaliland ee CID-da, waxaanan aad ugu mahadnaqaynaa dawladda Ingiriiska cilaaqaadka fiican ee naga dhexeeya, sida aad la socotaan waxa na soo maray bil hawlo badan na dhexmareen, nagana dhexeeyeen Ingiriiska, waxaana ka mid ah in Markab weyn oo kuwa badda ee UK uu dhawaan dekedda Berbera yimi, waxa kaloo ay saraakiisha Ingiriisku booqdeen xabbaalaha ay ku aasan yihiin askartoodii ku dhimatay dagaalkii labaad ee adduunka oo Hargeysa ku yaal, waxa jiray shir dhaqaalaha iyo ganacsiga Somaliland ah in lagu qabtay magaalada London, haddana waxa la furaya xafiiska CID-da ee Somaliland, markaa cilaaqaad iyo iskaashi weyn ayaa naga dhexeeya Ingiriiska,” ayuu yidhi wasiirka Khaarajiga Somaliland.
Gabadha madaxa ka ah xafiiska la-dagaalanka argagixisadda iyo dambiyada kale ee UK oo hadlkaas ka hadashay ayaa sheegtay inay fureen xafiis si fiican loo qalabeeyey, loona casriyeeyey oo loogu tallogalay in lagu baadho dambiyada kala duwan ee la xidhiidha falalka argagixiso.
“Waxa aannu furnay maanta (shalay) xafiiska CID-da oo si fiican loo qalabeeyey, loona casriyeeyey oo heerkiisu aad u sareeyo, waxaana xafiiskaas maalgeliyey Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqo-sooranka (FCO) ee Ingiriiska, aad baanan ugu faraxsanahay in la diyaariyo dhismahaas oo wax weyn laga qabtay, aanan ku kalsoonahay inuu shaqo fiican qaban doono, kaasoo sare loo qaaday awooda baadhitaanka dambiyada ee booliska Hargeysa, iyadoo wixii qalab loo baahnaa oo dhan loo dhammeeyey xafiiska CID-da ee Somaliland,” ayey tidhi haweenayda madaxda u ahayd weftiga ka socday dalka Ingiriiska.
Waxa kaloo ay tilmaantay in xidhiidh fiican oo qoto dheer ka dhexeeyo Somaliland iyo Ingiriiska, isla markaana kulanka ay la yeesheen madaxweyne Siilaanyo lagu falanqeeyey sidii loo sii xoojin laha iskaashiga labada dawladood u dhexeeya.
Xarunta CID-da ee magaalada Hargeysa oo xadhigga laga jaray shalay, isla markaana aan loo samayn xaflad saxaafadda lagu martiqaaday sababo ammaanka la xidhiidha awgood, waxa loo sameeyey qaab casri ah oo qalab tayo leh la dhigay, iyadoo dhismahaasi yahay mid qaybo badan ka kooban, looguna talogalay in lagu baadho falalka la xidhiidha argagixisada iyo dambiyada kale ee ka dhaca Somaliland.