Ceerigaabo(Hubaal) Wefti Ka socda Akaademiyadda Nabadda Iyo Horumarinta Somaliland ahna Kooxda Maqal Muqaalka ee Guur Guura “Mobile Audio Vitual Unit“ ayaa maanta kormeer shaqo kusoo gaadhay magaala madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.
Weftiga ayaa kulamo goni gooni ah la yeeshay Badhasaabka Gobolka Sanaag, Maayaradda Degmooyinka Ceerigaabo iyo Maydh oo dhamaantoodba uga xog warameen ujeedada socdaalkuu daaran yahay .
Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamud Cali Hayste Ramaax ayaa dhankiisa dareen farxadeed kusoo dhoweeyay kooxdan isagoona ku amaanay hawlaha ay xiligan gobolkooda ka qabanayaan isagoona balan qaaday ka maamul gobol ahaan inay la shaqayn doonaa.
Maayarka degmadda Ceerigaabo Ismaaciil Hajji Nuur Iyo maayarka degmadda Maydh Xuseen Cabdirahmaan Sh Siciid ayaa iyaguna dhankooda kooxda kusoo dhoweeyay gobolka Iyo degmooyinkoodaba.
Xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka degmadda Ceerigaabo oo iyaguna warbaahinta la hadlay ayaa amaanay doorka akaademiyadu ka qaadato horumarka dalka ka degmo ahaana ay ku soo dhoweynayaan.
Guuleed Ayaanle Ahmed oo ka tirsan Cilmi baadhayaasha Akademiyada Nabadda Iyo Horumarinta oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa Ka warbixiyay ujeedada socdaalkiisa.
“Xarunta akademiyadu waa xarun cilmi baadhiseed oo somaliland ka jirta kooxdayadana waxa la yidhaahda Kooxda maqal muqaalka ee guur guura waxa la aasaasay dhowaan waxana loo sameeyay Sidii ay isugu xidhi lahayeen deegaanadda Fog fog iyo magaalooyinka in badan waxa jira meelo badan oo aanay warbaahintu gaadhin markaa kooxda waxa loogu tala galay inay dhulkaas fariimaha kasoo qaado si ay magaalooyinka usoo gaadhsiiso hada waxanu joognaa magaalada ceerigaabo Safarkayguna wa mid aanu kusoo mari doono deegaano gobolkan Sanaag ka Tirsan” Ayuu yidhi Guleed Oo u hadlay Kooxdan Akaademiyada Ka Tirsan
Weftiga Culus ee ka socdda akaademiyadda Nabad iyo Horumarinta ayaa waxa Hor kacaya Cilmi Baadhe sare Cabdiraxmaan Maxamed Axmed ”Xarbi” Waxana ay cagta soo dhigi doonaan deegaano hoos yimaada gobolka sanaag Sida degmooyinka Maydh, Gudmo Biya Cas, Iyo weliba Gar’adag.