Hargeysa (Hubaal)- Wefti ka socda Qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera nidaamka dimuquraadiyadda iyo hirgelinta doorashooyinka, ayaa Sabtida maanta imanaya magaalada Hargeysa, halka ay qaarkoodna xalayba joogeen, waxaana ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidhaa xallin khilaafka xooggan ee ka taagan arrinta diiwaangelinta Madaniga ah ee Somaliland oo ay Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI Khamiistii soo saareen go’aan ay si wada-jir ah ugu qaaddeceen gebigeedaba.
Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ahna Mudane ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Ibraahin Mahadi Buubbaa oo xalay Wargeyska Himilo Waraysi kula yeeshay Khadka Taleefanka Mudanaha oo ku sugan magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Wefti ka socda Qaadhaan-bixiyeyaasha Beesha caalamka ee Somaliland doorashada iyo hirgelinta dimuquraadiyadda ka caawayaa ay Sabtida maanta imanayaan magaalada Hargeysa qaarkoodna ay xalay ahaanba ku sugnaayeen isla Caasimadda.
Musharraxa u taagan Jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen oo isaguna isla xalay Khadka Taleefanka ugu warramay Wargeyska Himilo, ayaa xaqiijiyey inay Qaadhaan-bixiyeyaasha Wefti ka socdaa imanayaan Hargeysa oo ay maanta ahaan kulan wada-yeelan doonaan, kuwaasoo sababta ay u imanayaanna tahay khilaafka ka dhex-taagan Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xukuumadda oo ku muransan diiwaangelina Madaniga ah iyo Shuruucda qaabka loo qabanayo. Taasoo ay Wefti ka socda Qaadhaan-bixiyeyaashu markii ugu horreysay ee khilaafka diiwaangelintu soo baxday dhex-dhexaadin iyo isu-soo-dhawayn ka galeen, balse aan lagu guulaysan hirgelinta soo-jeedintoodii oo ay Xisbiyadu ku eedeeyeen Xukuumaddu inay ka baxday.
“Qaadhaan-bixiyeyaasha beesha caalamka ayaa isugu imanaya, Gabadha haysata Hay’adda RX ee Afrika way joogtaa Hargeysa, Safiirrada iyo Xubnaha Guddiga ah ee Qaadhaan-bixiyeyaasha caalamka ee innaga caawiya dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka iyaguna Berri Sabtida (Maanta Sabtida) ayey imanayaan magaalada Hargeysa, waana laga wadahadlayaa arrimahan, wax ay cid gaar ahi afduubayso ma noqon doonaan.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Xisbiga WADDANI Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubbaa.
Mar wax laga weydiiyey Xildhibaan Buubbaa waxa uu ka filayo inay ka soo baxaan kulammada Qaadhaan-bixiyeyaasha iyo dhinacyada diiwaangelinta isku khilaafsan ee Somaliland dhex-mari doona, waxa uu yidhi; “Waxa laga hadlayaa waa heshiisyadii aan midka iyo labada toona ahayn ee ka badan ee la wada sexeexday ee ay Xukuumaddu ka baxday ama jebisay in lagu dhaqmo oo siday ahaayeen ee illaa Madaxweynuhu ku ballan-qaaday loo fuliyo. Dee Xukuumaddan-na indha-adaygeeda inay tidhaahdo waannu diidnay oo dalkan annagaa ka talinna oo sidaannu doonno ka yeelayna iyo inay u hoggaansanto labadaba waa laga fili karaa.”
Waxaanu Xildhibaan Ibraahin Mahdi oo hadalkiisa sii wataa intaas ku daray oo yidhi; “Waayo? Maalintii hore ee ay Weftiga Qaadhaan-bixiyeyaasha ka socdaa yimaaddeen way aqbaleen soo jeedintoodii oo Madaxweynuhu markay la kulmeen wuxu yidhi; ‘sidoodii baannu u fulinaynaa heshiisyadaas oo ugu dhaqmaynaaye ha wer-werina’. Markay madaarka ka dhoofeen-na halkoodii bay ka bilaabeen oo heshiis-jebintoodii bay iska sii wateen. Markaa, hadday ku dhaqmi waydo heshiisyadaas Xukuumaddu oo ay sharciga u hoggaansami waydo waxa iman doona in cadaadis diblamaasiyadeed iyo mid siyaasadda arrimaha dibedda la xidhiidhaba la saaro, gudahana ay khalkhal innaga geliso, sidaa awgeed, waxaannu leenahay Xukuumadda ku soo laabta Heshiisyadaad sexeexdeen hirgelintooda iyo sharciga dalka u yaalla, wax keligiin idiin soconayaa ma jiraane.”
Sidoo kale, Musharraxa u taagan jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa isaguna Wargeyska Himilo u sheegay in Qaadhaan-bixiyeyaashu maanta imanayaan Hargeysa oo ay la kulmi doonaan, waxaanu yidhi; “Qaadhaan-bixiyeyaashu way imanayaan illaa Berri (Maanta), kulammana waannu la geli doonnaa, waanay ka war-hayaan halkaannu ka taagannahay arrintan, arrintanina waxaannu yeelayno oo shacabka Somaliland iyo Xisbiyadu yeelayaan maaha, in mustaqbalkooda madaw ama mugdi la geliyo, wax la aqbali karo maaha.”