Komishenka doorashooyinka oo weftiga ka dalbaday taageerada hawlaha doorashada
Hargeysa (Hubaal) Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) ayaa shalay xafiskiisa ku qaabilay – wafti-sare oo ka socda waddamada Somaliland ka tageera arrimaha doorashooyinka iyo dimuqraadiyada– kuwaas oo ka kala socday midowga yurub(EU), UK, Sweden, Norway, Finland, Denmark iyo Germany.
Kulanka ayaa lagaga hadlay arrimaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka fooda inugu soo haya iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa bilaabidda diiwaangelinta codbixiyayaasha, loona xoojin lahaa hannaanka dimoqraadiyadda Somaliland.
Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa iyaguna dhinacooda uga warbixiyey waftiga qorshayaashooda shaqo ee ku aadan arrimaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka inagu soo fooda leh, waxayna waftiga ka dalbadeen sidii ay u taageeri lahaayeen shaqada KDQ.
Mudadada xukuumadda madaxweyne Biixi ayaa ku eg 13-ka bisha November ee sanadkan 2022