Madaxweynaha Somaliland oo La Kulmay Madaxa Hay’adda ICRC iyo waxyaabaha ay ka wadahadleen
Hargeysa(Hubaal):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa salaasadii shalay la kulmay wefti uu hoggaaminayo Madaxa Guddiga caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) Simon Brooks oo booqasho shaqo ku jooga Caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Sidaa waxa lagu sheegay War qoraal ah oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Maxamuud Warsame Jaamac, kaas oo nuqul ka mid ahi galabta soo gaadhay wargeyska HUBAAL, waxa uu isagoo faahfaahsan u dhignaa sitan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta [shalay] kulan la qaatay wefti uu hoggaaminayo madaxa Guddiga caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) Mr. Simon Brooks.
Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay weftiga, ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada-shaqayneed ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Guddida caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) looguna diyaar garoobi lahaa qorshaha sannadka 2019-ka, oo ay ICRC xoogga ku saari doonto adeegyada aas-aasiga ah iyo gurmadka deg-degaa, iyadoo la kaashanaysa Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland.
Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, halka dhinaca weftigana ay weheliyeen Madaxa laanqayrta cas, masuuliyiin ka socday ICRC oo uu ka mid ahaa Wakiilka u qaabilsan Xafiiska ay Somaliland ku leedahay Laanqayrta cas Mr. David McMullen.” Sidaa ayuu Afhayeenka Madaxweynuhu ku yidhi War-Saxaafadeedkiisan aftahannews.com soo gaadhay.