Wefti Uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Kulamo La Yeeshay Madax Sare oo Ka Tirsan Waddamada Kenya Iyo Ethiopia

0
36

Hargeysa (Hubaal) wakiilka Somaliland ee dalka Ethiopia Ayaanle salaad Deriye ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray kaga xogwaramay waxyaalaha u qabsoomay wefti Somaliland ah oo uu hogaaminayey wasiirka arrimaha gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade oo socdaal hawleed ugu maqnaa waddamada Kenya iyo Ethiopia.

War-saxaafadeedkaasi oo goor dhaweyd na soo gaadhay ayaa waxa uu u dhignaa sidan:- Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha gudaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cali Maxamed warancade oo ay ku wehelinayaan Taliyaha sirdoonka Somaliland, Jaamac maxamed Bootaan, ayaa soo gaadhay magaalada madaxda dalka Ethiopia ee Addis Ababa, iyaga oo ka soo kicitimay waddanka kenya magaalo madaxdiisa Nairobi, halkaasi oo ay ku tageen safar shaqo kulamana kula soo qaateen safaaradaha Maraykanka iyo Ingiriiska iyo madax kale.

 image-e0abb381bfe0c9e4fbce1f5875caaeb601c7ba5c775776648b07f7366d11850d-V

Wasiirka iyo weftigiisu intii ay ku sugnaayeen Addis -baba waxay kulamo gooni gooniya la yeesheen madax sarsare oo ka tirsan xukuumada Ethiopia, sida wasiirka arrimaha gudaha iyo federal ka Dr. Shiferaw Teklemariam, Taliyaha guud ee ciidamada Ethiopia, Gen samora yenus iyo maayirka Caasimada Addis Ababa mayor kuma demksa.

image-09c112cc07df1d8a94a8be0c8f11fb62c003eaf9c9299733c54ef6ec3200c82a-Vkulamadan oo ahaa kuwo hore loo sii qorsheeyey waxa lagu qaadaa-dhigay xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Ethiopia iyo Somaliland sida nabadgelyada, horumarka, iskaashiga Kulamadan oo qaatay saacado baddan waxa si buuxda Laysula qaatay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dal meelna looga soo wada jeedo wixii wax u dhimaya nabadgelyada iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah ee Ethiopia iyo Somaliland iyo guud ahaan geeska Afrika.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here