Wefti uu hogaamiyo wasiirka Beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim, ayaa u kuur gal iyo indho indhayn ku sameeyey mashaariic horumarineed oo beeraha ku sabsan oo laga hirgaliyey deegaano ka tirsan Gobolka Gabiley.
Weftigan uu hogaaminayo wasiirku ayaa waxa socdaalka ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Eng. Cabdilaahi Ismaaciil Faarax, Badhasaab ku xigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case), Afhayeenka Wasaaradda Beeraha Sacad Muuse Cabdi, Taliyaha Ciidanka Booliska Gabiley, Isuduwaha Wasaaradda Beeraha ee Gabiley C/risaaq Sh. Muxumed iyo masuuliyiin ka socday hay’adda Concern Worldwide oo ka mid yahay u qaybsamaha Somaliland ee hay’adda Barnard M. Mtonga.
Mashaariicdan deegaanada gobolka Gabiley ka tirsan oo ay ka mid yihiin deegaanada Geed Abeeray iyo Arabsiyo laga hirgaliyey oo ay samaysay hay’adda Concern World Wide oo wasaaradda Beeraha kala shaqaysa dhinaca horumarinta Beeraha ayaa waxa ka mid ah mashaariicda deegaanadaasi laga hirgaliyey Beero si casriya loogu xidhay deegaanka Geed Abeeray, sahamin lagu sameeyey Ceel biyood macaan oo dhawaan la filayo in laga hirgaliyo isla deegaankaasi, ururo iskaashato beeralay ah oo laga aas aasay deegaankaasi iyo degmada Arabsiyo oo ka tirsan Gobolka Gabiley.
Wasiirka Wasaaradda Beeraha oo hadal kooban ka kala jeediyey goobaha uu socdaalka ku marayey oo ay ka mid ahaayeen deegaanada Geed Abeeray iyo Arabiyo ayaa waxa uu kula taliyey dadka deegaanka in aqoonta loo keenay iyo taakulada loo sameeyey ka faa’iidaystaan oo aanay ka fadhiisan oo ay halkaasi ka sii wadaan.
Wasiirka oo la hadlayey dadka deegaanka Geed Abeeray oo hay’addu u samaysay Beero la xidhay si biyaha roobka looga faa’iideeyo, sahamin ceel la filayo in la hirgaliyo iyo ururo iskaashato oo loo sameeyey ayaa waxa uu wasiirku yidhi “Maanta waxa la idiinku keenay gurigiinii mashruucii ugu qaalisanaa, kuwaasi oo ay ka mid yihiin naxarada la xidhay oo ah kuwo si weyn wax looga qabtay, ta labaad waa aqoon baray oo waxa la idin baray habkaad beerta u xidhan lahaydeen iyo faa’iidada sadexaad oo ah in la idiin helay ceelkii ugu biyo macaanaa deegaanka, waxaana la idiinka baahan yahay inaad ka faa’iidaysataan”.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Eng. Cabdilaahi Ismaaciil Faarax oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Naxarada la xidhay ay ahaayeen kuwii dalka lagaga guuray “Kuwa aynu maanta toosinay waa kuwii aynu dalka kaga guurnay, hay’addana waanu ku amaanaynaa, waxaana loo baahan yahay in qof kastaa dhankiisa beerta wax ka qabsado”
Badhasaab ku xigeenka Gabiley Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa dadka deegaanka la dardaarmay, isla markaana ALLE uga baryey inuu roobka u shubo, sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay masuuliyiin ay ka mid yihiin Madaxa Somaliland ee Hay’adda Concern Worldwide, Guddoomiyaha Degmada Geed Abeeray iyo masuuiyiin kale.
Intaasi ka dib weftigu waxa ay soo mareen Deegaanka Arabsiyo oo ay la kulmeen ururk Wadajir oo ah urur iskaashato oo haween beeralay ah aas aaseen, isla markaana taageero ka siisay aaas aaska hay’addani, iyaga oo weftiga sharaxaad ka siiyey wixii u qabsoomay iyo rajadooda mustaqbalka.