Dalka Liberland waxaa uu u dhexeeya dalalka Croatia & Serbia, oo ah bogcad yar oo aan xuduudaha labadaas dal midna la raacin, waxaanu ku jiraa urur ay ku bahoobeen dalal Ay Somaliland Ka Mid Tahay
Xukuumadda Iyo Xisbigeeda Oo Madaarka Kusoo Dhaweeyey+Madaxweyne-ku-xigeenka oo Qaabilay
Hargeysa (Hubaal)- Hoggaanka xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE iyo masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa dalka ku soo dhaweeyey wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha dalka yar ee aan la aqoonsanayn ee la yidhaa Liberland oo booqasho ku yimi Somaliland shalay. Madaxweynaha Liberland Mr. Vit Jedicka oo uu wehelinayo Wasiirkiisii Baratakoolka oo magaciisa la yidhaa Tariq oo ka soo degay garoonka diyaaradaha Hargeysa maanta, waxa halkaasi ku soo dhaweeyey qaar ka mid ah masuuliyiin xisbiga KULMIYE oo ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe Md. Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) iyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Mixille Boqorre iyo saraakiil kale oo ka tirsan wasaaradda. Waxa kaloo weftigan Madaxweynaha Liberland ku qaabilay qasriga Madaxtooyada Somaliland Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna murrashaxa xilkaasi u taagan KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo kulan kooban oo is-xogwaraysi ah kula yeeshay xafiiskiisa. Dalka Liberland oo ah dalka ugu yar cabbir ahaan qaarada Yurub waa dhul dhereran galbeedka webiga la yidhaa Danube oo u dhexeeya dalalka Croatia and Serbia, kaasi oo ah bogcad yar oo aan xuduudaha labadaas dal midna la raacin kadib khilaaf xuduudeed oo dhexmaray, mano jirto cid dunida u aqoonsan dal madaxbannaan, balse waxa uu ku jiraa ururka dalalka aan la aqoonsanayn ee Somaliland xubinta ka tahay. Jamhuuriyadda xorta ah ee Liberland waa gobol-gooni-goosad ah oo 13kii April 2015 ku dhawaaqay gooni isu taag ka madax banana dalka Serbiya waxaana uu labadii sanno ee uu dalkaasi jiray ku hawlnaa sidii uu aqoonsi caalami ah uga heli lahaa beesha caalamka. Fursadaha uu dalkan yari helay intii uu jiray waxaa kamid ahayd doorashadii dalka maraykanka ka dhacday markii uu ku guulaystay madaxweyne Donald Trump waxaa uu madaxweynaha dalkaasi oolayidhaahdo Vít Jedlička uu kamid ahaa Liberland hoggaamiyeyaashii caalamka ee sida weyn u soo dhaweeyey doorashadiisa isaga oo hambalyada ka sokow geed dheer iyo mid gaabanba u koray sidii uu qaddiyadiisa uga iibin lahaa caalamka taasi oo suurtogalnimadeeda uu mr. Vít Jedlička sheegay in Madaxweyne Trump ka midho dhalin karo himilladooda.