Wefti Uu Hoggaaminayo Wasiirka Diinta Iyo Dhaqanka Jabuuti Oo Booqasho Ku Yimid Somaliland

0
28

Hargeysa (Hubaal) – Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta Magaalada Hargeysa ku soo dhaweysay Wefti ka socda dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, kuwaasi oo uu hoggaaminayo Wasiirka Diinta iyo dhaqanka Jabuuti, Aaden Xasan Aaden.

Weftiga waxa ka mid ah masuul la sheegay in dawladda Jabuuti safiir ahaan ugu soo Magacaabeyso Somaliland, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka mid ah Masuuliyiinta madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay weftiga ka socda Jabuuti.

weftiga jabuti“Waxaanu soo dhaweynaynaa weftiga ka socda dalka Jabuuti oo uu hoggaaminayo Wasiirka Diinta iyo dhaqanka Jabuuti, lana socdaan wakiilka dawladda Jabuuti mustaqbalka dhow u joogi doona Somaliland iyo weliba La taliyaha Madaxwaynaha Jabuuti” ayuu yidhi, wasiirka warfaafinta Somaliland oo ka hadlayey Qolka nashada ee Madaarka Hargeysa oo weftiga lagu soo dhaweeyay.

somalilandtoday

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here