Weftigii Madaxweynaha Iyo Md. Rayaale Oo Madaarka Kusii Rafiiqay+Wasiirka Khaarijiga Oo U Baaqday Xummada Xisbul-xaakimka

0
51

Salaantii Kediska Ahayd Ee Madaxweyne siilaanyo Iyo Hoggaamiyihii Dimuqraadiyadda Somaliland+Rafiiqii Marwooyinka

Hargeysa (Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo shalay subaxnimadii hore safar shaqo ugu baxay Dalka Ireland isagoo sii maray Dubai. weftiga waxa aan xubin ka ahayn oo ka hadhay Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis. Madaxweynaha waxay ku kulmeen qolka Martida ee Garoonka Diyaraha ee Cigaal International Airport Madaweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Marwadiisa Huda Barkhad Aadan oo ay weftiga madaxweynaha Qaranka isku Diyaarad ka raaceen Hargeysa, iskuna gacanqaadeen halkaasi. Madaxweynaha oo saxaafada warbixin ka siiyey safarkiisa shaqo ayaa yidhi “Waxaan jecelahay in aan faahfaahin kooban idinka siiyo socdaal rasmi ah oo aan maanta ugu ambabaxaayo wadanka IRELAND oo aan ku tegayo booqosho rasmiya. Waxaanan kulamo aniga iyo weftiga ila socdaa aan la yeelan doonaa hadii alle idmo madaxweynaha IRELAND iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan isla wadankaasi, anigoo kala hadli doona qadiyada Somaliland iyo sidii loo sii xojinta lahaa xidhiidhka labada wadan, Isla markaana waxaanu u bandhigi doonaa aragtida qaranka Somaliland ee ku wajahan xaqa shacabka Somaliland ay u leeyihiin dawladnimadooda oo muddo dheer dhinac-dhaqaale, degenaansho, siyaasadeed, iyo dawladnimo ka turjumaysa rabitaanka shacbiga Somaliland ay dadka reer Somaliland ku guulaysteen, una baahan yihiin in gacan laga siiyo hawlahaasi ay ku mashquulsan yihiin dawlada iyo shacbiga Somaliland.” “Socdaalkani wuxuu ka mid yahay socdaaladii aan horeba ugu tegi jiray wadamada caalamka si aan ugu bandhigo, uguna qanciyo beesha caalamka waxa ay mudan tahay Somaliland in laga yeelo,”ayuu yidhi Madaxweynuhu, waxaanu intaas ku kabay “Waxaanan sii mari-doonaa Imaaraadka Carabta ka dibna waxa aanu uga sii gudbi doono Ireland. Shacbiga Somaliland waxaan ku waaninayaa in sidii ay awalba heeganka ugu ahaayeen nabadgelyada qaranka ay sii xoojiyaan.”Madaxweynaha-iyo-irland

Madaxweynaha waxa safarkiisa shaqo ku wehelinaayey, Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirkiisa Madaxtooyada, Xoghayihiisa gaarka ah iyo weriye ka socday TVga Qaranka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here