Weftigii Madaxweyne siilaanyo Oo Sheegay In Dhaxal Sugaha UAE Uu Somaliland U Ballanqaaday Mashaariic Cusub Iyo Arrimo Maal-gashi

0
29

Dubai (Hubaal)- Wasiirka Khaarajiga ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ah weftiga uu hogaaminaayo Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed (Siillaanyo) ee maalmihii u ugu dambeeyey ku sugnaa dalka Isku taga Imaaraadka Carabta, waxaanu wasiir Biixi faahfaahin ka bixiyey kulamo dhex maray Madaxweynaha Somaliland iyo Xubno ka mid ah madaxda ugu sareysa dalkaasi oo ay ka mid yihiin Dhaxalsuga dalka Emaaraadka ee Sheikh Mohamed Binu Sa’id iyo Wasiirka  Madaxtooyadda Sheikh Mansuur Binu Sa’id ee dalkaasi, kuwaasi oo arimo maalgashi cusub iyo mashaariic hore oo Somaliland laga fuliyey ay labada dhinac kaga wada hadleen.

siilaanyo oo Imaaraadla lagu soo dhaweeyayMaxamed Biixi Yoonis, ayaa isaga oo warbaahinta kula hadlay Caasimadda dalka Imaaraadka Dubia, waxa uu Saxaafadda Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiga uu hogaaminayaa kulamadii gaar gaarka ahaa ee ay la qaateen Dhaxalsuga dalka Emaaraadka ee Sheikh Mohamed Binu Sa’id iyo Wasiirka  Madaxtooyadda Sheikh Mansuur Binu Sa’id ee Imaaraadka, ay labada dhinac kaga wada hadleen sidii iskaashiga labada dal layskugu soo dhaweynlahaa, iyada oo Madaxweyne Siillaanyo u bandhigay dawladdaasi baahiyaha aasaasiga ah ee dalka Somaliland iyo shacakiisu u baahan yihiin ina laga taageero, halka ay Dawladda Imaaraadkuna balanqaaday inay Somaliland ka taageeri doonto dhiancyadda Biyaha, Wasiiradda , Tacliinta, Tababarka, dhinac kasta oo xaga dhaqaalaha.

Md Maxamed Biixi Yoonis oo faahfaahin ka bixinaayey kulamadda Weftiga Madaxweynaha Somaliland hogaaminaayey iyo Madaxda dawladda Emaaraadka ee ay magaaladda Dubia kulmadda ku qaateen waxaanu yidhi  “Waa guul weyn oo maanta u soo hoyatay umadda Somaliland hadii Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed (Siillaanyo) uu la kulmay isaga iyo weftigii la socday Dhaxalsuga dalka Emaaraadka ee Sheikh Mohamed Binu Sa’id iyo Wasiirka  Madaxtooyadda Sheikh Mansuur Binu Sa’id ee dalkaasi, aanu laba shir la kala yeelanay oo aad iyo aad u muhiim ahaa kuwaasi oo aanu kaga wada hadalay mashaariicdii hore ee Emaaraadku hore noo siiyeen iyo mashaariic faro badan oo kale oo cusub , mashaariic  cusub oo ku lug leh Biyaha, Wasiiradda , Tacliinta, Tababarka, dhinac kasta oo xaga dhaqaalaha iyo cilaaqaadka labadda wadan ee walaalaha ah sidii layskugu soo dhaweynlahaa ayaanu kala hadalay labadda masuulba, si weyna way noo soo dhaweyeen runtii  waxaana aanu ku farax sanahay inay dalabaadkii faraha badnaa aanu u gudbinay naga ogolaadeen”

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis  oo ka hadlaalyey shirar Caalami ah oo u u dhawaan kaga qeybgalay Waddamo afrika ku yaala waxay uu yidhi “Waxa kale oo aan doonaayo in aan idiin sheego in aan safar kaga soo noqday dalka South Afrika ka horna aan ku maqnaa waddanka Ivrory Cast caasimaddiisa Abijaan ,halkaasi oo aanu u tagnay in aanu la kulano Baanka horumarinta Afrika, iyada oo sida aad la socotaan ururka Baanka horumarinta Afrika wadankeena waxay yimaadeen sannadkan waxa yimid Wefti balaadhan oo 8 qof ka kooban, waxaanan ka wada hadalay sidii wadanka wax loogu qabanlahaa iyada oo aanu kala saxeexanay heshiis ay ku jirto in aanu ugu tagno (ADB) si aanu u daba socono shirkii aanu u daba socono shirkii aanu ku yeelanahay Hargeysa, waananu la shirnay Baanka horumarinta Afrika waxaanay noogu balanqaadeen inay wax naga la qabanayaan arinkii Biyaha ee ay hore noogu balanqaadeen iyo Bilicda Caasimadda, Mashruucaasi oo ahaa $19 Milyan oo doolar oo $ 4 Milyan ahi tahay Biyaha, waxaanay dalka iman doonaan weftigaasi Bisha Ramadaan, dabadeedna weftiga iman doona si uu u sameeyo diyaar gareynta mashaariicdaasi”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here