Wejiga 2aad ee Wada-hadallada Dawladda Somaliland Iyo Khaatumo Oo Djibouti Lagu Soo Gebogabeeyey+ Guddoomiyaha UCID Oo Ka Hadlay Kulan Uu Madaxweyne Geelle La Yeeshay

0
53

DAAWO SAWIRRADA Wejiga 2aad ee Wada-hadallada Dawladda Somaliland Iyo   Khaatumo Oo Djibouti   Lagu Soo Gebogabeeyey+ Guddoomiyaha UCID Oo Ka Hadlay Kulan Uu Madaxweyne Geelle La Yeeshay

Djibouti (Hubaal) – Kulankii labaad ee Waddahadalada Somaliland iyo Khaatumo ayaa Maanta Jabuuti kusoo Gabogaboobay,isaga oo shirkani daba socoday Shirkii 17 December ee Sanadkii aynu kasoo gudubnay ka dhacay Xarunta Dalka Itobiya ee Addis-Ababa,kaasi oo ay ka soo baxeen Qodobbo 11-ka kooban oo ay labada Dhinac kala Saxiixdeen.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo ku sugan Magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti ayaa sida ay baahisay shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews oo khadka telefoonka ugu warramay isla markaana kaga war bixiyey natiijada shirka jabuuti ku dhex maraya Somaliland Iyo Khaatumo ayaa waxaa uu si kooban u sheegay in labada dhinac ay saacadaha soo socda si wada jir ah ula hadli doonaan warbaahinta.

Hase Yeese waxaa uu hoosta ka xariiqay in wax yaabaha laysla meel dhigay ay ugu mudnaayeen in dib u eegis lagu sameeyo qoddobadii hore loogu heshiiyey, waxyaabaha ka hirgalay iyo wixii aan ka hir gelin, intaas wixii ka dembeeyana ay isugu iman doonaan wejiga saddexaad ee kulankooda.

Geesta kale Eng Faysal Cali Xusein oo ka Jawaabay bal sida uu u arko eedo Cabasho ka timi Maamulka Khaatumo ay ka cawdeen Siiqada ay u hadlaan qaar kamid ah Wasiiradda Xukuumadda Somaliland,iyaga oo Waliba sigaar ah u bartilmaameed saday hadal dhawaan kasoo yeedhay Wasiirka Arimaha Gudaha ee Somaliland  Waxa uu yidhi Feysal Cali Waraabe isaga oo arrimahaa ka hadlaya “Runtii arrintaa aad iyo aad ayaanu uga Xumaanay, waxana aan Xukuumadda ugu baaqayaa in ay arrintaa Go’aan Cad kasoo saarto, waxa aad moodaa in Xidhiidhkii wada shaqayneed ee Xukuumaddu meesha ka baxay mid kastaaba meesha uu doono ku dhufanayo”  ayuu yidhi, Musharaxa Xisbiga Ucid Mudane Faysal Cali

Dhinaca kale waxa uu Gudoomiye Faysal hoosta ka Xariiqay in arimaha nabadayntu ay Cadaw badan leeyihiin oo ay ugu danbeeysay buu yidhi Talaabadii Prof Cali Khaliif Galaydh lagula kacay ee ay ka hor istaageen in uu kasoo dhoofo Garoonka Buuhoodle,taas oo dhalin yaro ay soo hawl galiyeen Maamulka Puntland soona hubeeyeen ay hawshaa ku talaabsadeen.

Sidoo kale waxa uu Gudoomiyuhu u mahadnaqay Wax garadka iyo Odayaasha Deegaanka Buuhoodle oo uu sheegay in ay sicad uga xumaadeen ugana soo horjeesteen talabaadaas lagula kacay Prof Cali Khaliif Galaydh oo Nin Weyn oo Odaya ah.

Ugu danbeyntii waxa uu Faysal Cali Waraabe Hadalkiisa kusoo gabo gabeeyay in ay Maanta Madaxweynaha Dalkiisu Marti galiyay kulanka ay is arkeen isla markaana uu u Duceeyay in ilaahay Hawshaa is Afgarad ku dhamaado shirkaasi.

1

2

3

4

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here