Djibouti:(Hubaal)-Wejigii saddexaad ee wada-hadallada Somaliland iyo maamulka Khaatumo, ayaa loo ballansan yahay inay maanta oo ay bisha March tahay 20-ka ka furmaan magaalada Djibouti ee dalka Djibouti, waxana halkaas gaadhay waftiga Khaatumo oo uu hoggaaminayo Cali Khaliif, halka waftiga Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiir Sacad Cali Shire—na la filayo inay saacadaha hore ee maanta kasoo duulaan dhinaca dalka Imaaraadka Carabta oo ay hawlo shaqo u joogeen.
Wada-hadalladan oo la filayo in laga soo saari doono qodobbo ka miisan roon kuwii hore usoo bixi jirey, ayey shacabku si weyn ugu dheg taagayaan, waxana si weyn loo saadaalinayaa inay labada dhinac soo afjari doonaan colaaddii muddada dheer ka taagnayd deegaanada Bariga Somaliland oo caqabad ku noqday horumarkii gobolladaas.
Hogaamiye Cali Khaliif, ayaa waxa aan weli caddayn waxa uu ku qanci doono, waxase muuqata inay Somaliland samayn doonto tanaasulaad badan si ay shacabka deegaannadaas u kasbato, isla markaana nabad iyo wada jir loogu soo dabbaalo deegaanada Bariga dalka oo si weyn dib ugu dhacay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in hoggaamiye Cali Khaliif lagu soo dari doono golaha wasiirrada, isla markaana loo bannan qaadi doono mansab siyaasadeed oo dhinaca axsaabta dalka ka jirta ah, waxana gorgortanka ugu weyn ku jira hogaamiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo isagu doonaya inuu jagada murashaxa madaxweyne-ku-xigeenka u qaadan doono.