Weli Biyo Ma Hayo, Horumarna Hadalkiisaba Daa!-W/Q: Xuseen Xasan Bad-maax

0
58

In badan ayaan ka dhawrsaday inaan degaanka aan ka soo jeedo wax ka qoro balse waxa igu kelifay maanta inaan qalinka u qaato waxa sababay tan iyo intii lagu dhawaaqay gooni isu taaga JSL iima muuqato wax horumar ah oo ay dawladahii kala danbeeyay ka qabteen degaanka Gaaroodi ee hoos taga degmada Salaxley(C).

Degaanka gaaroodi waxa uu ka koobanyahay 100 sq.m. waxaanu leeyahay degmo qudha ahna Salaxley.Degmadaasi waa darajada C,waxaanay ka mid tahay degmooyinka dalka ugu faca wayn,waxaanay la fac tahay degmada Sheekh oo Iyana darajada C.Labaduba waa la dulmay,waxaanay xaq u lahaayeen in darajadooda kor loo qaado.

Markaan hoos ugu daadago dulucda aragtidaydaa waxaynu isla qaadanay oo dastuuri ah nidaamka dimuqraadiyada ee ku dhisan xisbiyada badan,waxa kale oo Iyana isla qaadanay in si siman oo cadaalad ah loogu adeego degmooyinka iyo gobolada.Waxa hadaba jirta oo cid waliba ka markhaati kacaysaa degaanka gaaroodi inaan wax hormar ah laga qaban.Waan degaanka ugu codka badan gobolka m/jeex.Intaan ogahay dalka waxa laga hirgeliyay 25kaa sanno 361mashruuc,tirada intaa leeg hal mashruuc laguma soo leexin degaanka gaaroodi(Salaxley). Mashruuc aan la garanayn halkuu saldhigi doono ayaa hada lagula soo kufay,kaasina wareer ayuu dhex dhigay dadka ku nool degaanka Salaxley,waxaana lagu magacaabay seero.Waxii dhacay dabadeed heshiis ayaa lagu guulaysta siduu u hirgeli lahaa seerahaasi.Inkasta oo Riigii iska qotomo halkii la dhigay.Xaga wasaarada xanaanada way ka dhantahay siduu media-ha ka sheegay wasiir C/laahi M.Daahir,balse ay u taalo SDF-ta. Waa kaasoo mashruucii qudha ee degaanka gaaroodi ku soo leexdayna noqday buudhigii la yidhi waxa laga kireeyay rakaab ogaadeen ah!

Waxan hadaba naftayda waydiiyaa mar kasta oo aan keli ahay-ba xaggay cadaadintu kaga socotaa degaankan gaaroodi? Ma waxa lagu tiriyaa gobolka somalida ee itoobiya? Mise waxa jirta arrimo ka baxsan ogaanshahayga?

Dawladii hore halkaa iga dhig waabay tageene tan maanta dalka hogaamisaa ee uu gadhwadeenka ka yahay Axmed-siiraanyo maxay ku ilawday degaanka Salaxley ee uga qadisay mashaariicda dhamaan dalka ay ka hirgeliso sida ay sheegto? Degaanka Salaxley waxuu caan ku yahay halgankii dalkan loo soo galay ee lagu xoreeyay,waxaana ka marag kacaaya saraakiishii SNM inta ka nool iyo Ahmed-siiraanyo naftiisa. Markay sidaa tahay saw may ahayn Madaxweyn Ahmed-siiraanyo inuu xasuusteeda lahaado,kana qayb geliyo mashaariicda dalka uu ka qabtay!

Ugu danbayn waxa aan madaxweyne Ahmed-siiraanyo ugu baaqayaa inuu markan oo waqtigiisii hogaanku gabaabsi yahay uu degaanka gaaroodi ugu dhawaaqo 3degmo hadii aanu ugu dhawaaqayn gobol xaruntiisu tahay bali-mataan.

Waxa aan ku soo afjarayaa Mudane Madaxweyne weli biyo ma hayo horumarna hadalkiisaba daa hadaan ahay degaanka gaaroodi ee hoos taga Salaxley.

Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa/JSL

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here