“Weli Rag Oo Siyaasiyiin Ah Baan Wali Ku Dhiirran Siyaasadda Oo Isha Ka Eegaya, Aniguna Xisbiga Aan Ku Biirayo Waxa Aan Rejeynayaa Inaan Go’aamiyo Illaa…….”

0
43

Wasiirkii Maalliyada Ee Cahdigii Madaxweyne Rayaalle, Haatanna  Ka Mid Ah La Taliyeyaasha Miisaanka Leh Ee Madaxweyne Siilaanyo Amb. Xuseen Cali Ducaalle (Cawil)

Maxamed  A. Caalin (Tiimbaro): Siyaasi Miisaan Ku Leh Bulshadiisa Oo Codkiisa, Cududiisa Iyo Caqligiisaba La Barbar Istaagay KULMIYE Oo Uu shalay Si Rasmi ah Ugu Biiray

DSC_8415

Hargeysa (Hubaal) – Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Somaliland Ambassador Xusen Cali Ducaale (Cawil), ayaa si qoto dheer uga hadlay miisaanka siyaasadeed ee Professor Axmed Ismaaciil Samatar oo maalintii shalay si ramsi ah ugu biiray xisbiga KULMIYE, waxana uu tilmaamay inuu wax badan kusoo kordhin doono xisbiga uu ku biiray iyo dalkaba. Ambassador Cawil oo munaasibaddii uu professor-ku kaga soo biirayey xisbiga oo lagu qabtay magaalada Borama ka hadlay, ayaa ka markhaati kacay kartida iyo aqoonta professor-ka, “waxa maanta xisbiga KULMIYE kusoo biiray nin culus oo miisaan leh oo kartidiisa iyo aqoontiisa leh, aduunkana xidhiidh ballaadhan ku leh, waana guul usoo hoyatay Somaliland iyo xisbiga KULMIYE-ba” ayuu yidhi ambassador Cawil. Mudane Cawil oo hadalkiisa sii wata, ayaa dhiirranaanta professor Axmed Ismaaciil Samatar ku tilmaamay mid ku dayasho mudan, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay jiraan siyaasiyiin aan wali go’aankooda meel dhigin oo uu isaga laftiisu kamid yahay, waxana uu yidhi, “Rag badan oo siyaasiyiin ah baan wali ku dhiirran siyaasadda oo isha ka eegaya, aniguna waxa aan mid ahay kuwaas daawadayaasha ah, laakiin waan ku faraxsanahay inuu Axmed Ismaaciil Samatar daawadayaashaas ka baxay, waxan rajaynayaa inaan geesinamadeeda yeesho oo aan ilaa bisha Sagaalaad go’aamiyo xisbiga aan ku biirayo.” Ambassador Cawil oo saamayn siyaasadeed ku dhex Somaliland, ayaa isaga laftiisa lagu wadaa inuu dhawaan kusoo biiro xisbiga KULMIYE oo haatan noqday madal ay kusoo hirtaan siyaasiyiinta aragtida dheer leh ee aan xisbina xubno ka ahayni.

Geesta kale, siyaasiga Maxamed Axmed Caalin (Timbaro) oo xilal kala duwan kasoo qabtay dawladdii Madaxweyne Rayaalle iyo tii ka horreyey ee marxuum Cigaal ayaa isna xafladdaasi ka shaaciyey inuu si rasmi ah ugu biiray xisbiga KULMIYE oo uu aqoon, talo iyo xoog wixii uu hayo ku biirinayo. Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) oo Xukuumaddii UDUB ee KULMIYe xilka kala wareegay ka ahaa gaasimaaha guud ee wasaaradda warfaafinta isla markaana cahdigii Madaxweyne Cigaal noqday Maayar ku xigeenka Caasimadda Hargeysa ayaa tan iyo sanadkii 2010-kii markii xukuumadda KULMIYe xilka la wareegtay aan lagu arag fagaareyaasha siyaasadda isaga oo dhawrkii sanno ee la soo dhaafay ku maqnaa dalka dibadiisa, hase yeeshee dhawaaqan shalay kasoo yeedhay Mr. Tiimbaro ayaa saamayn miisaaman ku soo kordhin karta kasbashada taageerayaasha degmada Axmed Dhagax ee hargeysa Oo Masuulkani dhalasho ahaan ka soo jeedo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here