“Weligeedba Adduunyadu Waa Sagaal Oo Ma Tobnowdo, Haddana Dhibaatooyin Baa Ina Horyaalla, Waxaana Kow Ka Ah……”

0
62

Muuse Biixi oo Ka Sheekeeyey Caqabadaha Hortaagan Somaliland qaarkood, Hambalyada 18 May iyo Baaqna dirayIMG_2083

Hargeysa (Hubaal):- Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye ahna Musharraxa jagada Madaxweynaha ee Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka sheekeeyey Caqabada Somaliland hortaagan iyada oo Caawa 26 jirsatay oo ay ku buuxda 26-guurada ka soo wareegtay ku dhawaaqistii Gooni-isu-taaggeeda 18 May 1991-kii, waxaanu Hambalyo iyo Farriin Baaq ah u diray Bulshada Somaliland.  Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu hambalyada shacabka maalinta qaranimada ka sakow uu farriin baaq ah u diray shacabka Somaliland inay ka qaybgalaan qaadhaan-ururinta loo beddelay xafladihii xuska 18-ka May si loogu gurmado dadka ku tabaaloobay dhibaatada abaartu sababtay. Md. Muuse Biixi Cabdi oo dhambaal ku saabsan hambalyada xuska maalinta 18-ka May u diray shacabka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu  sidoo kalena kaga hadlay guulaha Somaliland gaadhay muddada ay jirtay iyo qabyooyinka weli u dhiman, waxa u ku yidhi; “Guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland waxaan ugu hambalyeynayaa munaasibadda 18-ka May oo ah maalintii lagu dhawaaqay goonni-isu-taagga Somaliland iyo lasoo noqoshada Qarannimada Somaliland ee 18-ka May, qaranimada Somaliland waxay soo martay jid dheer oo halgan leh oo nabadayn, qaran-dhis iyo horumar dhinacyo badan leh, mid dawladnimo, waxbarasho, mid kaabayaasha dhaqaalaha ah iyo bulshada oo koboc aqooneed iyo nabadeed ku tallaabsatay, haseyeeshee adduunyadu waa tiro sagaal ah oo ma tobnowdo, mar walbana waxbaa dhiman iyadoo aynu horumar weyn gaadhnay haddana weli qabyo badan iyo dhibaatooyin baa ina horyaalla, waxaana kow ka ah dhaqaale yaraan, shaqo la’aan ama inta dadkeenna shaqaysa oo aan mushahar ku filan qaadanin, aqoonsi la’aan iyo u diyaargarowga cimilada isbeddeshay ee keentay abaaraha iyo roob la’aanta saamaysay noloshii dadka Somaliland oo dhan iyo inta afsoomaaliga ku hadasha iyo guud ahaan Geeska Afrika oo dhan.” Murrashax Muuse Biixi oo sharraxaya sida looga bixi karo mushkiladaha waqtigan hortaagan bulshada reer Somaliland, “Dhibaatooyinkaas ina horyaalla waxa lagaga gudbi karaa midnimo, isku kalsooni, aqoon iyo fahan ah inaynu isku tashano oo aanay dhibaatadaas innaga saari karin wax la inoo soo sadaqeeyey ama bani’aadam kale innagaga timi oo la innagu caawiyey,” ayuu yidhi. Waxa kaloo uu Guddoomiyaha KULMIYE u faahfaahiyey bulshada reer Somaliland sababaha loo beddelay munaasibadihii dabbaaldegga maalinta 18-ka May iyo siday uga duwan tahay kuwii hore, waxaannu yidhi; “18-ka May dabbaaldeggii hore ee la samayn jirey mid ka duwan baynu samaynaynaa, haddii markii hore aynu ciidamo soo marin jirnay oo damaashaadka uu ciidan ku jiray oo dadku fantasiye badan iyo kharash badan geli jiray abaabulka maalintaas, maanta xooggii iyo dhaqaalihii waxa aynu u beddelay inaynu ugu gurmano dadka ay abaaruhu tabaaleeyeen ee dhibaataysan wixii dhaqaale ahna halkaas loo duwo, lana bilaabo u diyaargarowgii ka hortagga abaaraha oo dhir la beero oo ay noqoto bar-bilow qof walba oo reer Somaliland ahi uu geed beeri karo, haddii aynaan dib u dhiraynin abaartu way sii baahaysaa.” Guddoomiyuhu waxa uu ugu baaqay dhammaan reer Somaliland inay si buuxda uga qayb-qaataan qaadhaan-ururinta loogu talogalay in wax lagaga qabto saamayntii abaartu reebtay, isagoo xusay in haddii qaadhaankaas loo hagar-baxo ay bulshadu noqon doonto mid isku tashatay oo baryo dibadeed ka maaranta. “Shacabka reer Somaliland gudo iyo  dibad meel ay joogaanba waxaan ugu baaqayaa inay ka qayb-qaataan qaadhaan-ururinta dhaqaalaha loogu talogalay dadka ay abaaruhu tabaaleeyeen, haddii aynu isu hagar-baxno mar waa ajar, mar waa seko haddii lagugu leeyahay, marna waa bani’aadamnimo oo dad tabaalaysan oo xaq kugu leh baa wax la siiyey, marna  dhaqaalaha aynu ururinaynaa waxa uu bar-bilow u noqonayaa in haddii aynu isku tashano aynu in badan ka maarmi doono baryada bani’aadamka, midna ogaada oo lacagta hay’aduhu inagu caawinayaan waxa laga soo ururiyaa dad innaga oo kale ah.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Muuse Biixi Cabdi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here