Guddoomiye Cirro
Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha golaha wakiillada, ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa walaac ka muujiyey in loo hoggaansami waayo soo jeedintii mucaaridka ee la xidhiidhay wakhtiga doorashada dib loo dhigayo, waxana uu ka digay in la sameeyo muddo-kordhin ka baxsan intii ay codsadeen.
Guddoomiye Cirro oo ka hadlay madal xisbigiisu kusoo dhaweynayey taageeraal cusub, ayaa xusay in lixda bilood ee ay mucaaridku codsadeen in xukuumadda loo kordhiyo ay ka ahayd in xaaladda jirta lagaga soo kabsado, balse aanay jeclayn muddo-korodhsiga doorashada.
Guddoomiyuhu waxa uu ka digay in muddo ka badan lixda bilood ee ay codsadeen lagu siyaadiyo doorashada, waxana uu xukuumada iyo xisbigeeda ugu baaqay in haddii aanay aragtiyo kale haysanin ay taageeraan soo jeedimaha mucaaridka,Guddoomiye Cirro, “ma doonayno muddo-kordhin dheer oo inagu waligeenba mabda’iyan waynu kasoo hor jeednay, laakiin waxanu eegaynaa muddada ugu kooban ee aynu xaaladdan kaga bixi karno oo ay labada xisbi mucaarid soo jeediyeen in muddada ugu yar ee xaaladdan lagaga bixi karaa ay tahay lix bilood, welina soo jeedin kama hayno xisbul-xaakimka iyo xukuumadda, waxana aanu rajaynaynaa haddii aanay mawqif kale haynin inay kaayaga soo raacaan” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.
Dhawaan ayey ahayd markii labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI soo jeediyeen in xukuumadda xilka loo kordhiyo muddo lix bilood ah, iyaga oo daliishanaya abaarta jirta, balse waxa aan la hubin muddada rasmiga ah ee golaha Guurtidu xilka u kordhin doonaan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo dhawaan geli doonta muddo-kordhintii labaad oo xidhiidh ah.