Weriyayaashii U Xidhnaa Xeer-ilaaliyaha Guud Oo Xayiraad La Saaray Aragtidooda

0
27

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyihii iyo tifaftirihii wargeyska HUBSAD Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Siciid Khadar Cabdillaahi ayaa maalintii saddexaad ku xidhan xarunta laanta dembi baadhista ee C-I-D-da, halkaas oo ay garsugayaal ku yihiin.siciid khadar iyo bulsho

Weriyaayaashan ayaan loo ogolaan in cidi ku booqato xarunta ay ku xidhan yihiin iyada oo shalay loo diiday in aanay cidina booqan ehelkooda iyo masuuliyiin ka tirsan bahda saxaafadda oo iyaga la bartilmaameedaday. Xubno kamid ah dadkii isku dayay inay booqdaan weriyayaashan ayaa HUBAAL us heegay  in loo diiday in la booqdo ilaa shalay subax  isla markana laga hor istaagay inay soo eegaan xaaladooda iyo waxa ay u baahan yihiin, iyo sidoo kale ehelladooda, Xaasaskooda iyo weliba asxaabta badan oo kale. Waxa kaloo, loo diiday inay soo booqdan  Saraakiil ka socota Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja iyo sidoo kale Masuuliyiinta ee ka kala socda Hay’adaha Warbaahinta dalka.

Lama garanaayo sababta keentay amar iyo hadidaada wariyaashan lagu takoorayo, hase-yeeshee waxa Warar laga helay sheegen inuu amarka bixiyey Xeer Ilaaliyaha guud in la joojiyo dadka booqanaya wariyaasha.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here