Weriye Ka Tirsan Wakaallada Wararka Qaramada Midoobay Ee IRIN Oo Habeennadii U Dembeeyey Ku Xidhan Hargeysa

0
81

Akhri: Farriin Uu Weriye Maxamed-Amiin Jibriil Kasoo Diray Xabsiga Dhexdiisa Iyo Cidda Uu Xadhigiisa Ku Eedeeyey

maxamed amiinHargeysa  (Hubaal)-  Maxkamada Ciiddamada   ayaa maalintii khamiistii  Xabsiga u taxaabtay Wariye Maxamed Aamiin Jibriil Cismaan,  oo ka mid ahaa Wargeyska madaxa banaan ee Saxafi iyo Wakaalada wararka Qaramada Midoobay ee Irin. Wariye Maxamed Aamiin waxaa lagu xidhay saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa halkaasi oo uu joogay inuu dhageysto dacwad ka dhaxeysay walaashii iyo badhasaabkii hore ee Gobolka Gabiley Xuseen Cumar Magan. Suxufi  Ilyaas Cabdi Cali oo xalay  Wariyaha ku Booqday saldhiga uu ku xidhanyahay ayaa waxaa uu u sheegay in  loo adeegsanayo awood islamarkaana lagu xidhay sifo sharciga baalmarsan maadaama uu saldhiga u joogay dacwad. ” Waxaa xadhigayga amray nimanka Maxkamada Ciidamada  ka tirsan iyo nin la yidhaahdo Dhagawayne oo ka shaqeeya xeer ilaalinta Gabiley”ayuu yidhi  Maxamed Aamiin Cismaan oo u waramayay Wariye Ilyaas Cabdi Cali. Waxaa uu wariye Maxamed Aamiin intaasu ku daray ” Waxaa lacag iyo awood ii adeegsanaya Badhasaabkii hore ee Gobolka Gabiley, maxkamada Gabiley ayaa walaashey sii daysay awood sheegasho ayaa Hargeysa iyo maxkamada Ciidanka qaranka loogu soo wareejiyay Dacwada.” Wariye Ilyaas Cabdi Cali oo saraakiisha Saldhiga dhexe isku dayay inuu waydiiyo xadhiga Suxufi  Maxamed Aamiin Jibriil Cismaan cida ka dambeysay ee u xidhanyahay  ayaa waxay u sheegeen inaanu u xidhnayn ciidamada Booliiska balse uu u xidhanyahay Badhasaabkii hore ee Gobolka Gabiley Xuseen Cumar Magan iyo Maxkamada Ciidamada Qaranka oo u adeegsanayo masuulkaasi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here