Weriye Shaqada Ka Tagay Isagoo Barnaamij TV Toos U Tabinaya

0
252

Weriye u dhashay Ruushka oo u shaqeynayay Telefishin ciyaaraha tabiya ayaa si aad ah uga cadhooday go’aamada garsoorahii ciyaarta.

Arrintaa waxay ku kalliftay in uu iska dhaqaaqo iyadoo qeybta labaad ee ciyaarta ay weli socoto.

Dadka ayaa iska daawanayay ciyaarta oo aan lahayn cod weriye oo sharaxaya waxa socdo.

Waxay ku dhammaatay barbardhac 1-1 ah, waxayna ahayd horyaalka koobaad ee Ruushka.

Mid ka mid ah gool hayayaasha ayaa kufiyay weeraryahan kooxda Torpedo. Garsooraha ayaa go’aansaday in qaladka uu ka dhigo laad xor ah, halkii uu ka dhigi lahaa rigooro ama gool ku laad.

Weriye Vladimir Nikolsky iyo dad kale oo badan oo ciyaarta daawanayay ayaa ka carooday go’aanka.

Mid ka mid ah difaaca ayaa gacanta ku celiyay kubaddii lagu tuuray goolkooda, waxayna ahayd rigoore kale, balse garsooraha ayaa diiday, wuxuuna sii waday ciyaarta.

Arrintaa waxay sababtay in weriyaha uu aad u xanaaqo, buuqna sameeyo.

Laba daqiiqo ayuu ku celcelinayay “Waxay ceeb ku tahay ciyaaraha Ruushka”. Ka dib wuu iska tagay asigoo dhahaya “daawo ciyaarta ayadoon laguu faalleyneyn”.

Ciyaarta ka dib wuxuu la hadlay telefishinka RT ee Ruush-ka, wuxuuna u sheegay in uusan ka shalayneyn wixii uu sameeyay.

Mr Nikolskyayaa sheegay: “Shucuurtayda aad ayey u kacday markii aan arkay in kooxda la dhaawacayo.”

Ficilka uu sameeyay waxaa soo dhoweeyay qaar ka mid ah taageerayaasha kooxda Torpedo.

Madaxa kooxda Valery Puzanov ayaa RT u sheegay: “Shaqaale keli ah ma ahan, balse waa taageera sida aniga oo kale. Haddii Nikolsky la ciqaabo xittaa, kooxda iyo taageerayaasha way garab taagan yihiin. Nikolsky waxkastoo sax ah ayuu sameeyay.”

Weriyayaasha Ruushka waxaa horey loogu eedeeyay in ay dareenkooda ku laraan tabinta ciyaarta.

Xiriirka kubadda cagta ee FIFA ayaa dooneya in xeerar adag la soo rogo marka tartanka Koobka Adduunka ka furmo Ruushka.

Xigasho: bbc

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here