Weriye Yoonis Cali Nuur Oo Ku Geeriyooday Cusbitaal Ku Yaalla Ingiriiska iyo Madaxweynaha Somaliland Iyo Madaxda Axsaabta Oo Ka Hadlay Geerida Marxuumka

0
11

London (Hubaal)-Waxaa cusbitaal ku yaala magaalada London ee dalka Britain habeen hore  ku geeriyooday rug cadaa saxaafadeed Alle u ha u naxariisto Yoonis Cali Nuur in ka badan 30 sano ka tirsnaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda. Laakiin waayadii ugu danbeeyay Yoonis waa uu ka fadhiista ka shaqaynta Warbaahinta isaga oo ahaa la taliye sare oo dhinaca Warfaafinta iyo guud ahaanba warbaahinta u ahaa xukuumadda Somaliland. Marxuum-ka ayaa la sheegay in waayadii ugu danbeeyayb uu xanuunsanaa isaga oo lagu daweynayay cusbitaal ku yaala magaalada London oo uu ugu danbeyntii xalay ku geeriyooday. Saciid Cali Muuse oo ay muddo dheer soo wada shaqeynayeen Wariye Yoonis ayaa sheegay in mudo dheer-ba uu ka cabanayay marxuum-ka xannuun dhinaca beerka ah oo ugu danbeyntii uu u geeriyooday. Yoonis waxaa uu ka mid ahaa wariyayaasha ugu khibrada badan mihnada saxaafadda guud ahaan, sidoo kalana waxaa uu ka mid ahaa marka laga hadlayo dhinaca tabinta Barnaamijyada iyo wararka wariyayaashii ugu fiicnaa ee soo mara Soomaalida.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, bahda saxaafadda, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay  Alle ha u naxariistee  Marxuum Weriye Yoonis Cali nuur. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey suxufi rug-caddaa ah oo ka baxay bahda sxaafadda Somaliland iyo guud ahaan inta ku hadasha afka-Soomaaliga, isagoo marxuumku ahaa muddo dheer suxufi u adeega bulshadiisa, una ahaa tusaale ku dayasho mudan kana tegay taariikh ma guuraan ah. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda saxaafadda, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

sida oo kale guddoomiyaha Xisbiga WADDANI  Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, ka hoggaanada ,guddida fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka iyo weli ba tageerayaasha Xisbigaasi ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh uu dirayaa shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Wariyahii weynaa ee mudada dheer ka soo shaqeynaayey Idaacadda BBC da Wariye/Marxuum Yoonis Cali Nuur

Guddoomiye Cirro wuxu sida oo kale tacsi taas la mid ah uu u dirayaa ehelki, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, isaga oo ku tilmaamay in uu shakhsi aad u wanaagsan oo Alle ka cabsi badan sida oo kale na uu ka mid ah wariyeyaasha caanka ka ah geyiga Soomaalidu degto.

 

Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi(Cirro). waxa uu ugu dambeyntii uu Alle uga baryayaa Marxuumka uu godka u nuuriyo sida oo kale na uu ka waraabiyo naxariistiisii Jannatul Fardowsa. Ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxayna uu samir iyo iiman ka siiyo. Aamiin Aamiin

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here